Senator Mareykan ah oo ku baaqay in dib loo qiimeeyo xiriirka amniga ee Uganda ka dib markii warbaahinta la xiray
Ka dib markii warbaahinta la xiray, Senator Jim Risch oo ka tirsan Mareykanka ayaa ku baaqay in dib loo eego xiriirka amniga ee ka dhexeeya Washington iyo Uganda.
Risch, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, ayaa sheegay in Uganda aysan noqon karin xulafo habboon, ka dib markii dhawaan la xiray qaar ka mid ah warbaahinta iyadoo la raacayo amar uu ansixiyay Madaxa Shaqaalaha ee Ciidamada Qalabka Sida ee Uganda, Muhoozi Kainerugaba, kaas oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha, Yoweri Museveni.
"Mareykanka wuxuu u baahan yahay inuu dib u qiimeeyo xiriirka amni ee uu la leeyahay Uganda. Weerarrada uu Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ku qaaday xorriyadda hadalka, oo ay ku jiraan xiritaanka warbaahinta waaweyn dhammaadka toddobaadkan, ayaa ka dhigaya isaga iyo Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDAF) kuwo aan ku habboonayn in lala howlgalo.", ayuu yiri.
"Waa inaan la shaqeynaa oo keliya kuwa xoojiya amniga gobolka, ee maaha kuwa wiiqaya," Risch ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X ee horey loo oran jiray Twitter-ka.
Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda ee muddada dheer xilka hayay, Yoweri Museveni ayaa sanadkii 2022 bartiisa X ku qoray sida uu uga xun yahay in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan mar saddexaad oo dastuurka ka dhan ah u tartamin doorashadii madaxweynenimo ee dhacday.
Waxa uu ku kaftamay [inkastoo ay su’aal ka taagan tahay] in Uganda ay duulaan ku qaadeyso Kenya.
Shabakadda warbaahinta madaxa-bannaan ee ugu weyn Uganda ayaa sheegtay inay ku jirto "go'doomin milatari" ka dib markii taliyaha ciidanka - oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni - uu amray in la xiro telefishinnada, wargeysyada iyo idaacadaha.
Wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay ku sugnaayeen meel dibadda ka ah xaruntooda caasimadda Kampala, isla markaana telefishinka NTV iyo Spark TV laga saaray hawada.
Warbaahintu waxay qayb ka tahay Nation Media Group, oo ah mid ka mid ah shirkadaha warbaahinta ugu saameynta badan Bariga Afrika.
Ma cadda waxa dhabta ah ee horseeday joojinta, laakiin qoraallo uu ku qoray X, Gen Muhoozi Kainerugaba wuxuu yiri: "Ma aaminsani saxaafadda xorta ah! Saxaafadda waa inay hagto kaadiriintii kacaanka."
Kooxaha mucaaradka iyo xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Gen Kainerugaba inuu yahay shakhsi udub dhexaad u ah nidaam aad u caburin badan oo uu hoggaamiyo aabihiis.
Taageerayaasha madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa sheegaya in la damaanad qaaday xasilloonida Uganda, dhaqaaluhuna uu soo hagaagay xilligii ay xukunka hayeen.
Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah, waa hoggaamiye hore oo fallaago ah oo xukunka la wareegay qiyaastii 40 sano ka hor.
Sii akhri: