You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo digniintii u dambaysay u diray Iiraan iyo Imaaraatka oo ka digay halis kadib weerarkii warshadda Nukliyeerka

Iiraan dhankeeda waxa ay ku adkaysanaysaa in la aqbalo shuruudaha ay soo bandhigtay

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Kadib weerarkii Imaaraatka, Sacuudiga oo la beegsaday

    Wasiirka difaaca Sacuudi Carabiya ayaa sheegay saddex diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo kasoo kacay saldhig ku yaala Ciraaq ay ka hortageen ayna burburiyeen.

    Afhayeenka wasaaradda Major General Turki al-Maliki ayaa sheegay inay wasaaraddu qaaday talaabadaasi iyada oo xaq u leh inay ka jawaabayo.

    Waxaa uu shilkan kusoo beegmayaa iyada oo diyaarad aan duuliye lahayn lagu beegsaday warshad tamarta nukliyeerka ee Abu Dhabi, taasi oo Imaaraatku si adag u cambaareeyay.

    WARBIXINO KALE

  2. Maxay yihiin doonyaha yaryar ee Iiraan ee dhuunta u galay Maraakiibta Maraykanka?

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in ciidanka badda ee Iiraan "gabi ahaanba la burburiyay", oo ay ka soo hadheen kaliya "doonyo yaryar oo ay ku rakiban yihiin qoryaha darandooriga u dhaca".

    Si kastaba ha ahaatee, doonyahan yaryar ee dheereeya oo khubaro reer galbeed ah qaar kood u bixiyeen "doonyaha kaneecada" ayaa weli loo arkaa in ay yihiin awood wax ku ool ah.

    Doonyaha noocan ah ayaa bilowgii ka caawinayay Iiraan inay carqalad weyn ku keento marinka badda ee ugu muhiimsan caalamka, kaasi oo ah Marinka Hormuz.

    WARBIXINO KALE

  3. War deg deg ah, Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka

    Intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isra'iil oo dhinac ah iyo dhanka kale Iiraan ayaa khabiir ka faalooda arrimaha milatariga oo la ydhaahdo Akram Khareef waxa uu daabacay buuggiisa Markhaatiga Dahsoon, kaas oo uu ku sharaxayo asalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Wuxuu sidoo kale iftiiminayaa istaraatiijiyadda ay Iiraan u adeegsatay inay kaga hortagto cunaqabataynta Mareykanka islamarkaana ay ku xoojiso awooddeeda milatari ee caalamka.

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa si joogto ah laga arkaa hawlgallada Hezbollah ee xadka Isra'iil. Sidoo kale waxaa adeegsada Xuutiyiinta dalka Yemen. Bishii Sebteembar 2022, dunida ayaa la yaabtay wararka sheegaya in Iiraan ay siisay Ruushka tiknoolajiyadda diyaaradaha drones-ka.

    Sidee ayay waddan muddo 40 sano ah ku jiray cunaqabatayn ugu suurtagashay in uu gaadho dhammaan arrimahaas?

    WARBIXINO KALE

  4. Sacuudiga oo cambaareeyay weerarka drone-ta ee warshadda Nukliyeerka UAE

    Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu cambaarayay weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maanta lagu qaaday warshadda nukliyeerka korontada Imaaraatka Carabta.

    Qayb kamid ah warshada Barakah nuclear power ayaa dab ka kacay, kadib weerarkaasi drone-ta.

    Goor sii horay ayaa Isutagga Imaaraatka Carabta ay ugu yeereen weerarka mid argagixiso, oo xiisad ka dhalinayso gobolka.

    WARBIXINO KALE

  5. War deg deg ah, Somaliland oo cambaaraysay weerar lagu qaaday Nukliyeerka Imaaraatka Carabta

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay weerar loo adeegsaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Drone.

    Somaliland ayaa ku tilmaantay weerarkaasi ‘’mid khatar ku ah nabadda, xasiloonida gobolka iyo madaxbannaanida dalka Imaaraatka Carbta’’

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa garab istaag loogu muujiyay UAE iyo shacbkeeda.

    UAE iyo Sacuudi Carabiya ayaa goor sii horaysay cambaareeyay weerarka drone-ta loo adeegsaday ee lagu qaaday warshadda nukliyeerka korontada Imaaraatka carabta.

    WARBIXINO KALE

  6. War deg deg ah, Trump: Iran wax u hari doona ma jiraan haddii aysan degdeg talaabo u qaadin

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa barta X ee horay loo oran jiray Twitter kusoo qoray iyada oo aan sharaxaad la socon, in Iiraan aan waxba looga tagi doonin oo haddii ‘’aysan degdeg talaabo u qaadin, aysan jirin wax u hari doona’’.

    Hadda, Wasiirka Arrimaha dibadda Pakistan oo ah dalka dhexdhexaadinaya labada dal ee Maraykanka iyo Iiraan ayaa kula kulmay Tehran Baqer Qalibaf iyo Masoud Pezhikian.

    Afhayeenka guddiga siyaasadda dibadda iyo amniga qaranka ee baarlamanka Iiraan ayaa yiri maanta: ‘’Maraykanka waa inuu aqbalaa midkood shuruudaha jamhuuriyadda iiraan oo uu isu dhibaa diblomaasiyiintayada ama Iiraan waxa ay wada xoojoodka ka galaysaa boos xoog uuna isu dhiibaa gantaaladayada’’.

    Waxa uu sheegay Iiraan ‘’kama laabanayso mid kamid ah shuruudaheeda.