"Eritrea waxay ciidan u dirtay Tigray ayadoo ku xadgudubtay madaxbanaanida Itoobiya" Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya

.

Xigashada Sawirka, SM

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

"Eritrea waxay ku xad gudubtay madax-bannaanida Itoobiya, waxayna ciidamo hubeysan u soo dirtay dhanka xadka Itoobiya iyagoo galaya gobolka Tigray" ayuu yiri Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleymaan Daddafo.

Markii ay gaareen gobolka Tigray, waxaa "soo dhaweeyay koox 'mafiya' ah oo isu diyaarinaysay inay la dagaallanto dowladda federaalka" ayuu yiri safiirku.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Ku meel-gaarka ah ee Tigray, ahna lataliyaha Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed, Getachew Radda, ayaa raaciyay "TPLF waxay bilooyin badan beeninaysay inay sameysanayso isbaheysi ay la yeelaneyso dhinacyo gudaha iyo dibadda ah si ay ula dagaallanto dowladda federaalka, haddeerna si cad ayay arrintaas u shaacisay".

Wuxuu cambaareeyay xisbiga tallaabada uu isbaheysi ula sameeyay kooxo ka soo horjeeda Itoobiya, iyadoo ujeeddadu tahay 'in la afgambiyo dowladda federaalka'.

Safiir Sulaymaan Daddafo ayaa arrintan ku daabacay boggiisa X (oo hore loo oran jiray Twitter), isagoo sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono qoraallo shaqsi ah oo uu soo saari doono.

Hadalladan ayaa yimid ka dib markii Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed uu sheegay in TPLF ay la kaashanayso Eritrea si ay dagaal ugu bilaabaan dowladda Itoobiya.

Jeneraal Baca Dabale, oo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya, ayaa yiri: "Dagaalku wuxuu ka socdaa halkaas, gobolka Tigray. Ugu dambeyntii, dowladda hadda jirta ee Eritrea ma sii jiri doonto".

Safiir Sulaymaan Daddafo ayaa yiri "Waa wax ka hor imaanaya mabaadi'da iyo shuruucda caalamiga ah in ciidan qalaad oo hubeysan ay ka gudbaan xadka waddan ay aqoonsan yihiin shuruucda caalamiga ah iyagoon haysan ogolaanshaha waddankaas madaxa-bannaan".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Tani waxay xadgudub ku tahay madax bannaanida Itoobiya, waxayna leedahay cawaaqib xun oo dhanka sharciga, siyaasadda iyo amniga gobolka ah" ayuu yiri.

"Tani waxay Itoobiya siinaysaa xuquuq ay tallaabo ku qaadi karto iyadoo raacaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay" ayuu yiri.

Safiir Sulaymaan ayaa sheegay in tallaabadani ay Itoobiya siinayso xuquuq sharci ah oo ay kaga hortagto isku-dayga TPLF ay ku doonayso inay dagaal ku qaaddo Itoobiya.

"Waxay xaq sharci ah u leedahay inay weerarto Eritrea haddii Itoobiya ay dagaalkan u gasho si ay nafteeda u difaacdo" ayuu qoray.

Wuxuu sheegay in la-midoobidda koox hubaysan oo noocaas ah ay sidoo kale saameyn ku yeelan doonto madax-bannaanideeda.

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa yiri "Saddexdii sano ee la soo dhaafay, iska horimaadyo u dhexeeyay kooxo hubaysan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo ku nool gobolka Amxaarada. Gobolka Oromiyana sidoo kale dhiig ayaa ka sii socda.

Tigray waxay dib ugu noqonaysaa dagaal. Gobollada Cafar iyo Benishangul ayaa iyaguna ay saameeyeen rabshadaha" ayuu yiri.

"Intaasi ku filan. Waxaa loogu baaqayaa dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha gobollada inay nabadda ka hormariyaan hubka. Waxaa wanaagsan in la raadiyo xal siyaasadeed oo dhab ah. Dagaalku wuxuu keenaa oo kaliya dhimasho, burbur iyo barakac. Dadka Itoobiya waxay mudan yihiin waxa ugu wanaagsan" ayuu qoray.

Dowladda Eritrea si cad uma sheegin in ciidankeedu ay joogaan xadka Itoobiya iyo inay diyaar u tahay inay dagaal billowdo.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday isbahaysiga ka dhexeeya TPLF iyo Eritrea, balse ma aysan shaacin in ciidamada Eritrea ay dhawaan soo galeen xuduudaha Itoobiya.

Safiir Suleyman Daddafoo ayaa qoraal uu soo saaray ku faahfaahiyay qodobada ugu waaweyn ee ka socda waqooyiga Itoobiya.

"Mowqifka hadda ee TPLF waa mid cad. Waa in la rido dowlad si dimuqraadi ah loo soo doortay" ayuu yiri.

Isagoo dhawaan la hadlayay warbaahinta dowladda ee OBN, Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in TPLF aysan keligeed afgembin karin dowladda, isla markaana ay iskaashi la leedahay Fanno iyo Eritrea.

Dowladda Itoobiya waxay dhistay ciidan xooggan, ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inay haystaan ciidan difaac oo "awood u leh inay ilaaliyaan dhulka laga soo bilaabo xadka Soomaaliya ilaa Massawa".

Dhanka kale, Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya, Jeneraal Baca Dabalee, ayaa sheegay in ciidankaas uusan jiri doonin. "Kaliya taas ma aha, ee waxaa laga yaabaa inay isbeddesho khariidadda dhulka" ayuu yiri.

Safiir Suleyman Daddafo ayaa sheegay in TPLF ay "ku tiirsan tahay isbaheysiga ay la sameysatay dowladda Eritrea".

"Taliyeyaasha ciidamada Eritrea, hay'adaha sirdoonka iyo hubkooda ugu muhiimsan waxay ku sugan yihiin gobolka Tigray," ayuu yiri Safiir Suleyman, isagoo intaas ku daray in xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea aan hadda loo arkin xad u dhexeeya laba dal.

Safiirka ayaa sheegay in howlgalka Eritrea uu gaari doono ilaa Raya iyo Allamaxa, isla markaana ay sameeyeen diyaargarow wadajir ah oo ay ku qaadayaan weerar ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Waxay sheegeen in ciidamada Saliibiyiinta (Crusaders) ay la safnaayeen iyaga.

Intii lagu guda jiray dagaalkii labada sano socday ee Tigray, kaas oo ku dhammaaday heshiiskii Pretoria ee 2022-kii, Eritrea waxay ku biirtay dowladda Itoobiya, waxayna la dagaallantay TPLF.

Kooxaha ku sugan gobolka Amxaarada ayaa iyaguna la dagaallamayay TPLF. Hadda, ciidamadaas waxay diyaar u yihiin inay dib u midoobaan oo ay iska kaashadaan la dagaallanka dowladda Itoobiya, sida ay sheegtay dowladda.

Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa sii xumaanayay tan iyo heshiiskii Pretoria, wuxuuna sii darsaday markii Itoobiya ay xoojisay dalabkeeda ku aaddan helitaanka marin badeed.

Dalabka Itoobiya ee ku saabsan helitaanka deked badeed ay u adeegsato dadkeeda oo ka badan 120 milyan oo qof ayaa ka careysiiyay ma aha oo kaliya Eritrea, balse sidoo kale Soomaaliya.

Masar, oo horey uu muran kala dhaxeeye Itoobiya arrinta biyo-xireenka webiga Nile, ayaa xiriir la sameysatay Eritrea iyo Soomaaliya, waxayna la gashay heshiisyo dhanka milatariga ah.

Safiir Sulaymaan ayaa sheegay inay tahay in Eritrea ay joojiso soo galitaanka sharci-darrada ah ee xuduudaha Itoobiya iyo faragelinta arrimaha gudaha ee Itoobiya.

Haddii Eritrea ay ku sii socoto xaaladda hadda jirta oo ay khatar ku noqoto amniga qaranka Itoobiya, dowladda Itoobiya waxay qaadi doontaa tallaabo adag, ayuu yiri Safiir Sulaymaan.

Tani waxay dalka u horseedi doontaa dhibaatooyin dhanka amniga ah oo halis ah, sida kuwa ka jira Suudaan iyo Yemen, ayuu yiri.

Wuxuu ka digay in daciifnimada dowladda Eritrea ay horseedi karto faafitaanka xaalad sharcidarro ah iyo kala dambeyn la'aan ka jirta dalka.