Madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku uu qarka u saaran yihiin
bixinta amar lagu duqeynayo xarumaha tamarta iyo buundooyinka ku yaal gudaha
Iran, waxayna ku eedeeyeen in ay “hakinayaan” wadaxaajoodyada.
Fox News oo
soo xiganeysa Trump ayaa sheegtay in Mareykanku uu duqeeyay ku dhawaad 20
goobood.
Madaxweyne
Trump ayaa shaaca ka qaaday faahfaahinta dhacdadaas isagoo sheegay in diyaaraha
aan duuliyaha laheyn ee Iran ay kala dhexgalaan labo helikobtar sidaasina ay
wax u dhaceen.
Dhanka kale,
warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in kumannaan qof oo ku nool magaalada
koonfurta ku taal ee Sirik ay biyaha iyo korontada ka go’een kaddib markii laba
kayd-biyood ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo uu Mareykanku fuliyay.
Ciidamada
Mareykanka ayaa sheegay in ay beegsadeen bartilmaameedyo Iran ku yaal si ay uga
jawaabaan diyaaradii laga soo riday Isniintii.
Afhayeenka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa weeraradaas kaddib sheegay
in Washington ay dhaawacday fursadihii heshiis nabadeed lagu gaari lahaa, iyadoo
diray fariimo is khilaafsan, waxayna beddeshay dalabaadkeeda, isla markaana si
joogto ah ayey u jabisay xabbad-joojinta. Wuxuu sheegay in Tehran ay u baahan
tahay in ay dib u qiimeyso xaaladda, isagoo intaas ku daray in geeddi-socod
kasta oo diblomaasiyadeed uu u baahan yahay ugu yaraan xasillooni.