Waa 24 sano jir aan weligeed la shukaansan - "Cabsida aan ka qabo ragga si weyn ayay ii saameysay,

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jacinta Wambu waa gabadh 24 jir ah oo ku nool dalka Kenya waxay sheegtay in cabsi ay lasoo deristo mar kasta oo ay aragto ragga xitaa waxaa xilliggaas ku adag inay hadasho.
Gabdhan xitaa indhaha ma siin karto ragga doonaya inay shukaansadaan ama kuwa kale ee danta kala dhexeyn karta.
Jacinta waxay qirtay in dhibaatadan lasoo deristay ay tahay mid nafsaani ah ama xanuun dhanka maskaxda ah oo ku dhacay, waana dhibaato ay lasoo daalaa dhaceysay tan iyo yaraanteedi.
"Mararka qaar waxaan damcaa in aan sito boor uu ku qoran yahay, aniga cidna la hadli maayo sababta oo ah meel kasta aan tago dadka waxay i weydinayaan, maxaad u aamusantahay? dabcan waa xaalad aad u daran" ayay tiri Jacinta oo u warrameysay Anne Ngugi oo ka tirsan BBC-da laanta Sawaaxiliga.
Xitaa waxay ka cabsoota ragga kusoo ag dhawaada ama kuwa ku sugan agagaarkeeda.
Marka ay kasoo muuqato baraha bulshada Kenya si xaaladdeeda ay uga sheekeyso ayaa waxay dareenta cabsi ah sida dadka ay uga falcelin doonaan ama sida ay ula dhaqmi doonaan marka ay ka hadleyso dhibatada heysata.
Jacinta waxay sheegtay inay la nooshahay xaalad la yiraahdo, 'anthrophobia' oo ay dhakhaatiirta ku tilmaameen in qofka uu ka cabsado in uu la hadlo dad kale.
Marka ay kasoo muuqato baraha bulshada Kenya si xaaladdeeda ay uga sheekeyso ayaa waxay dareenta cabsi ah sida dadka ay uga falcelin doonaan ama sida ay ula dhaqmi doonaan marka ay ka hadleyso dhibatada heysata.




