Mojtaba Khamenei oo soo saaray 10 qodob oo ku saabsan Khaliijka iyo marin biyoodka Hormuz

Xigashada Sawirka, farsnews
Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay 10 qodob oo “aad muhiim u ah” oo istiraatiiji ah oo ku saabsan “Gacanka Faaris iyo Marin-biyoodka Hormuz,” sida lagu daabacay fariimo ay baahisay Fars News Agency..
Tobanka qodob ee uu soo bandhigay Mojtaba — oo aan weli si rasmi ah uga soo muuqan fagaaraha tan iyo markii loo doortay inuu beddelo aabbihii — waxay ahaayeen sidan:
- Joogitaanka iyo isku ururinta ciidamada Mareykanka ee dalalka ku yaalla “Gacanka Faaris” waa sababta ugu weyn ee amni darrada gobolka.
- Saldhigyada Mareykanku ma awoodaan inay dammaanad qaadaan ammaankooda gaarka ah.
- Gobolka “Gacanka Faaris” wuxuu leeyahay mustaqbal ifaya oo ka fog Mareykanka, kana shaqeynaya horumarka, barwaaqada iyo wanaagga shucuubtiisa.
- Mustaqbalkeenna wuxuu si dhow ugu xiran yahay kan deriskeenna ku nool biyaha “Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan”.
- Meesha keliya ee ajaanibta “sharka leh” ay ku habboon yihiin Gacanka Faaris waa gunta hoose ee biyihiisa.
- Guulaha isdaba-joogga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee “Gacanka Faaris” waxay gogol xaarayaan nidaam cusub oo gobolka iyo dunidaba ka hanaqaada.
- Sugidda ammaanka gobolka “Gacanka Faaris” waxay u baahan tahay in si “ficil ah loogu mahadceliyo” guusha Iran ee maamulka Marin-biyoodka Hormuz.
- In la joojiyo ka faa’iidaysiga “cadowga” ee Marin-biyoodka Hormuz.
- In la xaqiijiyo raaxada iyo horumarka shucuubta gobolka iyada oo loo marayo sharciyo waafaqsan iyo hirgelinta maamulka cusub ee Marin-biyoodka Hormuz.
- Shacabka Iran waxay ku faraxsan yihiin faa’iidooyinka dhaqaale ee ka dhashay maamulka cusub ee Marin-biyoodka Hormuz.

