Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhowr diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee nuucoodu yahay T129 ATAK ayaa galabta lagu soo badhigay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo la sheegay in lagu xusayay maalinta guusha qaran ee Turkiga sida uu baahiyay talafishinka dowladda Soomaaliya.
Waxaa goobjoog ahaa goobta munaasabadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka qaarkooda sida wasiirka gaashaandhigga dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradahu ay muujinayaan taagerada Turkiga ee dhismaha hay'ada difaaca Soomaaliya.
Maxay tahay T129?
Diyaaradaha T129 ATAK waa diyaarado siyaabo kala duwan u dagaallama iyagoo loogu talogalay in ay si dhow u taageeraan ciidamada iyo howlgalada sahanka. Diyaaradahan waxay sidoo kale awood u leeyihiin in laba saacadood ay hawada ku jiraan.
Habka ay u kala wareegayaan iyo sida tooska ah e ay u beegsan karaan cadowgooda ayaa ka dhigay in ay noqdaan kuwa tayadoodu sareyso.
Waxaa ku xiran diyaaradahan hub casri ah oo ay ku jiraan kuwa darandooriga u dhaca iyo gantaallada. Sidoo kale diyaaradahan qumaatiga u kaca waxaa lagu yaqaan in ay si saxan u weeraraan goobaha ay doonayaan iyagoo degdeg jihada ay doonaan ugu wareegi kara.
Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee wax weerara waxaa la sheegay in ay yihiin helikobtarada ugu waxtarka badan noocyadeeda, waxaana loo adeegsan karaa sidoo kale duqeymaha meelaha aan fogeyn.
Awooda diyaaradahan waxaa ka mid ah in ay ku dagaallami karaan cimilo kasta, waxaana ujeedkii hore ee loo sameeyay uu ahaa in ay daboolaan baahida ciidamada Turkiga.



