You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Israa'iil iyo Iiraan oo sheegay inay joojin doonaan duqeymaha balse waxay ka digeen aargoosi haddii xabbad joojintu mar kalela jabiyo

Iiraan iyo Israa'iil ayaa sheegay inay joojiyeen weerarradii ay isku qaadayeen, ka dib markii labada dal ay is rasaaseeyeen markii ugu horreysay tan iyo markii la gaaray xabad joojintii bishii Abriil.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay arrinta garsoore Cumar Cartan

    Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan ee loo diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee sanadkan.

    Waxay wasaaraddu sheegtay inay si weyn uga xun tahay wax ay ku sheegtay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.

    “Kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelida dalka Mareykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo hay'adda FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintan. Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

    Waxay intaas ku dartay in garsoore Cumar Cartan uu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

    “Guulihiisa caalamiga ahaa waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee dalka ka jira aysan hor istaagin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo caalami ah. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka”, ayaa lagu yiri.

    Halkan hoose ka akhri war-saxaafadeedka oo dhameystiran

  2. Maxaa ka jira inay wax ka khaldanaayeen dukumentiyada uu sitay Cumar Cartan?

    Hore waxaan tebinnay in sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi,uu BBC-da u sheegay, in Cartan uu sitay baasaboorka diblomaasiyadeed, taas oo looga gol lahaa in la fududeeyo safaradiisa, ka dib markii ay hore u wajahay caqabado ama dhibaatooyin la xiriira arrimaha fiisaha.

    Isagoo la hadlayay BBC World Service, Andrew Giuliani, oo ah madaxa Guddiga Hawl-galka Aqalka Cad ee Koobka Adduunka, ayaa yiri: "In kasta oo aanan geli karin [macluumaadka gudaha ah] waxaan sheegi karaa inay ahayd go'aankii saxda ahaa ee ay gaareen kastamka iyo ilaalada xuduudaha, waana taageersanahay go'aankaas."

    Dhanka kale, sarkaal ka tirsan Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP) oo u warramay warbaahinta CNN ayaa sheegay in Cumar Cartan loo arkay "inuu uusan u qalmin gelitaanka USA" kadib baadhitaan amni, balse ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee go'aankaasi.

    Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF) ayaa si degdeg ah ula xiriiray FIFA si ay u weydiistaan ​​faahfaahin dheeri ah iyo jawaab degdeh ah.

    Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka, sida ay xaqiijisay FIFA.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  3. Waxa uu Xassan Cali Kheyre ka yiri arrinta garsoore Cumar

    Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay arrinta taagan ee la xirriirta garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan oo loo diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka sanadkan.

    Kheyre oo qoraal soo dhigay barahiisa bulshada ee Facebook iyo X ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay wararka la xiriira in Cartan loo diiday dal-ku galka Mareykanka.

    “Waxaan ka xumahay warka dhiillada leh ee sheegaya in garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan loo diidayo gelitaanka dalka Mareykanka, isaga oo ka mid ah garsoorayaasha ay FIFA u xulatay Koobka Adduunka ee toddobaadkan ka furmaya Waqooyiga Ameerika, ayuu yiri.

    Waxaa uu sheegay in garsoore Cumar Cartan uu kaalintan ku muteystay kartidiisa, xirfaddiisa, dadaalkiisa iyo hufnaantiisa. Wuxuuna intaa ku daray inuu tusaale iyo astaan u yahay dhallinyarada Soomaaliya iyo Afrika ee ku taamaysa in hibadooda, hal-abuurkooda iyo xirfaddooda laga qaddariyo masraxyada caalamka.

    “Kubaddu waa luqad mideysa bulshooyinka caalamka, isla markaana dhiirrigelisa qiyamka caddaaladda, mudnaanta iyo tartanka fursadaha loo siman yahay. Waxaana rajaynayaa in xal degdeg ah laga gaaro arrintan, si aanay caqabad ugu noqon hiigsiga garsoore Cumar, iyo rajada malaayiinta dhallinyarada ah ee ku haminaya in ay hibooyinkooda ku soo bandhigaan fagaarayaasha caalamka”, ayuu yiri.

    “Waxaan garsoore Cumar ku bogaadinayaa horumarkiisa iyo guulaha taariikhiga ah ee uu qarankeenna uga soo hooyay caalamka. Soomaaliya, Afrika, iyo dhammaan dadka aaminsan qiimaha kartida, dadaalka, mudnaanta, iyo caddaaladda ayaa ku garabtaagan. Guuleyso Garsoore”, ayuu intaas raaciyay.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  4. Sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya oo BBC-da uga waramay nooca baasaboorka uu sitay Cumar Cartan

    Sida aan horey idinkugu soo tebinnay, garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan, kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka.

    Xirriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa xaqiijisay in garsoore Cumar Cartan uusan ka qeyg geli doonin Koobka Adduunka sanadkan oo laga bilaabo 11-ka Bishan June ka qabsoomi doona Mareykanka, Mexico iyo Canada.

    Garsoore Cumar Cartan ayaa lagu waday in uu noqdo garsoorihii ugu horeeyay ee ka socda dalkiisa ee dhex dhexaadiya finanaalka Koobka Adduunka sanadkan 2026.

    La-taliye sare oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Cartan loo diiday iuu galo Mareykanka, wuxuuna sheegay in Cumar Cartan uu sitay dukumeentiyo sax ah.

    Sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ayaaisna dhankiisa BBC-da u sheegay, in Cartan uu sitay baasaboorka diblomaasiyadeed, taas oo looga gol lahaa in la fududeeyo safaradiisa, ka dib markii ay hore u wajahay caqabado ama dhibaatooyin la xiriira arrimaha fiisaha.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  5. Iiraan iyo Israa'iil oo sheegay inay joojin doonaan duqeymaha balse ka digay aargoosi

    Iiraan iyo Israa'iil ayaa sheegay inay joojiyeen weerarradii ay isku qaadayeen, ka dib markii labada dal ay is rasaaseeyeen markii ugu horreysay tan iyo markii la gaaray xabad joojintii bishii Abriil.

    Fariin codeed lagu daabacay wakaaladaha wararka rasmiga ah Isniintii, Mohammed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamanka Iiraan ayaa ku tilmaamay weerarkii habeenimadii Axada ee duqaymaha ay iyagu gaysteen gabi ahaanba kuwo lagu qiimeeyay inay ahaayeen lagama maarmaa oo ay guulaysteen.

    Farriinta codka oo qoraal ahaan ay daabacday wakaalada wararka IRNA ayuu ku yiri Qalibaf, ‘’Haddii aynu ku tixgalino diblomaasiayada wadahadalada kali ah ee qolalka xiran iyo diblomaasiyada qosolka, weeynu ku guul daraysan lahayn bilowgiiba, haddii aynu ku tiirsanaan lahayn dagaal iyo howlgalo militari oo kali ah, ma aynaan awoodneen in aynu si buuxda u difaacno xuquuqdeena’’.

    Qalibaf oo hoggaaminayay wafdiga wadahadalada Iiraan iyo Maraykanka ee Pakistan iyo safarkiisii u dambeeyay ee Qatar uu u raacay Abbas Araqchi, ayuu ku yiri fikradiisa: ‘’Dhacdadii Lubnaan waxay muujinaysaa in fagaaraha diblomaasiyada oo uu la socda midka milatari ay dhinac u riixi karaan Israa’iil iyo cadowyada. Diblomaasiyada kama hortagto howlgalada milatari, sidoo kalana howlgalada milatari kama hortagaan diblomaasiyada.

    Sidoo kale akhri

  6. FIFA oo war ka soo saartay arrinta garsoore Cumar Cartan

    Garsooraha kubbada cagta Soomaaliyeed Cumar Abduqaadir Cartan ayaan ka qayb gali doonin xaggaagan koobka Kubbada cagta Adduunka, kadib markii loo diiday dalku galka Maraykanka, sida ay xaqiijisay xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA.

    Soomaaliya ayaa kamid ah 39 dal oo ay saamaysay xayiraada fiisaha ee maamulka Trump, waxaana muwaadiniinta dalalkaasi ay maraan baaritaano dheeraad ah.

    ‘’FIFA ma faragashato dalka martigalinaya nidaamkiisa socdaalka, oo ay ku jirto go’aanada fiisaha, waana lagu wargaliyay masuuliyiinta in xaalada Artan aan waxba laga beddeli karin wakhtiga,’’ ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka FIFA.

    Garsoore Cumar Cartan oo Soomaali ah oo lagu waday in uu noqdo garsoorihii ugu horeeyay ee ka socda dalkiisa ee dhex dhexaadiya fianaalka Koobka Adduunka ayaa loo diiday inuu galo dalka Mareykanka.

    Cartan oo ah garsooraha sanadka 2025 ee xiriirka kubadda cagta Afrika ayaa laga mamnuucay inuu dalka soo galo isaga oo ka dagay garoonka diyaaradaha Miami International Airport, waxaana uu hadda ku sugan yahay dalka Turkiga.

    Ma jirto sabab oo ku saabsan dib u celinta Cartan oo ay sheegtay laanta socdaalka Mareykanka, balse Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska wadamo laga mamnuucay socdaalka Maraykanka kaa oo uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: