Markabka USS Gerald R. Ford ayaa ku laabtay Maraykanka ka dib 326 maalmood oo hawl gal ah

Xigashada Sawirka, EPA
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa xaqiijisay in markabka USS Gerald R. Ford oo la geeyay bariga dhexe ka hor inta uusan bilaaban dagaalka Iran uu dib ugu soo laabtay Mareykanka sabtidii ka dib howlgal qaatay 326 maalmood.
Tani waxay ahayd hawlgalkii ugu dheeraa ee ay fuliyaan maraakiibta xambaara diyaaradaha Maraykanka tan iyo dagaalkii Vietnam.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegsett ayaa ku sugan magaalada Norfolk ee gobolka Virginia, si uu u soo dhaweeyo markabka ugu weyn ee diyaaradaha xambaara.
Sida laga soo xigtay militariga Mareykanka, markabka ayaa ka qeyb qaatay howlgalada Mareykanka ee Caribbean-ka, intii uu howlgalka ku jiray, halkaasoo ciidamada Mareykanka ay weerareen doomo looga shakiyay inay ka ganacsanayeen daroogooyinka, oo ay sidoo kale gacanta ku dhigeen markab qaada shidaalka oo cunaqabateyn saarneed, waxaana la xiray hogaamiyihii Venezuela Nicolas Maduro.
Markabka ayaa markaas loo diray bariga dhexe si uu uga qayb qaato hawlgalada dagaalka ee ka dhanka ah Iran.
Intii lagu guda jiray howlgalka dheer, dab ayaa ka kacay goobta dharka lagu dhaqdo ee markabka 12-kii Maarso, waxaana ku dhaawacmay labo badmaaxiin ah, waxaana uu burbur xooggan gaarsiiyay ilaa 100 sariirood. Sidoo kale waxaa la sheegay in dhibaato baahsan ay soo wajahday bulaacadaha markabka iyo nidaamka fayadhowrka inta uu badda ku jiray.












