Muxuu yahay heshiiska shidaal ee muranka dhaliyey ee dhex maray Maraykanka iyo Venezuela?

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay hindise uu ku tilmaamay "heshiiska shidaal ee ugu weyn taariikhda" oo lala galay Venezuela.
Heshiiskan ayaa durba abuuray muran ballaadhan, sababta oo ah wuxuu shirkadaha Maraykanka siinayaa fursad iyo xakameyn culus oo ku saabsan qayb ka mid ah kaydkii badnaa ee shidaalka Venezuela.
Heshiiskan waxaa lagu dhawaaqay kadib markii xidhiidhka Maraykanka iyo Venezuela uu si weyn isu beddelay. Sannadkii hore, maamulka Trump waxa uu cadaadis badan saaray Venezuela, oo ay ku jireen xannibaad badeed iyo hawlgal millitari oo lagu soo qabtay madaxweynihii hore ee Venezuela, Nicolás Maduro.
Taas oo markii meesha laga saaray, Washington ayaan awoodda saarin doorashooyin dimuqraadi ah, waxay Delcy Rodríguez, oo ahayd ku-xigeenkii Maduro, u aqoonsadeen hoggaamiyaha ku-meel-gaadhka ah ee dalkaas.
Trump waxa uu sheegay in heshiisku siinayo Maraykanka xakameyn iyo saamayn culus oo ku saabsan 17 goobood oo shidaal oo Venezuela ah, kuwaas oo kayd u ah qiyaastii 65 bilyan oo foosto oo shidaal ah oo la xaqiijiyay.
Waxa uu sheegay in tani aysan wax kharash ah uga baahanayn canshuur-bixiyeyaasha Maraykanka.
Rodríguez waxay sheegtay in heshiiskani Venezuela u keeni karo in ka badan $100 bilyan oo maalgashi ah iyo qiyaastii $209 bilyan oo dakhli canshuureed ah.
Heshiiska waxaa la filayaa in uu socdo 25 sano. Ujeeddadiisu waa in wax-soo-saarka shidaalka goobahaas lagu kordhiyo in ka badan 1.5 milyan oo foosto maalintii.
Maxay Venezuela heshiiskan ugu baahan tahay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Venezuela waxay leedahay kaydka shidaalka ee la xaqiijiyay ee ugu weyn dunida, oo lagu qiyaasay ku dhowaad 303 bilyan oo foosto. Laakiin warshaddeeda shidaalka waxay ku jirtaa xaalad aad u liidata.
Kahor intii uusan Hugo Chávez xukunka iman, Venezuela waxay soo saari jirtay in ka badan 3 milyan oo foosto maalintii. Sannadkii 2019, wax-soo-saarku wuxuu hoos ugu dhacay qiyaastii 500,000 foosto maalintii.
Khubaradu waxay hoos u dhaca ku sababeynayaan maalgashi la'aan, musuqmaasuq, faragelin siyaasadeed iyo maamul xumo. Cunaqabateyntii Maraykanka ayaa sidoo kale xaaladda sii adkaysay.
Khubaradu waxay qiyaasaan in Venezuela u baahan karto ku dhowaad dhaqaale gaadhaya $100 bilyan oo maalgashi ah si loo dayactiro warshaddeeda shidaalka loona kordhiyo wax-soo-saarkeeda.
Taageerayaasha heshiiska waxay leeyihiin Venezuela ma hayso oo keliya shidaal badan; waxay sidoo kale u baahan tahay lacag, tiknoolajiyad, qalab, kaabayaal iyo khibrad. Shirkadaha Maraykanka ayaa keeni doona waxyaabahaas.
Haddii maalgashiga la sameeyo, wuxuu abuuri karaa shaqooyin, kordhin karaa dakhliga dowladda, wuxuuna dhaqaajin karaa qaybaha kale ee dhaqaalaha Venezuela.
Faa'iidada ugu jirta Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraykanku wuxuu heli doonaa fursad weyn oo uu ku galo kheyraadka shidaalka ee Venezuela.
Trump wuxuu sheegay in haddii wax-soo-saarka shidaalka Venezuela kordho, sahayda shidaalka dunida ay kordhi karto, taasna mustaqbalka hoos u dhigi karto qiimaha shidaalka ee Maraykanka.
Waxaa kale oo jira sabab juqraafi-siyaasadeed. Maraykanku wuxuu doonayaa inuu kordhiyo saameyntiisa Venezuela, si loo yareeyo saameynta Shiinaha iyo Ruushka ee gobolka.
Maxaa heshiiskan ka dhigay mid muran badan dhaliyey?
Dhibaatada ugu weyn ayaa falanqeeyayaashu ku sheegeen hufnaan la'aan.
Dad badan oo Venezuelan ah ma oga inta shidaal ee la iibin doono, lacagta laga heli doono ama sida lacagta loo isticmaali doono. Heshiiska sida oo kale lama horgeyn dood dadweyne oo ballaadhan, sida oo kalena ma uu ansixin oo lama keenin baarlamaanka dalkaas.
Arrinta labaad waa madaxbannaanida dalka. Shidaalku muddo ka badan boqol sano wuxuu Venezuela uga dhignaa astaan qaran iyo hanti dadweyne. Dadka dhaliilaya heshiiska waxay ka dayrinayaan in shirkado shisheeye ay helayaan awood aad u badan oo ku saabsan kheyraadkii dalka.
Waxaa kale oo jirta su'aal siyaasadeed: Delcy Rodríguez si toos ah loogumma dooran madaxweyne. Sidaas darteed, dadka dhaliilaya waxay isweydiinayaan ma lahaan kartaa awood sharci iyo mid siyaasadeed oo ay ku saxiixi karto heshiis saamayn leh oo sidan u weyn kaas oo soconaya muddo 25 sano ah.
Qaar ka mid ah mucaaradka Venezuela waxay sidoo kale ka baqayaan in heshiisku xoojiyo dowladda Rodríguez, isla markaana uu Maraykanku ka yareeyo cadaadiska uu ku doonayo doorashooyin dimuqraadi ah.













