TOOS, Lubnaan oo sheegtay in 39 qof lagu dilay maalin kale oo ay si xooggan Israa’iil u fulisay duqeymo cirka ah gudaha dalkaas

Ciidamada Israa’iil iyo Hezbollah ayaa sii waday is-weydaarsiga rasaasta tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmaray dowladaha Israa’iil iyo Lubnaan 16-kii Abriil

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Mucaaradka oo ku bannaabaxaya halkii dowladdu qorsheysay

    Muqdisho

    Xigashada Sawirka, Google

    Mas’uuliyiinta mucaaradka ah ee Madasha samatabixinta ayaa aqbalay soo jeedintii dowladda federaalka Soomaaliya isla markaana gordhow shaaciyay in bannaabixii ay ku qabanayaan garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho.

    Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo shir jara’aaid qabtay ayaa sheegay, in iyagoo wax badan xeerinaya ay qaateen go’aanka ah in halkaa lagu dhigo mudaharaadka ay uga soo hejeedaan dowladda.

    Mucaaradka ayaa horey u shaaciyay dhowr goobood oo ay u qorsheeyeen dibadbax, hase-yeeshee maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka ayaa sheegay in aan bannaanbaxa lagu qaban karin meel kale marka laga yimaado Koonis oo ay dowladdu ugu tala gashay in isu soo buxu uu ka dhaco amnigana ay sugayso.

    Hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa la filayaa in ay dadka la hadlaan waxaana saacadihii la soo dhaafay ay wadeen abaabul xooggan oo ku aaddan sidii dadku u soo bixi lahaayen.

  2. Barxadihii magaalada Muqdisho xagee ku dambeeyeen

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Muqdisho waxay laheyd goobo taariikhi ah iyo dhismayaal qadiimi ah oo muddo dheer dhisnaa. Magaalada muddo ayey burbursaneyd balse sanadihii u dambeeyay si weyn ayey uga soo kabatay burburkaas. Daaro dhaadheer iyo xaafado si gaar ah loo dhisay ayaana ku soo batay. Inkastoo horumarkaas uu jiro haddana waxaa jira meelo kale oo lagu dhaliilo magaalada. Waxaa jira dhul danguud ahaa oo dadweynaha ka dhexeeyay balse dowladda ay ku wareejisay ganacsato oo laga dhigay kuwa gaar loo leeyahay.

    Magaalada waxay laheyd goobo danguud oo isugu jiray meelo dadku fariistaan oo beero yar yar ah iyo barxado kubadda lagu dheelo

    “Barxadda Yaasiin waxay aheyd meel ay ku kulmaan hobolada Waaberi, Isboortiga Soomaaliya iyo dadka caanka ah, basaska ayaa ka bixi jiray, hadda darbi ayaa lagu wareejiyay, waxayna noqotay meel xiran” ayuu yiri Xuseen Cilmi Cali Otta Dheere oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaalia isagoo intaas ku daray “Waxyaabaha kale ee aan Muqdisho ku aragnay waxaa ka mid ah meelaha la doonayo in la dhisto darbi ayaa lagu wareejiyaa”.

    Dhulka danta guud oo laga dhigo kuwa gaar loo leeyahay waxay horseedaan in goobaha bannaan ee muhiimka u ah caafimaadka guud iyo fayoobida dadka ay meesha ka baxaan. Dadweynaha waxay weynayaan goobihii dabiiciga taas oo saameyneysa nolosha dadka ku nool magaalada.

    Goobaha caanka ah ee dadweynaha ka dhexeeyay magaalada waxaa ka mid ahaa dhul loo yaqaanay Saabiya Roosa ama ciiddii guduudneyd. Waa dhulka u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ee hadda sida gaarka ah loo dhistay.

  3. Sirdoonka Maraykanka oo xog hor leh ka sheegay Iiraan

    Iyada oo ay socdaan dadaalada lagu dhammayo dagaalka u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan, waxaa weli socda iskudhacyda aan ballaarnayn ee labada dhinac. Waxayna ahayd tii ugu dambaysay ee ay rasaasta isku weydaarsadeen marinka Hormuz Jimcihii.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabataynada saaran Tehran ay tahay mid daciifin doonta Maraykanka.

    Laanta sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa iyaga oo taxliilinaya arrintan sheegay in Tehran ay weli awood u leedahay inay sii adkaysato muddo bilooyin ah cunaqabaynada ciidamada badda ee saaran dalkaasi.

    Waxa ay CIA falanqaysay in saamaynta dhaqaale ee ka dhalanaysa xanibaadyada Maraykanka aysan wax u gaysanayn Iiraan afarta bilood ee soo socota. Sarkaal Maraykanka oo xaaladan la socda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in labada dhinac ay muujinayaan doonitaan joojinta dagaalka ah, cadaadiska Maraykanka ee Iiraan waa mid xadidan.

    Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan CIA ayaa isagan ku tilmaamay taxliilinta CIA ''Been''. Waxa uu sheegay in cunaqabataynta Iiraan ay ku salaysan tahay in ''leedahay saamayn dhab ah ayna sababtay hoos u dhac dhab ah oo ku yimid – saamaynta ganacsiga, hoos u dhaca dakhliga iyo guul daro dhaqaale oo xoog u socota''

  4. Saddex dhacdo oo waaweyn oo maanta axad ah la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Maanta oo axada ah bisha May tahay 10, Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay ka kala dhacaan saddex dhacdo oo waaweyn.

    Haddii aan ku bilowno tan kowaad: Muqdisho caasimada Soomaaliya, waxaan maanta la filayaa inuu ka dhaco bannaabax ay maalmihii la soo dhaafay iclaamiyeen madaxda mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyagoo sheegay in bannaanbaxoodu uu ka dhacayo sagaal iyo tobban goobood oo ku yaalla Muqdisho.

    Sagaal iyo tobbanka goobood ayey mucaaraadku sheegeen inay yihiin dhulkii danta guud ee dadka laga saaray.

    Dhankooda masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, wasaaradda amniga gudaha iyo madaxda Booliska ayaa warbaahinta la hadlay.

    Guddoomiayah gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inay ogol yihiin bannaanbaxa balse ay isla garteen wasaaradda amniga gudaha iyo hay’addaha ammaanka si loo ilaaliyo xasiloonida in bannaanbaxaas loo asteeyo laguna qabto garoonka Koonis ama Eng Yariisow.

    Tan labaad: ayaa ah in maanta oo bisha tahay 10 ay ku beegan tahay waqtigii madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay mucaaradka inay ka qayb galaan kulan ay isugu yimaadaan si looga wadahadlo arriamah khilaafku ka taagan yahay oo ay ka mid tahay doorashooyinka.

    Tan saddexaad: ilaa saddex iyo toban degmo oo ka kala tirsan gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa sida ku cad jadwalka guddiga doorashooyinka Qaran iyo Soodimaha inay maanta oo bisha 10-ka May tahay ka qabsoonto doorasho toos oo ay dadku codkooda ka dhiibanayaan taas oo lagu dooranayo xildhibaanada golayaasha deegaanka iyo kuwa heer maamul goboleedba.

    Haddaba halkan BBC Somali isha ku hay si aad u hesho wararka arrimaas ku saabsan

  5. Hindiya oo tijaabisay gantaal cusub oo awood u leh inuu qaado madaxyo badan

    .

    Xigashada Sawirka, Hindustan Times via Getty

    Qoraalka sawirka, .

    Ciidanka Hindiya ayaa si guul leh xeebta Odisha ugu tijaabiyay jiil cusub oo ka mid ah gantaallada horumarsan ee Agni.

    Gantaalkan ayaa awood u leh inuu dhowr madax oo kuwa qarxa ah ku rido goobo kala duwan.

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Hindiya, nidaamkan gantaalka waxaa la tijaabiyay maalintii Jimcaha oo ay taariikhdu ahayd May 8

    “Hindiya waxay May 8 si guul leh u tijaabisay gantaal Agni oo horumarsan oo leh nidaamka MIRV, lagana riday Jasiiradda Abdul Kalam ee Odisha,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda difaaca.

    Bayaanka ayaa intaa ku daray in gantaalkan oo wata madaxyo badan uu beegsaday dhowr bartilmaameed oo loo cayimay oo ku yaalla dhul ballaaran oo ka tirsan Badweynta Hindiya.

  6. Wall Street Journal: Israa’iil ayaa saldhig milatari oo qarsoodi ah ka dhisatay Ciraaq

    Wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in Israa’iil ay ka dhistay saldhig milatari oo qarsoodi ah saxaraha Ciraaq si ay u taageerto hawlgalladeeda duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Iiraan, isla markaana ay bartilmaameedsatay goobahaas iyadoo adeegsanaysa duqeymo cirka ah markii ciidamada Ciraaq ay ku sigteen inay ogaadaan saldhiggaas.

    Wargeysku, isagoo soo xiganaya ilo xog ogaal ah oo ay ku jiraan saraakiil Mareykan ah, ayaa qoray in Israa’iil ay saldhiggaas dhistay waxyar ka hor bilowga dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, iyadoo Washington ay ka warqabtay arrinta. Sida ay sheegeen ilo-wareedyadu, xaruntaas waxaa ku sugnaa ciidamada gaarka ah ee Israa’iil, isla markaana waxay u adeegtay xarun saadka iyo taageerada hawlgalka ee ciidanka cirka ee dalkaas.

    Sida ku xusan warbixinta, kooxaha gurmadka iyo samatabbixinta ayaa sidoo kale lagu dejiyay saldhigga si ay u caawiyaan duuliyeyaasha haddii ay dhacdo in diyaarad dagaal oo Israa’iil ah ay shil gasho.

    BBC-du ma xaqiijin karto si madax-bannaan waxa ku jira warbixintan.

    The Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegay in saldhigga uu ku sigtay in la kashifo horraantii bisha Maarso, markii warbaahinta dawladda Ciraaq ay sheegtay in adhijir deegaanka ahi uu arkay dhaqdhaqaaq militari oo aan caadi ahayn oo ka socda aagga, oo ay ku jiraan helikobtarro.

    Ka dib warbixintaas, ciidamada Ciraaq ayaa loo diray si ay u baaraan arrinta, balse sida uu sheegay hal il-wareed, Israa’iil ayaa ka hor istaagtay inay u soo dhowaadaan iyada oo fulisay duqeymo cirka ah si aan loo shaacin goobta saldhigga.

  7. Xildhibaan Iiraani ah oo digniin adag u diray dalka Baxrayn, muxuuse ku sheegay sababta

    .

    Xigashada Sawirka, X/Ebrahimazizi33

    Qoraalka sawirka, .

    Xildhibaan caan ah oo Iiraani ah ayaa uga digay Bahrain “cawaaqib xun” taageerada ay u fidisay qaraar qabyo ah oo ku saabsan marin-biyoodka Strait of Hormuz.

    Xildhibaan Ebrahim Azizi ayaa digniin adag u diray dowladda Bahrain kadib taageeradeeda qaraar qabyo ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay looga doonayo in lagu cambaareeyo falalka Iiraan ee marin-biyoodka Hormuz.

    Farriinta Azizi ayaa lagu daabacay barta X isagoo adeegsanaya afafka Faarisiga iyo Ingiriiska bishii May 9-keedii, taas oo uu ku tilmaamay Baxrayn inay tahay “dal yar”.

    Wuxuu uga digay “cawaaqib xun” Bahrain iyo dalalka kale ee “la safan go’aanka uu Mareykanku taageerayo.”

    Azizi, oo sidoo kale madax ka ah Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee baarlamaanka Iran, wuxuu intaas raaciyey : “Marin-biyoodka Hormuz waa halbowlaha muhiimka ah, markaa ha halis gelinina in la idinka xiro weligiis."

  8. Warbaahinta Iiraan oo shaacisay tallaabooyin dowladdu qaaday oo ka dhacay waqooyiga dalka

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in toddobo qof lagu xiray magaalada Saveh ee waqooyiga Iran, iyadoo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin waxa lagu tilmaamay “warbaahin cadow ah,” sida ay baahisay Tasnim News Agency.

    Wakaaladdu waxay sheegtay in dadka la xiray lagu eedeeyay inay gudbinayeen xog isla markaana ay la shaqeynayeen warbaahin “cadaw ku ah Iran.”

    Dhacdo kale oo gaar ah, afhayeenka waaxda garsoorka Iran, Asghar Jahangir, ayaa ku dhawaaqay in lala wareegay 262 hanti oo ku kala yaalla dalka oo dhan, kuwaas oo la sheegay inay leeyihiin dad lagu tilmaamay “calooshood u shaqeystayaal u adeegaya cadowga,” sida ay werisay IRNA.

    Jahangir wuxuu intaa ku daray in hantidaas loo wareejin doono “dadka reer Iran” kadib marka la dhammeeyo habraacyada sharciyeed, isagoo xusay in tallaabooyinkani ay ka duwan yihiin akoonnada bangiyada ee maamulka sheegay in la xanibay kadib markii lala xiriiriyay “dad laga shakisan yahay iyo calooshood u shaqeystayaal.”

    Garsoorka Iran ayaa horey u sheegay in dadka bartilmaameedka ahaa lagu eedeeyay “la shaqeyn ama iskaashi lala yeeshay cadowga.”

    Tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli maamulka Iran uu dhawaan xoojiyay la wareegidda hantida ay leeyihiin saxafiyiin, siyaasiyiin mucaarad ah, fanaaniin, iyo jilayaal hore, kuwaas oo intooda badan ku nool dibadda dalka isla markaana kasoo horjeeda nidaamka Iran, sida ay sheegayaan warbixinno.

  9. Sacuudiga oo adeegyo casri ah kusoo kordhiyay Xajka sanadkan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Khadka Tareenka ee Sacuudi Carabiya ayaa ballaariyay awoodda Waddada Xawaaraha Sare ee Xarameynka ilaa in ka badan 2.21 milyan oo kuraas ah xilliga Xajka 2026 iyadoo Boqortooyada ay kor u qaadayso adeegyada gaadiidka isaga kala goosha Makkah iyo Madinah, sida ay dhowaan werisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.

    Kororkan ayaa ka dhigan in ka badan 210,000 kursi oo dheeraad ah marka la barbar dhigo sanadkii hore, oo ay weheliso 5,308 safar oo la qorsheeyay - ballaarinta qiyaastii 11 boqolkiiba si loo daboolo baahida xujeyda ee sii kordheysa.

    Howlaha gaadiidka xajka ayaa billowday shalay oo ay ahayd 5-ta bisha May, iyadoo laga duuli doono garoonka diyaaradaha ee King Abdulaziz International Airport ee magaalada Jiddah, kuna sii jeeda magaalada Makkah, taasi oo muujineysa in si rasmi ah uu u billowday adeegga tareennada ee xilliga xajka.

    SAR waxa ay sheegtay in shabakaddu ay geyn doonto ilaa 35 tareen oo awood u leh in ay kus ocdaan xawaare ilaa 300 kph inta u dhaxaysa 453-km. Safarka Maka iyo Madiina wuxuu qaadanayaa qiyaastii laba saacadood, iyadoo shan saldhig oo isku xira labada magaalo ee barakeysan loo sii marayo Jiddah.

    Kobcinta awoodda tareennada waxay la socotaa Istaraatijiyadda Gaadiidka Qaranka iyo Saadka ee Sacuudi Carabiya iyo himilooyinka ballaaran ee Hiigsiga 2030 ee Sacuudiga si kor loogu qaado dhaqdhaqaaqa iyo horumarinta adeegyada xujeyda inta lagu guda jiro Xajka, sida ay sheegtay dowladda.

  10. Shirkadda Apple oo $250 milyan oo doolar siinaysa dadkii iibsaday taleefanadeeda ee la qalday

    Qaar ka mid ah dadka iibsaday moobaylka iPhone ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadda tignoolajiyada ee Apple, iyagoo ku eedeeyay inay xayaysiisay waxyaabo cusub oo la xiriira garaadka macmalka ah ee taleefanadeeda, laakiin dhab ahaantii ay ahayd marin habaabin.

    Si kastaba ha ahaatee, Apple ayaa hadda la heshiiyey dadkii gudbiyay dacwadda waxayna go'aansadeen inay bixiyaan lacag dhan 250 milyan oo doolar.

    Sida laga soo xigtay dukumeenti laga gudbiyay maxkamada federaalka ee California Talaadadii, Apple ma aysan qiran wax khalad ah laakiin waxay ogolaatay heshiis xallin doona dacwad la gudbiyay sannadkii hore.

    Xaaladdan oo kale, Apple ayaa lagu eedeeyay inay si been abuur ah u xayeysiisay waxyaabo ay soo kordhisay oo ku saabsan AI taa oo uu leeyahay iPhone ku, oo shirkadu ay ugu yeertay 'Apple Intelligence'. Apple waxa ay sheegtay in sifooyinkani ay hagaajin doonaan sida codka 'Siri' oo ay u rogi doonaan 'kaaliyaha gaarka ah ee AI', taas oo aan wali la samayn.

    Sida ku cad heshiiska u dhexeeya iibsadayaasha iyo Apple, macaamiisha Maraykanka ee iibsaday iPhone 15 iyo iPhone 16 intii u dhaxaysay Juun 2024 iyo March 2025 waxa la siin doonaa lacag u dhaxaysa $25 ilaa $95.

  11. War ka soo kordhay Iiraan oo ku saabsan marinka Hormuz oo ay warbaahinta dalkaasi werinayso

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Baarlamaanka Iiraan ayaa ka fiirsanaya sharci cusub oo ku saabsan maaraynta Marinka Hormuz, kaas oo ay ku jiraan in xayiraado iyo lacago lagu soo rogo marinka maraakiibta, taas oo qayb ka ah waxa ay ku tilmaameen "xoojinta madaxbannaanida Iiraan ee marinka muhiimka u ah istiraatiijiyadda," sida ay werisay Wakaaladda Wararka ee Mehr.

    Sida ay wakaaladu sheegtay sharcigan wuxuu ka kooban yahay 11 qodob, iyadoo la xusay in Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee Baarlamaanku ay dhammaystireen dib-u-eegistii hore.

    Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in mashruucani uusan weli noqon sharci dhaqangal ah, maadaama uu weli u baahan yahay in si rasmi ah loogu daro ajandaha baarlamaanka, ka dibna laga doodo loona codeeyo ka hor inta aan loo gudbin mas'uuliyiinta ay khuseyso si loo ansixiyo ugu dambayntii.

    Iyadoo soo xiganaysa wakaaladu Mohammad Reza Rezaei Kochi, oo ah madaxa guddiga dib-u-dhiska ee baarlamaanka Iiraan, isagoo leh mashruucan ujeeddadiisu waa "in gabi ahaanba la maareeyo marinka," oo ay ku jirto in xayiraado lagu soo rogo maraakiibta laga leeyahay "waddamada cadawga ah" ama waddamada ka qayb qaatay "falal cadawtinimo" oo ka dhan ah Iiraan.

    Sida ay wakaaladdu sheegtay, maraakiibta kale ayaa laga yaabaa in laga dalbado inay helaan oggolaanshaha marinka iyo inay bixiyaan lacago loogu talagalay "adeegyada hagidda, la socodka, iyo amniga," iyadoo lacagahaas lagu aruurin doono lacagta maxalliga ah.

    Waxa kale oo ay soo xigatay Rezaei Kouchi oo sheegay in waddamadii ka qayb qaatay "dagaalkii lagu soo rogay" Iiraan laga yaabo in laga dalbado inay bixiyaan magdhow ka hor inta aan maraakiibtooda loo oggolaan inay dhex maraan marinka.

    Wakaaladda Wararka ee Mehr ayaa intaas ku dartay in mashruucan uu sidoo kale ka mid yahay in ganaaxyo lagu soo rogo maraakiibta ku xad-gudubta sharciga.

  12. Madaxweynaha Ruushka oo war cusub ka sheegay Iiraan iyo xaaladda Bariga Dhexe

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu rajeynayo in la soo afjaro colaada Iiraan sida ugu macquulsan uguna deg degaba badan laakiin wuxuu ka digay in haddii taasi dhici weydo, dhammaan dhinacyadu ay la kulmi doonaan khasaaro.

    Hadalkan ayaa la xiriira dadaallo socda oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha gobolka, iyadoo Ruushku marar badan sheegay inay taageersan tahay xal diblomaasiyadeed iyo in laga fogaado sii xumaanshaha colaadaha Bariga Dhexe.

    "Tani waa colaad aad u cakiran, waxayna na gelinaysaa xaalad adag, waayo waxaan xiriir saaxiibtinimo la leeyahay Iiraan iyo waddamada Khaliijka Carabta," ayuu Mr. Putin u sheegay weriyayaasha.

    Isagoo tixraacaya xiriirka joogtada ah ee kala dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, wuxuu raaciyay: "Aragtidayda, labada dhinac midna dan uguma jirto sii socoshada colaaddan

  13. Barxadihii magaalada Muqdisho xagee ku dambeeyeen

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Muqdisho waxay laheyd goobo taariikhi ah iyo dhismayaal qadiimi ah oo muddo dheer dhisnaa. Magaalada muddo ayey burbursaneyd balse sanadihii u dambeeyay si weyn ayey uga soo kabatay burburkaas. Daaro dhaadheer iyo xaafado si gaar ah loo dhisay ayaana ku soo batay. Inkastoo horumarkaas uu jiro haddana waxaa jira meelo kale oo lagu dhaliilo magaalada. Waxaa jira dhul danguud ahaa oo dadweynaha ka dhexeeyay balse dowladda ay ku wareejisay ganacsato oo laga dhigay kuwa gaar loo leeyahay.

    Magaalada waxay laheyd goobo danguud oo isugu jiray meelo dadku fariistaan oo beero yar yar ah iyo barxado kubadda lagu dheelo

    “Barxadda Yaasiin waxay aheyd meel ay ku kulmaan hobolada Waaberi, Isboortiga Soomaaliya iyo dadka caanka ah, basaska ayaa ka bixi jiray, hadda darbi ayaa lagu wareejiyay, waxayna noqotay meel xiran” ayuu yiri Xuseen Cilmi Cali Otta Dheere oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaalia isagoo intaas ku daray “Waxyaabaha kale ee aan Muqdisho ku aragnay waxaa ka mid ah meelaha la doonayo in la dhisto darbi ayaa lagu wareejiyaa”.

    Dhulka danta guud oo laga dhigo kuwa gaar loo leeyahay waxay horseedaan in goobaha bannaan ee muhiimka u ah caafimaadka guud iyo fayoobida dadka ay meesha ka baxaan. Dadweynaha waxay weynayaan goobihii dabiiciga taas oo saameyneysa nolosha dadka ku nool magaalada.

    Goobaha caanka ah ee dadweynaha ka dhexeeyay magaalada waxaa ka mid ahaa dhul loo yaqaanay Saabiya Roosa ama ciiddii guduudneyd. Waa dhulka u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ee hadda sida gaarka ah loo dhistay.

  14. War cusub oo ku saasban xanuunka Hantavirus iyo hadal uu sheegay agaasimaha WHO

    Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa u xaqiijiyay dadka deggan jasiiradda Tenerife in khatarta ay ugu jiraan qaadista fayraska Hantavirus ay hooseyso, ka hor imaanshaha markabka dalxiiska ee MV Hondus, kaas oo fayraska halista ahi ka dillaacay, iyadoo markabku uu kusoo wajahnaa jasiiradda si loogu diyaariyo daadgureyntiisa.

    Adhanom, oo Sabtidii gaaray dalka Spain, ayaa warqad furan oo uu u qoray dadka deggan jasiiradda Isbaanishka ku yiri: “Waxaan rabaa inaad si cad ii maqashaan: tani ma aha COVID kale.”

    Adhanom ayaa fariin gaar ah oo uu u diray dadka deggan Tenerife ku xaqiijiyay in hadda aysan jirin rakaab muujinaya calaamado cudurka ah oo saaran markabka MV Hondios.

    Markabka dalxiiska ayaa u jihaysan doona Canary Islands, halkaas oo inta badan qiyaastii 150-ka qof ee saaran laga daadgureyn doono kadibna diyaarad loogu qaadi doono dalalkooda hooyo, kaddib toddobaadyo ay badda ku jireen.

  15. Taariikhdii Addoonsiga iyo deegaannadii Soomaaliyeed ee laga dhoofin jiray dadka.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen dadyowgii ku howlanaa howlihii addoonsiga, ee ka jiri jiray Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta, wixii ka horreeyey dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Is-addoonsiga ayaa isugu jiray laba nooc: ka-ganacsi addoonsi (slave trade) iyo ku-shaqeysi addoonsi (slave labour). Soomaalida ayaa labadaas-ba qeyb weyn ka ahayd.

    Tusaale, dhanka bariga iyo koonfurta waxaa ka jiray ka-ganacsi addoonsi iyo ku-shaqeysi addoonsi, oo addoomaha loo isticmaali jiray in guryaha iyo beeraha lagula shaqeysto (internal consumption) iyo in dibadda loo dhoofiyo, si loogu shaqeysto (external consumption). Balse, dhanka waqooyi iyo galbeedka Geyiga Soomaalida, kama jirin ku-shaqeysi addoonsi ee gudaha ah, ee waxaa ka jiray oo keliya ka-ganacsi addoonsi, ee dibadda loo sii dhoofiyo.

  16. Benjamin Sesco iyo Cazemiro maanta ma ciyaari doonaan

    Kooxda kubadda cagta ee Manchester United oo xaqiijistay u soo bixitaanka tartanka Champions League-gga ayaa maanta waxaa ka maqnaan doona ciyaartoy muhiim ah sida Casemiro iyo Cesc Fàbregas kulanka ay la ciyaarayaan Sunderland.

    Carrick horey uma shaacin dhaawaca Casemiro. Sidoo kale, Sesco laguma darin safka ciyaartoyda ee maanta.Joshua Zirkzee ayaa helay fursaddiisii ugu horreysay ee uu ku bilaabo ciyaarta xilli ciyaareedkan isagoo hoos imanaya Carrick.

    Amad Diallo, Zirkzee iyo Kuna ayaa ku jira safka bilowga ah. Dhinaca daafaca, Lisandro Martínez ayaa dib ugu soo laabtay kooxda.

    Dhanka kale, Sunderland ayaa u tartamaysa inay u soo baxdo tartanka Europa League-ga.

  17. War deg deg ah, Degdeg: Dowladda UK oo tallaabo ka qaadaysa tahriibayaasha

    UK

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tirokoob cusub oo ay soo saartay dowladda Britain ayaa muujinaya in laba boqol oo kun oo muhaajiriin ah ay doonno yaryar kaga soo tallaabeen badda dhinaca Faransiiska tan iyo markii diiwaangelinta la bilaabay sannadkii 2018-ka.

    Dowladda UK ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabooyin lagu joojinayo socdaalladan, isla markaana sanadkan ay hoos u dhacday tirada dadka sameynaya safarkan khatarta badan.

    Arrintan ayaa noqotay walaac weyn oo haysta codbixiyayaal badan, iyadoo xisbiga garabka midig ee Reform uu guulo waaweyn ka gaaray doorashooyinkii deegaanka ee dhacay Khamiistii. Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa iska caabinaya baaqyada loogu yeerayo inuu is casilo kadib markii xisbigiisa shaqaalaha uu natiijooyin liita ka soo hooyay doorashooyinka.

  18. War deg deg ah, Dowladda Igiriiska oo Marinka Hormuz u diri doonta ciidan

    Dowladda Ingiriiska ayaa ciidan u diri doonta Bariga Dhexe, taas oo qayb ka ah hawlgal laga fulinayo marin-biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay dowladdu.

  19. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo war ka soo saartay ka qaybgalka Koobka Adduunka ee 2026-ka

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Xiriirka Kubadda Cagta ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in xulka qaranka Iiraan uu “si dhab ah oo aan shaki ku jirin” uga qayb geli doono Koobka Adduunka ee 2026-ka, kaas oo lagu qaban doono dalalka Maraykanka, Mexico iyo Kanada. Si kastaba ha ahaatee, xiriirku wuxuu sheegay in “dalka martigelinaya ay tahay inuu tixgeliyo walaacyada iyo arrimaha ay Iiraan qabto,” sida ay werisay wakaaladda wararka ee IRNA ee Iiraan.

    Xiriirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in “ka qaybgalka Iiraan uu yahay arrin la hubo, isla markaana aysan jirin wax cadaadis dibadeed ah oo ka hor istaagi kara,” isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dalka martigelinaya uu ixtiraamo oo uu tixgeliyo walaacyada Iiraan.

    Waxa kale oo uu sheegay in “Iiraan ay tartanka uga qayb geli doonto iyadoo ilaalinaysa diinteeda, dhaqankeeda iyo qiyamkeeda,” wuxuuna adkeeyay in “dagaalka dhabta ahi uu ka dhaco gudaha garoonka kubadda cagta.” Sidoo kale, wuxuu uga digay dalka martigelinaya inuu isku dayo in khilaafaadka loo raro meelo kale oo ka baxsan ciyaaraha, isagoo xusuusiyay dadka waayo-aragnimada shacabka Iiraan u leeyihiin la tacaalidda caqabadaha iyo duruufaha adag.

  20. War deg deg ah, Israa'iil oo sii deynaysa manata xubno la socda doomaha Qasa gargaarka u waday

    Xarunta Sharciga ee Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Carabta ee Israa’iil ayaa sheegtay in Israa’iil ay maanta oo Sabti ah sii deyn doonto dhaqdhaqaaqayaasha la socda “Doonyaha Caalamiga ah” ee taageeraya Qasa, kuwaas oo kala ah Thiago Avila oo u dhashay Brazil iyo Saif Abuu Koshk oo u dhashay Spain.

    Waxaa shardi laga dhigay inay ku sii jiraan gacanta maamulka socdaalka si loogu diyaariyo masaafurintooda dalka.