Nin ayaa
gaarigiisa ku jiirsiiyay dad lugeynayay magaalada Modena ee waqooyiga
Talyaaniga Sabtidii, isagoo dhaawacay siddeed qof, afar qof ayaa halis ah, sida
ay sheegeen mas'uuliyiintu.
Dadka dhibaatad soo gaartay waxa ka mid mah haweeney labada lugood laga jaray.
Ka dib
markii gaarigu uu istaagay dukaan daaqadiis , darawalkii ayaa soo baxay isagoo
middi wata oo dhaawacay qof jidka marayay oo eryaday, ka hor inta aan la qaban
tuhmanaha.
Eedeysanaha,
oo 31 jir ah, ayay mas'uuliyiintu ku sheegeen inuu yahay muwaadin Talyaani ah
oo asal ahaan kasoo jeeda Morocco.
Ra'iisul
Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni oo baajisay safar ay ku tagi lahayd Qubrus
isla markaana ku tilmaantay dhacdada "mid aad u daran", ayaa maantay booqatay
dadkii dhaawacmay iyadoo ay la socdaan Madaxweyne Sergio Mattarella.
Waxay sidoo
kale la kulantay Luca Signorelli, oo ahaa qofkii soo farageliyay dhacdadaas , waxayna uga
mahadcelisay ficilladiisa.
"Waxa
ka dhigaya qofka caadiga ah geesinimo waa waqtiga uu wadnuhu doorto inuu
sameeyo wanaag, xitaa marka ay taasi ku lug leedahay khatar," ayay ku
qortay X, waxayna baahisay sawir ay is marxabeynayaan Luca Signorelli,
Dhacdadu
waxay dhacday abbaare 16:30 (14:30 GMT), markii gaariga oo xawaare sare ku
socday uu ku dhacay dadkii lugeynayay ee ku sugnaa Via Emilia oo ku taal meel u
dhow kaniisadda caanka ah ee Modena, koonfur-bari ee Milan.