Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Maraykanka oo Sacuudiga ka iibinaya hub qiimahiisu dhan yahay $5 bilyan oo doolar

    Trump iyo MBS

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday ansixinta heshiis hub qiimihiisu yahay $5 bilyan oo hub loogu iibinayo Sacuudi Carabiya.

    War-saxaafadeed ay soo saartay, wasaaraddu waxay ku sheegtay inay ansixisay codsiga Sacuudi Carabiya ee ah inay iibsato kumanaan bambo iyo sidoo kale nidaamyada hagidda gantaalada fog.

    Sida laga soo xigtay wasaaradda, heshiiska waxaa sidoo kale ku jira hub kala duwan, qaybo kayd ah iyo kiimikooyin, iyo sidoo kale adeegyada gaadiidka farsamada iyo istaraatiijiyadda iyo saadka.

    Mareykanka ayaa sheegay in heshiisku uu higsanayo inuu xoojiyo amniga xulafadiisa muhiimka ah, isagoo gacan ka geysanaya ilaalinta xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale ee gobolka Khaliijka.

    Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in heshiisku uu xoojin doono awoodda Sacuudi Carabiya ay u leedahay inay iska difaacdo weerarrada cirka iyo ka hortagga khataraha gobolka.

    Sheekooyin kale:

  2. Iran iyo Maraykanka oo aan wali ka hadlin qaraxii laga maqlay Kharg

    Saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Iiraan ayaan weli ka jawaabin wararka sheegaya in la weeraray markab shidaal oo Iiraan leedahay, kaas oo ku sugnaa meel u dhow jasiiradda Kharg.

    Warbaahinta Iiraan ayaa sidoo kale baahisay muuqaal muujinaya markab shidaal oo qiiq ka baxayo, iyadoo hareerihiisana laga arkayo maraakiibta dab-damiska.

    Weerarrada is-dhaafsiga ah ee u dhexeeya labada dhinac ayaa dib u billowday Axaddii hore, markaas oo Mareykanku uu weerarro ku qaaday Iiraan.

    Wareeggii ugu dambeeyay ee weerarrada, Iiraan ayaa laba maalmood ka hor sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay Kuwait iyo Imaaraadka Carabta.

    Waxaa ka soo wareegtay in ka badan lix bilood tan iyo markii uu dagaalku billowday, Mareykanka iyo Iiraanna waxay weli ku tartamayaan sidii ay u maamuli lahaayeen marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

    Iiraan ayaa xayirtay dhaqdhaqaaqa marinka Hormuz iyadoo weeraraysa maraakiibta, halka Mareykankuna uu sii wado xayiraadda saaran dekedaha Iiraan.

  3. Markab shidaal oo Iiraan laga leeyahay oo lagu weeraray gantaallo - xogo

    Noornews, oo ah hay'ad warbaahineed oo xiriir dhow la leh dowladda Iiraan, ayaa sheegtay in ilo-wareedyo maxalli ah ay ka warbixiyeen weerar gantaal oo ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen markab shidaal oo Iiraaniyiin leeyihiin oo u dhow jasiiradda Kharg, balse wararkaas weli lama xaqiijin.

    Wariye ka tirsan wakaaladda Fars oo ku sugan jasiiradda Kharg ayaa sheegay in dhawaqa qaraxyo laga maqlay dhinaca Gacanka Beershiya, balse aan la arkin wax qiiq ah.

    Mas'uuliyiinta Iiraan weli kama aysan hadlin wararkan.

  4. Dood ay Afrika qabtay muddo qarniyaal ah oo hadda la ogolaaday, maxayse tahay?

  5. Iiraan oo baaq u dirtay shacabka Maraykanka, muxuuse ku saabsan yahay

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Maraykanka inaysan u oggolaan dowladda Maraykanka inay “ka dhigto askar lug ah oo dagaalka ka qayb qaata.”

    Qoraal uu soo dhigay barta X, Ismail Baghaei wuxuu la hadlay muwaadiniinta Maraykanka, isagoo yiri: “Ha u oggolaanina inay idinka dhigaan askar safka hore kaga jirta dagaal oo aad bixisaan kharashkiisa; dagaal aan waligiin idinku dooran. Ha u oggolaanina inay carruurtiinna ka dhigaan calooshood-u-shaqeystayaal dagaal oo qayb ka ah dagaalkooda sharci-darrada ah.”

    Waxaan horay u soo sheegnay in Donald Trump uu Jimcihii wariyeyaasha u sheegay in Maraykanku uu si aad ah ugu dhow yahay inuu weeraro Buurta Kalang ee Iran.

    Buurta Kalang, oo ku taalla meel u dhow xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz, waa goob si weyn loo adkeeyay oo ay ku yaallaan laba dhisme oo dhulka hoostiisa ah oo aad u qoto dheer ah.

    Qayb kale oo ka mid ah hadalladiisa, Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dagaalka Iran uu Maraykanka u yahay “arrin aan sidaas u weynayn,” isagoo ka hadlayay xaaladda hadda ka jirta Iran: “Dad badan dagaal uma yaqaannaan. Anigu waxaan ugu yeeraa iska horimaad milatari, sababtoo ah annaga arrintu waa mid aan sidaas u weynayn.”

  6. U diyaar garowga saacadda qiyaamaha: Ma dhamaadkii dunida ayaa lagu dhawaaday?

    Madooneysaa inaad ka mid noqoto dadka isku diyaarinaya dhammaadka adduunka? Haddii jawaabtu haa tahay, halkeed ka bilaabaysaa?

    Bishii February 2025, khubarada Jaamacadda Chicago waxay saacaddii Qiyaamaha u soo dhaweeyeen 89 ilbiriqsi uun ka hor saqda dhexe. Waa heerkii ugu halista badnaa abid ee laga digay sababtoo ah waligeed sidan uguma dhawaan waqtigii lagu tilmaamay dhammaadka.

    Sidoo kale, Janaayo 27, 2026, Alexandra Bell, oo ah madaxweynaha iyo agaasimaha guud ee Bulletin of the Atomic Scientists, ayaa ku dhawaaqay in saacada qiyaamaha (Doomsday) loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi.

    Warsidaha wuxuu soo saaray digniintiisii ugu xoogganayd weli. Saacadda Doomsday oo loo arko calaamad cabbiraysa sida ugu dhow ee bini'aadanku ugu soo dhawaaday inay is burburiyaan tan iyo bilowgii xilligii Nukliyeerka - ayaa loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi, waana meesha ugudhow taariikhda siddeed iyo toban sano.

    Tani looguma dhawaaqin sidii riwaayad oo kaleama war caadi ah oo keliya, laakiin sida ay u weyn tahay iyo digniinta ay bixinayso ayaa keenay in lagu degdego. Saynisyahano,siyaasad qaabeeyeyaal iyo saynisyahanno ku guulaystay abaalmarinta Nobel ayaa wakhtiga cayimay, waxayna si deggan uga hadleen khatarta sii kordhaysa ee caalamiga ah, wada shaqaynta sii xumaanaysa, iyo guul-darrooyinka hoggaamineed ee bini'aadamka oo si wadajir ah qarka ugu saaran masiibo. Waxay xusuusiyeen caalamka in saqda dhexe aysan ahayn qaddar lama huraan ah balse ay tahay digniin ay tahay in la fiirsado oo la fahmo.

  7. Wakiilada nabadda ee Trump ee la filayo inay toddobaadkan gaaraan Mosco iyo Kyiv

    Steve Witkoff iyo Jared Kushner

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Steve Witkoff iyo Jared Kushner

    Wada-xaajoodayaasha Maraykanka ee Steve Witkoff iyo Jared Kushner ayaa booqan doona Ruushka iyo Ukraine dhammaadka toddobaadkan, iyadoo dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka ay u muuqdaan kuwo xawaare sii yeelanaya.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa xaqiijiyay inuu ergada la kulmi doono Axadda, kadib markii ay Sabtida booqdaan Moscow si ay wadahadallo ula yeeshaan Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    Witkoff iyo Kushner ayaa hoggaaminayay dadaallada Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee lagu dhex-dhexaadinayo heshiis nabadeed, balse weli waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya labada dhinac ee dagaallamaya.

    “Waxay wataan soo-jeedin lagu soo afjarayo dagaalka,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha markii wax laga weydiiyay booqashooyinka.

    Horaantii Jimcihii, Zelensky wuxuu sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Ruushku leeyahay ay ku dhacday xafiiska madaxa amniga Ukraine, Oleksandr Poklad, ee Kyiv. Poklad ayaa u muuqda inuusan wax dhaawac ah qabin.

    Qoraal uu baraha bulshada ku daabacay, Zelensky wuxuu sheegay inuu amray Poklad, oo madax ka ah hay’adda amniga SBU, inuu weerarka uga jawaabo “si ku habboon.”

    Sabtidii, mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in afar qof lagu dilay weerar Ruushku ka geystay magaalada Kamianske ee koonfur-bari Ukraine.

    Oleksandr Ganzha, oo ah madaxa maamulka milatari ee gobolka Dnipropetrovsk, ayaa sheegay in shan qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

  8. Waa kuwee dalalka Bariga Afrika ee haysta Shanta diyaaradood ee dagaalka ee ugu xawaaraha badan?

    Bariga Afrika iyo dalalka haysta diyaaradaha dagaalka ee ugu xawaaraha badan

    Xigashada Sawirka, SOCIAls

    Qoraalka sawirka, Bariga Afrika iyo dalalka haysta diyaaradaha dagaalka ee ugu xawaaraha badan

    Marka aad kor u eegto hawada Bariga Afrika, waxaa si qarsoodi ah uga socda loollan istaraatiiji ah oo ka dhex guuxaya cirka dushaada.

    Dalal kala duwan oo gobolkan ku yaal ayaa lacag badan ku bixinaya diyaaradaha dagaalka, duuliyeyaasha, hababka kormeerka, tababarka iyo farsamada casriga ah, iyadoo ujeeddadoodu tahay inay ilaaliyaan hawadooda isla markaana ay xoojiyaan awoodda ay kaga hortagayaan khataraha amniga.

    Waxa cajiib ah inuusan jirin qaab qudha oo ay dhammaan waddamadu wada adeegsadaan.

    Qaar waxay xoogga saareen diyaaradaha dagaalka ee awoodda u leh difaaca hawada iyo weeraridda bartilmaameedyo kala duwan. Qaar kale waxay lacag ku bixiyeen diyaarado si gaar ah loogu nashqadeeyay duqeymaha dhulka.

    Rwanda, dhanka kale, waxay qaadatay waddo ka duwan iyadoo xooggeeda cirka ku dhisaysa helikobtarrada oo ay si weyn ugu tiirsan tahay, halkii ay ka adeegsan lahayd diyaaradaha dagaalka ee caadiga ah.

  9. Maraykanka oo xoojinaya awoodda milatari ee xulafadiisa Gacanka iyo dalalka uu xoogga saarayo

  10. Trump: Waxaa laga yaabaa inaan dhawaan beegsanno Buurta Kalang

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Donald Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay Jimcihii in Maraykanku uu si aad ah ugu dhow yahay inuu weeraro Buurta Kalang ee Iran.

    Buurta Kalang, oo ku taalla meel u dhow xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz, waa goob si weyn loo adkeeyay oo ay ku yaallaan laba dhisme oo dhulka hoostiisa ah aad u qoto dheer.

    Qayb kale oo ka mid ah hadalladiisa, Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dagaalka Iran uu Maraykanka u yahay “arrin aan sidaas u weynayn.”

    Mar sii horreysayna, Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa sheegay inuusan khilaafka Iran ku tilmaami lahayn “dagaal.”

    Donald Trump ayaa Jimcihii sharraxay, kadib markii wariye uu weydiiyay inuu shacabka Maraykanka u caddeeyo waxa dagaalka Iran yahay haddii aan loogu yeerin “dagaal”, isagoo yiri:

    “Waxaan kuu sheegayaa, dad badan dagaal uma yaqaannaan. Anigu waxaan ugu yeeraa iska horimaad milatari, sababtoo ah annaga arrintu waa mid aan sidaas u weynayn. Ma aha arrin weyn. Waxaan tallaabo ka qaadnay Venezuela waana ku guulaysannay. Wax khasaare ah nagama uusan soo gaarin Venezuela. Waxaan iska horimaadka Iran ku waynay 18 qof. Vietnam-na waxaan ku waynay 100,000 qof.”

  11. Madaxa garsoorka Iran oo sheegay in dalkiisu doonayo inuu xiriirka Shiinaha ballaariyo

    ,

    Xigashada Sawirka, Mizan

    Qoraalka sawirka, .

    Gholamhossein Mohseni-Ejei, madaxa garsoorka Iran, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay si dhab ah u doonayso inay ballaariso xiriirka ay la leedahay Shiinaha.

    Mohseni-Ejei ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Hindiya kula yeeshay madaxa maxkamadda sare ee Shiinaha, xilli uu halkaas u tegay ka qaybgalka shir ay leeyihiin madaxda hay’adaha garsoorka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO).

    "Waa go'aan sugan oo ka yimid Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran in la ballaariyo xiriirka ay la leedahay Shiinaha," ayuu yiri.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in dunidu ay u gudbayso nidaam cusub oo caalami ah, isla markaana Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay door wax-ku-ool ah ka qaadanayso geeddi-socodkaas.

    Sida uu sheegay Mohseni-Ejei, shirkii madaxda garsoorka ee Ururka Iskaashiga Shanghai ayaa sannadkii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto Iran, balse goobta shirku ka dhacayo ayaa la beddelay kadib dagaalkii u dhexeeyay Maraykanka iyo Israa'iil iyo Iran.

  12. Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay bangi Turki ah sababo la xiriira 'xiriir uu la lahaa IRGC'

    Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqday cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay bangi ku yaalla Turkiga, taas oo ay ku sheegtay inuu xiriir la leeyahay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, xilli Washington ay dib u xoojineyso dadaallada ay ku doonayso inay Tehran dhaqaale ahaan go’doomiso.

    “Hay’adaha maaliyadeed waxay bixin doonaan qiimo culus marka ay ogaadaan inaan dhab ka nahay hirgelinta go’doominta dhaqaale. Inkastoo aan rajaynayno inaan loo baahnayn cunaqabateyn kale oo bangiyada lagu soo rogo, haddana waxay ugu dambayn ku xirnaan doontaa sida ugu dhakhsaha badan ee beesha caalamku ugu soo baraarugto, una joojiso taageerada ay siiso nidaamka Iran ee dilalka geysta,” ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Besant, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray.

  13. Muran ka dhashay magac uu Maxamed Saalax u bixiyay Wiil u dhashay

  14. Raashinka: Iska ilaali siddeed cunto oo sababi kara gaaska caloosha

    Raashiin

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Raashiin

    Socodka waa shey dabiici ah. Qofka caadiga ah wuxuu socdaa 5 ilaa 15 jeer maalintii. Balse haddii caloosha aad ka qabto gaas kuuma suuragaleyso in aad caafimaad ku sameyso lugeys ama jimicsi kale.

    Dabcan waxaa intaas sii dheer xanuun iyo dhibaato shakhsi ahaaneed. Khubarada waxay ku doodaan in waxyaabaha laab-jeexa keena ay yihiin kuwo u wanaagsan caafimaadkaaga guud, sida caleenta maaddada fiber-ka laga helo iyo cuntooyinka carbohydrates-ka.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  15. Wasiirka Shidaalka ee Iiraan: Jasiiradda Kharg waxaa la duqeeyay in ka badan 550 jeer

    Wasiirka Shidaalka Iran, Mohsen Paknejad, ayaa sheegay in markii la bilaabay xannibaadda badda ee Marin-biyoodka Hormuz, inkastoo xayiraado la soo rogay, ay suurtagashay in la hawlgaliyo habka “batroolka looga daabulo laguna iibiyo masaafo kumannaan kiiloomitir u jirta gobolka Gacanka Faaris”.

    Waxa uu sheegay in intii lagu jiray hakadka xannibaadda badda ee Marin-biyoodka Hormuz, intii u dhexeysay 18-kii Juun iyo 14-kii Luulyo, Iran ay si buuxda uga faa’iidaysatay fursaddaas, isla markaana ay qayb weyn oo ka mid ah Shidaalkeeda u rartay “meel ka mid ah Badda Cumaan”, halkaas oo loogu gudbin karay macaamiisha.

    Mr Paknejad ayaa xannibaadda badda ee Marinka Hormuz ee uu Mareykanku sameeyay ku tilmaamay mid “adag oo wax ku ool ah”, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in wax-soosaarka shidaalka Iran aysan istaagin, ayna isku dayayaan inay si buuxda uga gudbaan cunaqabateynta, iyagoo adeegsanaya tallaabooyin iyo xalal kala duwan.

    Wasiirka Shidaalka Iran ayaa sidoo kale sheegay in intii lagu jiray dagaalkii 40-ka maalmood socday iyo weerarradii Mareykanka ee lagu qaaday in ka badan “550 goobood” oo ku yaalla Jasiiradda Kharg, oo aan ahayn jasiirad aad u weyn, dhoofinta batroolka “aysan hal daqiiqo istaagin”.

    Mr Paknejad ayaa yiri: “Shaqaalaha shirkadda batroolka ayaa maraakiibta shidaalka ku shubayay xilli cadowgu duqeynayay.”

  16. Nepal :'Mucjisooyin is-daba-joog ah:' Sida laba qof looga soo saaray god 9 maalin ak dib fatahaadaha

    Godka ayaa ahaa mid dheer

    Xigashada Sawirka, Nepalese Prime Minister's Office

    Qoraalka sawirka, Godka ayaa ahaa mid dheer

    “Helitaanka laba qof oo nool maalintii Jimcaha waxay ahayd mucjiso ka dambaysa mucjiso kale, maadaama ay soo mareen dhibaatooyin badan.”

    Sidaas waxaa BBC-da u sheegay Arnold Dix, oo ah khabiir ku lug leh hawlgallada samatabbixinta ee godadka xirmay oo ka tirsan mashruuca koronto-dhalinta Nepal. Wuxuu BBC-da uga warramay sida uu ugu suuragashay inuu gaaro dadka badbaaday.

    Wax yar kaddib markii labada qof ee badbaaday laga soo saaray tunnel-ka, waxaa la helay meydka qof saddexaad.

    Arnold Dix ayaa mas’uuliyiinta mashruuca koronto-dhalinta Nepal ka caawinaya sidii loo qodi lahaa godka xirmay, looguna gaari lahaa saldhigga koronto-dhalinta ee “Trishuli 3A”.

    Waxa uu ka mid ahaa dhowr saldhig oo ay saameeyeen daadad xooggan oo si kedis ah u dhacay, kuwaas oo toddobaadkii hore ku dhuftay xadka Nepal iyo Tibet.

    Caqabaddii ugu horreysay waxay ahayd in la helo halka laga galo godka, oo ku yaallay goob daadadku si weyn u burburiyeen, isla markaana ay adkayd in la aqoonsado. Ilaa hadda, daadadka ayaa la sheegay inay dileen 1,300 qof.

    Waxay ku guuleysteen inay helaan albaabka laga galo, balse caqabadda xigtay waxay ahayd helitaanka dadkii badbaaday.

    Shaqaalaha gurmadka ee Nepal ayaa ugu dambeyntii ka soo badbaadiyay 2 qof, sagaal maalmood kaddib markii ay ku xannibmeen burbur ka dhashay daadad xooggan oo si kedis ah u dhacay, kuwaas oo burbur weyn ka geystay deegaan ku yaalla xadka Nepal iyo Tibet.

  17. Maxay Netherlands uga soo wareejisay Mareykanka uguna rartay London 86 tan oo dahab ah oo qiimihiisu yahay balaayiin doollar?

  18. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo dib uga soo muuqday fagaareyaasha kaddib saddex toddobaad

    Abiy Ahmed,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Abiy Ahmed,

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa dib uga soo muuqday fagaareyaasha kaddib markii muddo saddex toddobaad ah aan si weyn loo arag.

    Ra’iisul Wasaaraha oo caan ku ah inuu si joogto ah uga soo muuqdo warbaahinta ayaa maqnaanshihiisa toddobaadyadii u dambeeyay dhaliyay su’aalo.

    Waxaa sidoo kale jiray warar aan la xaqiijin oo ku saabsan sababta maqnaanshihiisa.

    Hase yeeshee, mas’uuliyiinta dowladda iyo dowladda lafteedu midkoodna kama hadlin arrintan.

    Dhanka kale, warbaahinta maxalliga ah ee xiriirka la leh dowladda iyo warbaahinta qaranka ayaa baraha bulshada ku baahinayay hadalladii uu hore u jeediyay.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii ugu horreysay muddo saddex toddobaad ah ka dib kasoo muuqday munaasabad lagu saxiixayay heshiis, iyadoo sawirro lagu baahiyay qoraal uu ku daabacay baraha bulshada.

    Heshiiska ayaa dhex maray Bangiga Qaranka Itoobiya iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

    Warar dheeraad ah:

  19. Dagaal xooggan oo dhulka ah oo ka qarxay dalka Yemen

    Dagaallo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada dowladda Yemen ee ay beesha caalamku aqoonsan tahay, kuwaas oo ka dhacay deegaannada xeebaha Badda Cas ee u dhow Taiz, ayaa tan iyo Khamiistii waxaa ku dhintay ugu yaraan 81 askari oo ka kala tirsan labada dhinac, sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, oo soo xigatay laba sarkaal oo militari iyo ilo caafimaad.

    Sarkaal ka tirsan ciidamada Yemen oo ku sugan gobolka xeebaha Badda Cas ayaa sheegay in 24 askari oo ka tirsan ciidamadooda ay dhinteen, halka sarkaal kale oo ka tirsan gobolka Taiz uu sheegay in halkaas lagu dilay 15 qof.

    AFP ayaa sidoo kale soo xigatay ilo caafimaad oo ku sugan deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan, kuwaas oo sheegay in ugu yaraan 42 ka tirsan ciidamada Xuutiyiinta lagu dilay dagaallada.

    Dagaalladu waxay billowdeen Khamiistii, kaddib markii ciidamada Xuutiyiintu ay weerar dhulka ah oo ay adeegsanayeen gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka qaadeen agagaarka deegaannada xeebaha Badda Cas iyo gobolka Taiz.

    Warar dheeraad ah:

  20. Xaladda dhaawaca Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan

    Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya dhaawaca taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ku magac dheer Taliye Shub ayaa sheegaya in loo qaaday dalka Itoobiya, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay taliye kuxigeenka daraawiishta Jubaland ee gobolka Gedo oo markii weerarku dhacayay aan ka fogeyn guriga la duqeeyay.

    "Janaraal Mahad Doolow ayuu ku sugan yahay waa fiican yahay, wax dhibaato ahna ma qabo, maya taasi ma jirto, dhaawiciisa looma qaadin Itoobiya." Ayuu yiri.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka ka dhacay degmada Doolow oo ku dhow xadka gobolka Gedo uu la wadaago dalka Itoobiya.

    Taliye Shub ayaa la aaminsan yahay in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalka ciidamada Laftagareen ay ka wadaan duleedka magaalada Baydhabo, lamase oga in sababtaas loo bartilmaameedsaday.