You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iraan: Marinka Hurmuz amnigiisa lama dammaanad qaadi karo haddii aan Iran lala kaashan maridiisa;

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in marin ammaan ah oo loo maro Marinka Hormuz aan la dammaanad qaadi karin iyada oo aan lala yeelan Iran arrimaha isku-dubaridka howlaha marinka,

Kooban

Tebin toos ah

  1. Saldhigga Khatam al-Anbia ayaa ka digaya 'dhaqdhaqaaqyada diyaaradaha milatariga Israeli ee goobaha ku gadaaman Iiraan'

    Taliska Dhexe ee Khatam al-Anbiya, oo mas’uul ka ah hawlgallada milatari ee Iran, ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay joogitaanka diyaaradaha milatariga Israa’iil ee hawada qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Iran.

    Bayaan uu soo saaray Taliska Khatam al-Anbiya ayaa lagu sheegay in “dhaqdhaqaaqyada iyo joogitaanka diyaaradaha milatariga ee ciidanka maamulka Sahyuuniga ee argagixisada ah ee hawada qaar ka mid ah dalalka deriska ah ee ku wajahan Iran ay yihiin fal halis ah iyo khatar ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” hase yeeshee ma uusan magacaabin dalka uu ula jeedo.

    Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Haddii Maraykanku uusan awoodin inuu xakameeyo maamulka Sahyuuniga, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran uma dulqaadan doonto wax hanjabaad ah oo loo geysto, waxayna u aragtaa inay xaq u leedahay inay ka jawaabto falalkan halista ah.”

    Tan iyo markii la gaaray xabbad-joojinta u dhexeysa Iran iyo Maraykanka, Israa’iil ayaa sidoo kale joojisay weerarradii ay ku haysay Iran.

    Iran iyo Maraykanka ayaa haatan wada-hadallo uga socda sidii loo gaari lahaa heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

  2. Trump: Weerarka Iiraan ee markabka xamuulka waa xadgudub doqonimo ah oo ka dhan ah heshiiska joojinta dagaalka

    Isagoo ka hadlayay weerarkii Jimcihii lagu qaaday markab xamuul ah oo marayay Marinka Hormuz, Donald Trump ayaa Iran ku eedeeyay inay jebisay xabbad-joojintii lagu heshiiyay.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, madaxweynaha Maraykanka ayaa Iran dusha ka saaray mas’uuliyadda weerarka, isagoo qoray: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ugu yaraan afar diyaaradood oo ismiidaamin ah ku weerartay maraakiib marayay Marinka Hormuz.”

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay “ku dhacday sagxadda sare ee markab xamuul oo weyn oo aad u qaali ah. Waxaa soo gaaray waxyeello, balse markabku wuxuu awooday inuu sii wato safarkiisa.”

    Wuxuu intaa ku daray in Maraykanku “soo riday saddex diyaaradood oo kale.”

    “Sida cad, tani waa jebin nacasnimo ah oo lagu sameeyay heshiiskii xabbad-joojinta,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay madaxweynaha Maraykanka.

  3. Ciidanka Israa’iil: Todobo Xubin oo Xisbullah ah oo Lagu Diley Koonfurta Lubnaan

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay dileen toddoba xubnood oo ka tirsan Xisbullah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) oo lagu daabacay baraha bulshada, raggan ayaa lagu eedeeyay inay hub iyo rasaas Xisbullah u wareejinayeen “agagaarka ciidamada IDF ee aagga Hail” ee koonfurta Lubnaan.

    Muuqaal ay IDF ku lifaaqeen bayaanka ayaa muujinaya dad ka saaraya baco gaari, kadibna u qaadaya dhisme. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in bacahaasi ay ku jireen hub.

    Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha uu ku yaallo aagga Manzala ee gobolka Daqahlia, isla markaana loo adeegsanayay “xarun milatari iyo xarun talis”.

    Ugu dambayn, milatariga Israa’iil ayaa carrabka ku adkeeyay inuu sii wadi doono hawlgalladiisa uu ku “baabi’inayo khataraha” ka dhanka ah dalkiisa.

  4. Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka oo dhaleeceyay Iiraan, ammaana u jeediyay Cumaan

    Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Jassim Maxammed al-Budaiwi, ayaa Jimcihii soo dhoweeyay go’aanka Cumaan ee lagu sameeyay marin-biyood ku-meelgaar ah oo laga hirgeliyay Marinka Hormuz, isagoo sidoo kale cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay hanjabaadaha Iran ee ku aaddan xorriyadda maraakiibta ee marinkaas.

    Cumaan ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in ay, iyadoo iskaashi la leh Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ee Qaramada Midoobey (IMO), samaysay marin-badeed ku-meelgaar ah si loo fududeeyo gudbidda maraakiibta Marinka Hormuz.

    Tallaabada Cumaan ayaa waxaa ka horyimid mas’uuliyiin Iran ah, iyadoo ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ay bayaan ku sheegeen in “waddada kaliya ee la oggol yahay ee lagu gudbo Marinka Hormuz ay tahay kuwa ay ku dhawaaqday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

    Xoghayaha guud ee GCC, kadib shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ee ururka la yeesheen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ka dhacay Baxrayn, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku soo dhoweeyay tallaabada Cumaan, isagoo sheegay in marinkaasi uu gacan ka geysan doono daad-gureynta iyo dib u dejinta in ka badan 11,000 oo badmaax ah oo ku xaniban gobolka.

  5. Bad-maaxiin Iran u dhashay oo uu Mareykanku siidaayay

    Tehran ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in 22 shaqaale Iranian ah oo saarnaa markab shidaal oo ay Maraykanku qabteen intii lagu jiray dagaalka loo wareejiyay qunsuliyadda Iran ee Pakistan.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Pakistan, oo ah dhexdhexaadiyaha Iran iyo Maraykanka ee wada-hadallada, ay fududeysay soo celinta 22-ka badmaax ee Iran.

    Raggan ayaa Jimcihii lagu wareejiyay diblomaasiyiinta Iran, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu celiyo gudaha Iran.

    IRNA iyo mas’uuliyiinta Iran ma aysan shaacin magaca markabka, ama halka iyo waqtiga lagu qabtay.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Pakistan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Muhammad Ishaq Dar ayaa sheegay in Pakistan ay si dhow ula shaqeysay mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Iran inta lagu jiray dhammaan marxaladaha sii deynta Bad-maaxiinta.

    Wuxuu sheegay in tani ay tahay kooxdii afraad ee shaqaale Iran ah oo Pakistan ka caawisay dib ugu celinta dalkooda labadii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana ilaa hadda la fududeeyay dib u celinta in ka badan 70 muwaadin Iran ah, oo ay ku jiraan 22-ka maanta.

    Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay hoggaanka Iran kalsoonida ay ku qabaan Pakistan, iyo sidoo kale dadaalka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo dhammaan hay'adaha kale.

    Sidoo kale akhri

  6. Digniin taleefoon oo ku saabsan weerar gantaal oo suurtagal ah Imaaraadka ayaa laga yaabaa inay ahayd 'khalad'

    Fiidnimadii Jimcaha waqtiga Imaaraadka Carabta, dadka deegaanka ayaa helay farriin digniin taleefan ah oo ka hadlaysa “suurtagalnimada khatar gantaal.” Si kastaba ha ahaatee, wax yar kadib ayaa la soo diray fariin kale oo sheegaysa in digniintaas la kansalay.

    Fariin kale oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Imaaraadka ayaa dadka muwaadiniinta ah iyo dadka deggen lagu amray inay iska indhatiraan digniintii hore.

    AFP ayaa sheegtay in tani ay muujinayso in digniintii hore ay u badan tahay inay ahayd khalad.

    Qoraalka digniintii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa oranayay: “Iyadoo la tixgelinayo xaaladda hadda jirta iyo suurtagalnimada khatar gantaal, si degdeg ah u galo meel ammaan ah.”

    Waxyar kadib, fariin kale ayaa la diray oo lagu yiri: “Xaaladdu hadda waa ammaan. Waxaad dib ugu laaban kartaa hawlahaaga caadiga ah.”

    Intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran, qaybo ka mid ah Imaaraadka Carabta ayaa si isdaba joog ah loogu beegsaday weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo tuuray Iran.

    Sidoo kale akhri

  7. Daawo muuqaal: Carruur laga soo badbaadiyay dhisme ku dumay dhul-gariirka Venezuela

    Booliska Venezuela ayaa soo saaray muuqaal muujinaya carruur laga soo badbaadinayo dhisme burburay.

    Tobannaan qof ayaa iyaga oo nool laga soo badbaadiyay tan iyo markii uu dhul-gariirka ku habsaday dalkaasi, sida ay hore u sheegtay madaxweynaha ku-meelgaarka ah Delcy Rodríguez.

    Hoos ka daawo muuqaalka

  8. Tirada dhimashada Dhul-gariirka Venezuela oo korodhay

    Tirada dadka ku dhintay laba dhulgariir oo ka dhacay Venezuela ayaa gaartay 589 qof, halka 2,980 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay madaxweynaha ku-meelgaarka ah Delcy Rodríguez.

    Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo kooxo caalami ah oo gurmad ah ay ku biireen dadaallada lagu raadinayo dadka ka badbaaday burburka, waxaana ka mid ah 80 samatabixiye oo Swiss ah iyo koox shaqaale gargaar oo ka yimid Mexico kuwaas oo gacan ka geysanaya howlaha gurmadka.

    Kooxo maxalli ah ayaa habeenkii oo dhan baaritaan ka waday dhismayaal burburay oo ku yaalla Caracas iyo gobolka La Guaira, iyadoo dad laga maqlayay iyagoo gargaar ka codsanaya burburka hoostiisa.

  9. Giorgia Meloni:Taliyaanigu marna kama qaybgelin dagaal ka dhan ah Iiraan

    Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in dalkeeda uusan waligiis ka qaybgelin dagaal ka dhan ah Iran.

    Sida ay sheegtay BBC Persian, Meloni ayaa sheegtay in Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte uu si khaldan u fahmay nooca duulimaadyada laga oggol yahay Talyaaniga, balse uu markii dambe saxay hadalkiisa oo caddeeyay arrinta.

    Iyadoo ka hadlaysay gabagabada shirkii 36-aad ee wadajirka ah ee dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska, Meloni waxay sheegtay in Talyaanigu “uusan wax ka hayn” fulinta “ballanqaadyadiisa iyo heshiisyada la xiriira isticmaalka saldhigyada milatari.”

    Shalay, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran Esmail Baghaei ayaa bartiisa X ku faafiyay muuqaal wareysi uu Mark Rutte siiyay Fox News. Muuqaalkaas waxaa laga maqlayaa Xoghayaha Guud ee NATO oo sheegaya in ku dhawaad 500 oo diyaaradood oo Mareykan ah ay ka duuleen saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Talyaaniga intii lagu jiray howlgalka “Epic Fury.”

    Isaga oo ka jawaabaya hadalkaas, Baghaei ayaa sheegay in hadalka Xoghayaha Guud ee NATO uu muujinayo in NATO ay ka qayb qaadatay dagaal sharci-darro ah oo ka dhan ah dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.

    Wuxuu intaa ku daray in “NATO iyo dalalka xubnaha ka ah ee go’aankaas ka qayb qaatay ay tahay in lala xisaabtamo.”

    Sidoo kale akhri

  10. Agaasimah IAEA Niyukleerka Iiraan: Waa inaan sida ugu dhaqsaha badan u dhisnaa nidaam hubin oo aad u xooggan

    Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tamarta Nukliyeerka Caalamiga ah (IAEA), Rafael Grossi, ayaa sheegay in dagaalka Bariga Dhexe kadib loo baahan yahay nidaam “aad u adag” oo xaqiijin ah si loo hubiyo in Iran aysan helin hub nukliyeer ah.

    Grossi oo la hadlay warbaahinta Japan ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in ujeeddada heshiiskan u dambeeyay ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay tahay in la hubiyo in Iran aysan u dhaqaaqin horumarinta hub nukliyeer ah.

    Dowladda Iran-na waxay sidoo kale caddeysay in aysan wax niyad ah u hayn arrintaas.”

    Agaasimaha guud ee IAEA ayaa intaa ku daray: “Dabcan, kuma filna kaliya in la sheego niyad. Waxaan u baahanahay inaan si degdeg ah u dhisno nidaam hubin oo aad u adag, si ficil ahaan loo fulin karo.”

    Iran ayaa sheegtay in heshiis ku saabsan sida kormeerayaasha IAEA ay u baari doonaan ama dib ugu kormeeri doonaan xarumaha la beegsaday uu qayb ka noqon doono wada-hadallada socda iyo heshiiska kama dambaysta ah ee suurtogalka ah ee ay la yeelanayso Mareykanka.

    Sida ku xusan heshiis ku-meel-gaar ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka, labada dal ayaa la filayaa inay gaaraan heshiis kama dambays ah labada bilood ee soo socda.

    Sidoo kale akhri

  11. Hogaamiyaha Xisbullah oo israa'iil uga baaqay inay Lubnaan ka baxdo

    Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan, Naciim Qaassim, ayaa sheegay in Israa'iil aysan "lahayn khiyaar kale oo u furan" oo aan ka ahayn inay si shuruud la'aan ah uga baxdo Lubnaan.

    Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sidoo kale diiday wax kasta oo caadiyeynaya xiriirka labada dal.

    Khudbad uu telefishinka ka jeediyay oo ay dhageysanayeen tobannaan kun oo ka mid ah taageerayaashiisa munaasabadda Caashuuraa, ayuu ku yiri: "Israa'iil ma haysato wax kale oo ay doorato oo aan ka ahayn inay si buuxda uga baxdo taako kasta oo ka mid ah dhulka Lubnaan,Israa'iil waa inay baxdaa iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin."

    Iyadoo mas'uuliyiinta Lubnaan iyo Israa'iil ay wada-hadallo toos ah ku leeyihiin Washington, Qaassim wuxuu sheegay in kooxdiisu "aysan aqbalayn wax caadiyeyn ah oo xiriirka labada dhinac ah, mana aqbalayso in la soo afjaro xaaladda colaadda, ama faa'iido kasta oo ay Israa'iil hesho, ama joogitaan kasta oo ay ku yeelato dhulka Lubnaan... Israa'iil waa inay ku baxdaa iyadoo la bahdilay lagana adkaaday, waana dhici doontaa."

    Ururka Xisbullah ee Lubnaan waxaa taageera Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyadoo Tehran ay sheegtay inay tixgelinayso danaha kooxda heshiiskii u dambeeyay ee ay la gashay Maraykanka iyo wada-hadallada weli socda ee u dhexeeya labada dal.

    Sidoo kale akhri

  12. Iiraan oo ku tilmaantay bayaanka ka soo baxay dalalka Khaliijka mid 'faragelin ah'

    Iran ayaa sheegtay in bayaanka wadajirka ah ee Maraykanka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) uu ka koobnaa "mowqifyo faragelin ah, mas'uuliyad-darro ah, isla markaana kicin ah", waxayna sheegtay in joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Khaliijka uu yahay isha amni-darrada iyo khilaafka gobolka.

    War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sidoo kale ku celisay mowqifkeeda ah in Marinka Hormuz lagu maareeyo iskaashi lala yeesho Cumaan, isla markaana waafaqsan qodobada heshiiska is-afgaradka.

    Kulankii shalay ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, oo uu martigelisay Baxrayn kana qayb galay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa looga hadlay xiisadda haatan ka taagan marinka biyaha.

    Bayaankii kama dambaysta ahaa ee kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskii u dambeeyay ee u dhexeeyay Iran iyo Maraykanka, waxaana lagu diiday siyaasad kasta oo lagu soo rogayo canshuuro, ama kharashaad, ama isku day kasta oo lagu doonayo in lagu xakameeyo Marinka Hormuz.

    Dalalka Baxrayn, Sacuudiga, Qatar, Cumaan, Imaaraadka Carabta, iyo Kuwait ayaa xubno ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).

  13. Iran oo soo saartay Digniin la xiriirta Hurmuz

    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in marin ammaan ah oo loo maro Marinka Hormuz aan la dammaanad qaadi karin iyada oo aan lala yeelan Iran arrimaha isku-dubaridka howlaha marinka, wuxuuna ka digay in waddo kasta oo loo asteeyo maraakiibta la hakin karo haddii aan la helin iskaashi.

    Mr Gharibabadi ayaa arrintan ku qoray qoraal uu ku daabacay barta X.

    Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii Cumaan, iyadoo iskaashi la samaynaysa Hay'adda Caalamiga ah ee Badaha ee Qaramada Midoobay, ay dejisay waddooyin ku-meel-gaar ah oo maraakiibtu u mari karaan Marinka Hormuz.

    Horey, Hay'adda cusub ee Maareynta Marin-biyoodka Gacanka ee Fars ayaa ku dhawaaqday in cawaaqibka ka dhasha maraakiibta isticmaasha waddooyin aysan hay'addu ansixin ay qaadi doonaan masuuliyadda kabtanka markabka iyo shirkadda iska leh ama maamusha markabka.

    Weerarkii shalay lagu qaaday markabkab ayaa sababay in markabku istaago. Hawlgalkii daad-gureynta ayay Marinka Hormuz waxaa fulisay Hay'adda Maraakiibta ee Qaramada Midoobay.

    Sidoo kale akhri

  14. Nin khuraafdla ah oo sheegtay inuu Harry Kane “lugta ka xiray” kulankii Ghana

    Nin khuraafadla ah oo u dhashay dalka Ghana oo la yiraahdo Kwaku Bonsam, ayaa ku andacooday inuu xidigga Ingiriiska, Harry Kane, kahor istaagay inuu kubad wanaagsan ciyaaro ama qaab ciyaared wanagsan soo bandhigo kulankii ay la cayaareen xulka Ghana ee Koobka Adduunka.

    Waxaa uu Kwaku sheegay inuu awooddiisa khuraafadka u adeegsaday ciyaarayahankan.

    Intii aysan cayaartu bilaaban, waxaa uu sheegay inuu ka shaqeynayo “sidii uu u joojin lahaa” Harry Kane una caawin lahaa Ghana.

    “Anigoo ah Kwaku Bonsam, khurafaadlaha ugu awoodda badan adduunka, waxaan lugta ka xiray Harry Kane, ma aragteen xalay? Xitaa kubadda ma uusan arag”, ayuu yiri.

    Cayaarta talaadadi dhex martay Ghana iyo Ingiriiska ayaa ku dhamaatay barbardhac 0-0 ah.

    Sidoo kale akhri

  15. Wax ka ogow shan waxyaabood oo sababa dhalmo la'aanta ragga

    Rag badan ayaa iska aamusa marka ay la kulmaan xaalado ay ka mid yihiin awood la'aanta ah in aysan carruur dhali karin ama gudashada waajibaadka ay ku leedahay xaaskiisa.

    Marka ay sidan dhacdo, qaar badan ayaa eedda iska wareejiya oo aan dooneyn inay arrintaas ka hadlaan.

    Balse baaritaan la sameeyay ayaa muujinaya in ragga ay da'doodu u dhaxeyso 18 iyo 35 ay boqolkiiba 15 ka yihiin bulshada.

    Ragga ay ku timaaddo xaaladda hammi yaraanta, waxaa baaritaanka lagu sheegay inay aad u dhibsadaan arrintaas, iyagoo ka baqaya ceebta ay bulshada kala kulmi karaan.

    Dr. Rasheed ayaa sheegtay in la isla xiriirin karo hammad yaraanta ragga iyo dhalmo la'aanta.

    Waxay dhaqtaraddu sharraxeysaa shan xaaladood oo ragga ku keenta dhalmo la'aanta iyo daaweynteeda:

    Jirka oo aan lahayn hoormoonnada ragga oo ku filan

    Testosterone waa hoormoonka ragga kaas oo nimanka dareensiiya ragannimada halka estrogen uu yahay hoormoonka haweenka u suurto geliya inay uur yeeshaan.

    Sida la mid ah ragga, heerka hoormoonka estrogen ee jirka haweenka ayaa hoos u dhaca marka ay gaaraan da'da 50-ka sano.

    Qoraalka sawirka,Rag badan ayaa iska aamusa marka ay xaaladdan la kulmaan

    Marka ragga la eegana, hoormoonkooda ma yaraado, balse waxay wajahaan caqabado kale oo inta badan la iska indho tiro.

  16. Heesihi uu jeclaa Usaama Bin Laden ee laga helay kombiyuutarkiisa

    Sanadkii 2017 kii, CIA da Maraykanka ayaa baahisay ku dhawaad afar boqol oo dukumenti oo laga helay kumbiyuutarkii Usaama Bin-Laden oo ay ku soo qaaten weerarkii ay ku dileen.

    Dukumiintiyadaan ayaa isugu jiray codad, masawiro iyo muuqaalo. Sagaashan boqolkiiba xogta laga helay kombuyuutarkiisa waxay ku qornayd carabi, laakiin waxay u muuqatay in uu baranayay luuqado kale, sababtoo ah waxaa ku jiray qoraalada laga helay kombiyuutarkiisa, joornaalo ku qoran af Ingiriis.

    Xogtaan waxay sheegaysaa in bin Laden uu xiisayn jiray music ga oo uu haystay heeso u badan Hindi iyo kuwa kale oo lagu sameeyay afka Pashto ga ee looga hadlo waddanka uu waqtiga ku qaatay ee Afghanistan.

    Waxyaabaha laga helay gurigiisa waxaa kamid ah buugaag uu qoray Maulana Maududi oo ah aasaasaha xisbiga Jamaat -e- Islami ee ka dhisan Pakistan.

    Waxyaabaha laga helay computer ka bin Laden waxaa kamid ah buugaag, heeso

    Buugaagta

    • Buug uu qoray Abul Ali Muddavi: Caliphate and Sovereignty, af carabi ayuu ku qoran yahay.
    • Caliphate and Sovereignty oo ah buug ku qoran af Carabi oo uu qoray Abul Ali
    • Concepts of Hizb al-Tahrir oo ku qoran af English uuna qoray Taqi al-Din nabhani.

    Heeso

    • Heesta Bibi Shirene – Pashto
    • Heesta Peshawar ma aha Peshawar – Pashto
    • Waxaan u socdaa Karachi
    • Heesta fiidkii ee Pashto ga
    • Heeso uu qaado fannaanka Nusrat Fateh ee reer Pakistan sida:

    'Ek Mishnu Mustaan Hai Sanam', 'Be Wafa', Dil Katana Nadan Hai', 'Aab

    Loot Chale' iyo kuwa kale oo farabadan oo af-Hindi ah.

  17. Boqorka Ingiriiska oo kashifay canshuurti uu dhiibay sanadadii 2024-2025

    Boqor Charles-ka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inuu bixiyay £12.9 milyan oo canshuur ah intii u dhaxaysay 2024-2025 - isagoo noqday boqorkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaada biilka canshuurta.

    Heerka canshuurta uu bixiyo Boqorku wuxuu ka dhigayaa 100-ka qof ee canshuur bixiyeyaasha ugu sarreeya UK.

    Amiirka Wales wuxuu ku dhawaaqay inuu bixiyay canshuur dhan £7.76 milyan isla muddadaas, sida ay muujinayaan tirooyinka ku jira warbixinta sanadlaha ah ee boqortooyada iyo xisaabaadka.

    Waxaa sidoo kale la shaaciyay in Boqorka iyo Boqorad Camilla ay sii wadi doonaan inay ku noolaadaan Clarence House oo aysan u guuri doonin Qasriga Buckingham.

    Xisaabaadka ayaa muujinaya in isha ugu weyn ee maalgelinta dadweynaha ee sanadlaha ah ee Royal House, oo ah Deeqda Boqortooyada, ay sare ugu kacayso wax ka yar £100 milyan sanadka 2027-28.

    Xisaabaadka ayaa sidoo kale muujinaya in Boqorku uu bixiyay £11.7 milyan oo canshuur ah 2023-24, halka Amiir William uu bixiyay £8.34 milyan isla muddadaas.

    Daabacaadda inta canshuur ah ee Boqorka iyo Amiir William ay si iskood ah u bixiyaan waxay ahayd go'aan shaqsiyeed oo ay gaareen labada nin, sida laga soo xigtay xafiisyadooda.

    In kasta oo tirooyinka cusub ay muujinayaan in boqorku uu bixiyay canshuurta ugu badan, haddana ma bixinayaan faahfaahin ku saabsan sida loo xisaabiyay canshuurta.

    Qasriga Buckingham ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid sii kordhinaysa hufnaanta, ujeeddadeeduna tahay "in la dhiirrigeliyo fahamka ballaaran ee ku saabsan isla xisaabtankeenna."

  18. Nin madax-xanuun joogto ah ka caban jiray iyo wixii maskaxdiisa lagu arkay

    Dhakhaatiir u dhalatay dalka Maraykanka ayaa daaha ka qaaday in bukaan la ildarnaa xanuunka dhanjafka xooggan ee soo noqnoqda u uku sababay xanuunkan tirxi ama gooryaan ku dhex noolaa maskaxdiisa.

    52-jirkan oo aan la shaacin magaciisa ayaa booqday dhaqtarkiisa Florida kadib markii madax xanuunka dhanjafka oo sidoo kale goonjab ama wareento loo yaqaan waxbana uu ka tari waayey kiniinka xanuun baabi’iyuhu.

    Dhakhaatiirtu markii ay samaynayeen baadhista raajada madaxa, waxay ogaadeen in maskaxdiisa ay ku jiraan fiixyo badan oo, sida ay markii dambe ku xaqiijiyeen daraasado ka dambeeyay, dhab ahaantii ah dirxi dhogor leh oo ku nool maskaxdiisa kaas oo ku sababay caabuq loo yaqaan ‘neurocysticercosis’.

    Caabuqan waxaa keena dirxiga Taenia solium (T.solium), oo sidoo kale loo yaqaanno gooryaanka doofaarka.

    Cunista hilibka doofaarka ee aan si fiican la karinin si toos ah uma keento neurocysticercosis.

    Khubaradu waxa ay aaminsan yihiin in markii hore uu bukaanku gacanta ku qabtay gooryaanka xiidmaha,kadibna maadaama oo uusan si wanaagsan u dhaqin gacmahiisa uu gaaray ukunta gooryaanka saxaradiisa kasoo baxay, taasina ay keentay in caabuqa neurocysticercosis uu ku dhoco.

  19. Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Venezuela oo gaartay 235 qof

    Kooxaha gurmadka ayaa si degdeg ah uga dhex baaraya burburka dhismayaasha si ay u badbaadiyaan dadka nool, kaddib markii laba dhulgariir oo aad u xooggan ay ku dhufteen dalka Venezuela, meel u dhow caasimadda Caracas. Dhulgariirradaasi waxay sababeen dhimashada ugu yaraan 235 qof, halka in ka badan 1,500 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Magaalada Caracas iyo magaalada xeebta ku taalla ee La Guaira ayaa laga maqlayay dad ku xanniban burburka dhismayaasha oo codsanaya gurmad iyo in la badbaadiyo.

    Hay'adda Sahanka Juqraafiyeed ee Mareykanka (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariirkii ugu horreeyay uu cabbirkiisu ahaa 7.2, balse ilbiriqsiyo yar kaddib uu dhacay mid kale oo ka xoog badan, kaas oo cabbirkiisu gaadhayay 7.5. Labaduba waxay ka dhaceen meel dhulka hoostiisa aad ugu dhow, taas oo sii kordhisay khasaaraha iyo burburka.

    Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, maadaama dad badan weli la la'yahay, qaar kalena ay hoy la'aan noqdeen ama ay ka baqayaan inay ku laabtaan guryihii iyo dhismayaashii waxyeelladu gaadhay, sidaas darteedna ay habeenkii ku hoyanayaan waddooyinka.

    Sidoo kale akhriso

  20. Xadgudubyada galmada waxay ka mid yihiin 'nolol maalmeedka' qaybo ka mid ah Suudaan

    Kufsiga iyo tacaddiyada ayaa weli si aad ah uga jira Suudaan xitaa meelaha aysan saameyn dagaallada sokeeye ee waddanka, sida algu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

    Iyadoo kufsiga lagu tilmaamay "astaanta rasmiga ah" ee colaadda, warbixintu waxay sheegtay in xadgudubyada galmada ay u badan yihiin kuwa ay geystaan rag hubaysan, inta badanna ay weheliyaan falal naxariis darro iyo bahdil ah. Laakiin MSF waxay sheegtay in kufsigu uu weli yahay qayb "qarsoon" oo ka mid ah nolosha bulshooyinka ku nool gobolka galbeedka Darfur ee aan hadda ku jirin jiidda hore ee dagaalka.

    Warbixintan ayaa ah tii ugu ballaadhnayd ee ilaa hadda laga soo saaro xadgudubyada galmada ee dagaalka Suudaan oo ku dhowaad saddex sano socda.

    Digniin: Maqaalkani waxaa ku jira tafaasiisha xadgudubka galmada oo dadka qaarkii ay u arki karaan dhib

    Waxay ku saleysan tahay marag-furka 3,396 dhibbane oo daaweyn ka raadsaday xarumaha ay taageerto MSF ee guud ahaan Waqooyiga iyo Koonfurta Darfur intii u dhaxeysay Jannaayo 2024 iyo Noofambar 2025.

    Labada dhinac ee dagaallamaya — ciidanka Suudaan iyo kuwa sida milatariga u tababaran ee RSF — ayaa labadaba lagu eedeeyay xadgudubyo galmo. Laakiin Darfur waa halka ay ku xooggan yihiin RSF, inta badan dadka geystay xadgudubyada ee ay aqoonsadeen dadka ka badbaadayna waxay ahaayeen dagaalyahannadooda.