Maxaa ka jira in ciyaartooyda kooxdii caanka ahayd ee Real Madrid mid mid isu dilayaan?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Kooxda Real Madrid ayaa toddobaadkan gashay xaalad qalalaase weyn ah, xilli ay ahayd in dhammaan diiradda lagu saaro kulanka adag ee El Clasico ee ay la ciyaarayaan kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee FC Barcelona.

Halkii laga filayay in kooxda ay isu diyaariso kulan muhiim ah oo go'aamin kara mustaqbalka horyaalka La Liga, wararka gudaha kooxda kasoo baxaya ayaa noqday kuwo hadal-heyn badan abuuray.

Haddii Real Madrid laga adkaado kulanka Axadda, Barcelona waxay si rasmi ah u xaqiijin doontaa hanashada horyaalka La Liga sanadkii labaad oo xidhiidh ah.

Arrintan ayaa sii kordhisay cadaadiska saaran kooxda reer Madrid oo xilli ciyaareedkan la daalaa dhacaysay dhibaatooyin gudaha iyo dibadda ah.

Maalmihii ugu dambeeyay, warbaahinta Spain waxay baahisay warar sheegaya in labo ciyaaryahan oo muhiim ah oo kala ah Federico Valverde iyo Aurelien Tchouameni ay ku murmeen tababarka kooxda dhexdiisa. Murankaas oo markii hore ahaa hadal kulul ayaa la sheegay inuu sii xoogeystay maalintii xigtay kadib tababarka.

Warar ay heshay BBC Sport ayaa tilmaamay in khilaafku gaadhay gudaha qolka labiska ciyaartoyda, halkaas oo Valverde dhaawac madaxa ah kasoo gaadhay.

Qaar ka mid ah wararka ayaa sheegay in labada ciyaaryahan ay gacanta isula tageen, balse Valverde ayaa arrintaas si cad u beeniyay. Waxa uu sheegay in dhaawaciisu yimid kadib markii uu "si kama' ah madaxa ugu dhuftay miis" xilli muran socday.

Qoraal dheer oo uu soo saaray fiidnimadii Khamiista, Valverde wuxuu sheegay in dhaawacu ahaa "jeex yar oo foodda ah" kaas oo keenay in isbitaal loo qaado si loo daaweeyo.

Wuxuu sidoo kale diiday wararka sheegaya in isaga ama Tchouameni ay is garaaceen.

Kadib dhacdadan, waxaa si degdeg ah loo qabtay kulan degdeg ah oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha kooxda Florentino Perez, tababarayaasha kooxda, macalinka Alvaro Arbeloa iyo kabtanka kooxda Dani Carvajal.

Kooxda Real Madrid waxay markii dambe soo saartay laba war-saxaafadeed. Midka hore wuxuu xaqiijiyay in labada ciyaaryahan laga furay dacwad anshaxeed gudaha kooxda ah.

Midka labaadna wuxuu cadeeyay in Valverde uu qabo jug maskaxeed fudud oo u baahan nasasho u dhexeysa 10 ilaa 14 maalmood, taas oo ka dhigan inuu seegi doono kulanka El Clasico.

Valverde ayaa sheegay in xaaladda si weyn loo buunbuuniyay sababo la xidhiidha xilli ciyaareedka fashilka noqday ee kooxda.

"Qof ayaa faafinaya warar aan sax ahayn, waxaana hadda wax kasta loo eegayaa si xad dhaaf ah sababtoo ah Real Madrid koob ma qaadin xilli ciyaareedkan." ayuu sheegay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jimcihii, kooxda ayaa shaacisay in labada ciyaaryahan ay is cafiyeen, sidoo kalena raalli-gelin siiyeen kooxda iyo ciyaartoyda kale.

Mid kastana waxaa lagu ganaaxay lacag dhan 500,000 oo euro.

Dhanka kale, daafaca Alvaro Carreras ayaa isna ka hadlay warar sheegaya inuu muran kala dhexeeyay daafaca Antonio Rudiger. Qoraal uu soo dhigay Instagram ayuu ku sheegay in dhacdadaasi ahayd arrin yar oo hore loo xaliyay, isla markaana xidhiidhka uu la leeyahay dhammaan ciyaartoyda kooxda uu wanaagsan yahay.

Dhibaatooyinkaasi waxay kusoo beegmeen xilli weeraryahanka caanka ah Kylian Mbappe uu wajahayo dhaleeceyn xooggan.

Inkastoo Mbappe uu dhaliyay 85 gool 100 kulan oo uu u saftay Real Madrid tan iyo markii uu yimid Santiago Bernabeu, haddana taageerayaal badan ayaa ka cadhooday safar uu ku tagay Sardinia isagoo dhaawac ka soo kabanaya.

Kooxda ayaa ogolaatay safarka, balse sawirro muujinaya Mbappe oo saaran doon dalxiis ah ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada xilli Real Madrid ciyaareysay kulan kale.

Taageerayaal badan ayaa u arkay arrintaasi mid muujinaysa inaanu ciyaaryahanku si dhab ah ugu damqanayn xaaladda kooxda.

Arrintaas kadib, waxaa internetka si weyn ugu faafay codsi lagu dalbanayo in Mbappe kooxda laga saaro, kaas oo la sheegay inuu helay in ka badan 46 milyan oo saxiix.

Dhammaan qalalaasahan ayaa cadaadis weyn saaray tababaraha kooxda Alvaro Arbeloa. Tababarahan oo hore u soo ahaan jiray difaacyada Real Madrid ayaa shaqada la wareegay bishii Janaayo kadib markii Xabi Alonso shaqada laga qaaday lix bilood oo keliya kadib magacaabistiisa.

Dad badan ayaa hore uga shakiyay awoodda Arbeloa ee maareynta xiddigo waaweyn sida Mbappe iyo Vinicius Junior, maadaama uusan lahayn waayo-aragnimo heer sare ah oo tababarenimo. Dhacdooyinka toddobaadkan ayaa sii xoojiyay shakigaas.

Hadda Real Madrid waxaa uga hadhsan afar kulan oo keliya dhammaadka xilli ciyaareedka, waxaana shaqada ugu weyn ee Arbeloa noqotay sidii uu kooxda ugu soo celin lahaa xasilooni iyo nidaam.

Inkastoo rajadii koobabka ay sii dhammaaneyso, haddana kooxda waxay dooneysaa inay xilli ciyaareedka ku dhammeysato sharaf iyo deganaansho.

Sidoo kale, cadaadis ayaa hadda saaran madaxweynaha kooxda Florentino Perez, maadaama taageerayaashu sugayaan go'aankiisa ku saabsan mustaqbalka tababarka kooxda.

Saddex tababare labo xilli ciyaareed gudaheed ah iyo koob la'aan ayaa dhaawac weyn u geysatay sumcadda Real Madrid.

Kooxda ayaa hadda wajahaysa su'aal weyn: sidee ayay dib ugu heli kartaa kala dambeyn, xasilooni iyo guulo, si ay mar kale ugu soo laabato meesha ugu sarreysa ee kaga jiri jirtey kubadda cagta Yurub?