TOOS, Maxaa keenay in ay istaagaan wada-hadallada dowladda federaalka iyo mucaaradka?

Shirkii dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka uga socday magaalada Muqdisho ayaa kuso dhammaaday natiijo la’aan, isagoo lagu kala tegay saacado yar kadib markii uu dib u furmay maanta

Kooban

  • Trump oo sheegay waxay madaxweynaha Shiinaha iska dhaheen qodob si weyn loo sugayey
  • Maxaa keenay inay istaagaan wada-hadallada dowladda federaalka iyo mucaaradka?
  • Wax ka ogow nolosha iyo aqoonta Xasan Sheekh iyo madaxweyneyaashii kale ee soo maray Soomaaliya

Tebin toos ah

  1. Wax ka ogow nolosha iyo aqoonta Xasan Sheekh iyo madaxweyneyaashii kale ee soo maray Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images/Social

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay saacadihii ugu dambeeyay ee habeenkii Talaadada in uu shahaadada ugu sarreysa ee waxbarashada jaamacadda ee PhD ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey.

    Waxa uu daraaseeyay culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka. Waxa ay tan ka dhigan tahay in uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qaata Ph.D, waxaana hadda kaddib loogu yeeri doonaa Dr Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Haddaba, halkan ka akhriso noloshii iyo waxbarashadii madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya.

  2. Maxaa keenay inay istaagaan wada-hadallada dowladda federaalka iyo mucaaradka?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Shirkii dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka uga socday magaalada Muqdisho ayaa kuso dhammaaday natiijo la’aan, isagoo lagu kala tegay saacado yar kadib markii uu dib u furmay maanta labadii duhurnimo.

    Shirkan oo ay fududeeyeen safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo Arbacadii furmay, ayaa waxay labada dhinac weli kala taagan yihiin mowqifyadoodii hore.

    Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in muddo-xileedkeedu ku egyahay bisha May 2027, halka mucaaradkuna ay sheegayaan inuu ku egyahay maanta 15ka May.

    Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 4tii March ee sanadkan ansixiyay dib u eegis lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya, kaasoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka ka dhigay shan sano.

    Sidoo kale mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaanka doorasho ee dowladdu waddo aysan sax ahayn.

    Weli lama shaacin in waqti kale la isu soo laabanayo iyo inkale, balse madaxda shirtay ayaa haatan kulamo gaar gaar ah la leh dhinacyadii ay kala matalayeen, waxaana la filayaa in dhinac kasta uu iskiis caawa usoo saaro sida ay u arkaan war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan sababaha keenay in wada-hadalladu ay istaagaan.

  3. Trump oo sheegay waxay madaxweynaha Shiinaha iska dhaheen qodob si weyn loo sugayey

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan “wax ballanqaad ah dhinacna ka samayn” arrinta Taiwan intii lagu jiray wadahadalladii uu la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

    Isagoo ku jiray duulimaadka uu dib ugu laabanayay Washington kadib shir laba maalmood socday oo ka dhacay Beijing, Trump wuxuu wariyeyaasha u sheegay in isaga iyo Xi ay “si weyn uga wada hadleen” Taiwan oo ah jasiirad iskeed isu maamusha, balse China ay u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda, islamarkaana aysan meesha ka saarin inay xoog ku qabsato.

    Trump ayaa sheegay in Xi, uu si toos ah u weydiiyay haddii Mareykanku difaaci doono Taiwan, isaga oo ku jawaabay: “Arrintaas kama hadlo.”

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu “go’aan gaari doono muddo aan dheerayn gudahood” oo ku saabsan haddii uu sii wadi doono iibka hubka ee horey Mareykanku ugu dhawaaqay inuu ka iibinayo Taiwan, taas oo Shiinuhu cambaareeyay.

    Taiwan waa xulafo muddo dheer la lahayd Mareykanka, waxaana sharcigu ku waajibinayaa Washington inay siiso jasiiradda awood ay isku difaacdo.

  4. Iiraan oo shaacisay war weyn oo ku saabsan Maraykanka

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in Iran ay heshay farriimo ka imanaya Washington oo muujinaya in Mareykanku diyaar u yahay inuu sii wado wadahadallada uu la leeyahay Iran.

    Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada New Delhi oo ka dhacay shir-madaxeedka BRICS, Mr Araghchi wuxuu sheegay in wararka sheegaya in Mareykanku diiday jawaabta Iran “ay la xiriireen dhowr maalmood ka hor markii Donald Trump uu bartiisa ku qoray inay ahayd ‘wax aan la aqbali karin,’ balse intaas kadib waxaan mar kale helnay farriimo ka yimid Mareykanka oo sheegaya inay diyaar u yihiin wada hadal iyo is-afgarad.”

    Si kastaba ha ahaatee, Mr Araghchi ayaa muujiyay shaki ku saabsan sida ay Mareykanku uga dhab yihiin wadaxaajoodyada, isagoo yiri: “Waxaan shaki ka qabnaa sida ay Mareykanku uga dhab yihiin wadaxaajoodyada; balse marka aan dareenno oo aan hubinno inay dhab ka yihiin oo diyaar u yihiin heshiis caddaalad ah, waxaan dib ugu laaban doonnaa wadaxaajoodyada.”

  5. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo war cusub sheegay isagoo ku sugan Hindiya

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in dadaallada dublamaasiyadeed ee hadda socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro iskahorimaadka kala dhexeeya Mareykanka ay la dhibtoonayaan kalsooni darro.

    Isagoo hadlayay kuna sugan dalka Hindiya, halkaas oo uu uga qeybgalayo shirka dalalka BRICS ee ka dhacay Delhi ayuu Mr. Araghchi sheegay in farriimaha is-diiddan ay su'aalo geliyeen ujeeddooyinka dhabta ah ee Mareykanka ee ku aaddan wadahadallada.

    Wuxuu iska fogeeyay in dadaalladii dhex-dhexaadinta ee dowladda Pakistan ay fashilmeen, balse wuxuu geeddi-socodkaas ku tilmaamay mid adag. Mr. Araghchi ayaa mar kale ku celiyay in Marinka Hormuz uu u furan yahay maraakiibta ka socota dhammaan dalalka, marka laga reebo kuwa dagaalka kula jira Iiraan.

  6. Labaatan iyo shan dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda

    Wixii ka dambeeyay markii uu bishan January horaanteedii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqataa in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.

    Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

    Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

    Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

    Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

  7. Dal Soomaalidu ka ganacsato oo 56 qof ay u geeriyoodeen cudur ka dilaacay

    .

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Hay’adda ugu sarreysa caafimaadka Afrika ayaa ku dhawaaqday inuu cudurka Ebola ka dilaacay gobolka bari ee Ituri ee dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo.

    Qiyaastii 246 xaaladood iyo 65 dhimasho ah ayaa la soo sheegay, kuwaas oo u badan magaalooyinka laga qodo dahabka ee Mongwalu iyo Rwampara, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).

    Bayaan ay soo saartay maanta oo jimce ah ayaa intaas ku daray inay qabanayso kulan ay la yeelanayso DR Congo, dalalka deriska la ah ee Uganda iyo South Sudan, iyo hay’ado kale oo caalami ah si looga wada hadlo mudnaanta koowaad, oo ay ku jiraan dadaallada wax looga qabanayo cudurka iyo kormeerka xuduudaha.

    Cudurka Ebola ayaa markii ugu horreysay la helay sannadkii 1976-dii meesha hadda loo yaqaan DR Congo, waxaana la aaminsan yahay inay fiidmeertu ku fafisay. Tani waa markii 17-aad oo uu cudurkaas dilaaga ah ee fayraska ahi ka dillaaco dalkaas.

    Dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo, waxaa ganacsiyo ku leh Soomaali badan oo halkaas ku leh ganasiyo kala duwan.

  8. Qodob kale oo Iiraan cadaadis u adeegsan karto marka laga reebo marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Lokman Ilhan/Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Warbaahinta iyo kooxaha siyaasadda mayalka adag ee Iran waxay sii wadaan inay u soo bandhigaan marin biyoodka Hormuz sidii in uusan ahayn oo kaliya marinka gaadiidka saliida ee muhiimka ah, laakiin sidoo kale uu yahay dariiq istaraatiiji u ah isgaarsiinta internetka.

    Sida laga soo xigtay maraakibtaas, Iiraan waxay awood u leedahay in ay cadaadis saarto badda hoosteeda, iyada oo la adeegsanayo fiilooyinka internetka ee caalamiga ah ee hoos yaalla badda.

    Dooda ku saabsan burburinta xarkaha internetka ayaa soo shaac baxday iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, kadib markii Mareykanka uu go'doomin militari ku soo rogay marin biyoodka Hormuz.

    Sida uu qorshuhu yahay, Iran waxay doonaysaa inay awood u yeelato sidii ay u maamuli lahayd xarkaha badda hoosteeda mara ee aaggaas.

    In kasta oo tallaabadan oo kale ay u badan tahay inay la kulanto caqabado badan oo xagga sharciga iyo farsamada ah, haddana dooddani waxay iftiiminaysaa dadaalka Iran ay ku doonayso inay ku ballaariso awooddeeda difaac siyaabo aan caadi ahayn xitaa haddii ay la macno tahay inay dhaawacayso kaabayaasha internetka ee xasaasiga ah.

  9. Warbaahinta Maraykanka oo war cusub ka sheegtay Cuba

    Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Washington ay qaadayso tallaabooyin lagu soo oogayo dacwad ka dhan ah Raul Castro, madaxweynihii hore ee Cuba oo 94 jir ah isla markaana walaal la ahaa hoggaamiyihii kacaanka, Fidel Castro. Eedeymahaas oo u baahan doona ansixinta guddi maxkamadeed ayaa la sheegay inay la xiriiraan Cuba oo soo ridday laba diyaaradood oo rayid ah soddon sano ka hor. Diyaaradahaas waxaa maamulayay urur samafal oo saldhiggiisu yahay gobolka Florida.

    Wararkan ayaa soo baxay xilli madaxa CIA-da uu kula kulmay saraakiil Cuban ah gudaha Havana. Washington ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay si dhab ah uga wada hadasho arrimaha dhaqaalaha iyo amniga, balse keliya haddii Havana ay sameyso isbeddello aasaasi ah oo ku saabsan nidaamkeeda shuuciga ah.

  10. Trump iyo Xi oo soo gebagebeeyay wadahadallo 'guul weyn ku dhammaaday' balse aan lagu dhawaaqin wax heshiisyo ah

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka dhoofay magaalada Beijing ka dib shir madaxeed laba maalmood qaatay, isagoo sheegay inuu saxiixay "heshiisyo ganacsi oo cajiib ah, una wanaagsan labada dalba," balse waxaa soo baxay faahfaahino aad u yar oo ku saabsan waxyaabihii ay dhab ahaan ku heshiiyeen labadan quwadood ee adduunka ugu waaweyn.

    Trump ayaa shir xasaasi ah la leeyahay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping maalintii Arbacada, isagoo ay weheliyaan dhowr agaasime oo ka socda shirkado waaweyn: wafdi ganacsi oo heer sare ah oo matalayay qaybaha beeraha, duulista, baabuurta korontada ku shaqeysa, iyo qalabka elektaroonigga ah ee loo isticmaalo garaadka macmalka ah.

    Ganacsiga ayaa ahaa qodobka ugu sarreeya ajandaha, inkasta oo ay jireen xiisado dhowaanahan ka dhashay dagaalka Iiraan, waxaana ganacsatadu ay rajeynayeen heshiisyo muhiim ah iyo sidoo kale in la kordhiyo muddada xabbad-joojinta canshuuraha oo ku eg bishan November.

    Booqashada waxaa lagu sifeeyay mid ay ka muuqatay hadalo diiran iyo astaamo diblomaasiyadeed. Trump waxaa lagu soo dhoweeyay jadwal mashquul badan oo ay ku jireen cutubyo salaan sharaf ah ciidan ah , casho-sharaf heer qaran ah, iyo martiqaad uu ku tagay dhismaha gaarka ah ee ay ku nool yihiin kuna shaqeeyaan hoggaamiyeyaasha Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha.