Dowladda Kenya ayaa amartay in shaqaalaha guryaha ay tahay in la siiyo ugu yaraan $140 bishii

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xeerarka cusub ee mushaharka ugu yar ee shaqaalaha guryaha ee Kenya ayaa kordhiyey mushaharkooda kana dhigay ugu yaraan 18,047 shilinka Kenya ah, una dhiganta ilaa 140 doolarka Maraykanka ah.
Loo-shaqeeyayaasha ku xad-gudba qodobadan ayaa muteysan doona ilaa 3 bilood oo xarig ah ama ganaax dhan 50,000 oo shilinka Kenya ah.
Dib u habeyntan ayaa daba socota go'aankii dowladda ee ahaa in lagu kordhiyo mushaarka ugu yar 12 boqolkiiba, tallaabadaas oo looga dan lahaa in lagu caawiyo shaqaalaha si ay ula qabsadaan qiimaha maciishada ee sii kordhaya.
Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Nation, heerarka cusub ayaa lagu dabaqayaa kumannaan shaqaale guri ah, oo ay ku jiraan caawiyayaasha guryaha, kuwa carruurta ilaaliya, beeralayda iyo shaqaalaha kale ee adeegga guriga ee dalka oo dhan.
Sida ku cad qaab dhismeedka cusub ee mushaharka, shaqaalaha guryaha ee magaalooyinka waaweyn sida Nairobi, Mombasa, Kisumu, Nakuru iyo Eldoret ayaa hadda xaq u leh in la siiyo ugu yaraan 18,047 shilin bishii.
Kordhinta ayaa qayb ka ah dib-u-habaynta ballaaran ee waaxda shaqada ee looga golleeyahay in lagu wanaajiyo daryeelka shaqaalaha iyo xoojinta hirgelinta sharciyada shaqada ee Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, shacabka Kenya ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sida ay uga xun yihiin amarkan cusub.

