Xayawaan ku noolaa 240 milyan oo sano ka hor dalka Tanzania oo hadda la ogaaday

Xayawaanka

Xigashada Sawirka, Gabriel Ugueto

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Saynisyahannadu waxay heleen nooc cusub oo xayawaan qadiimi ah, kaas oo noolaa qiyaastii 240 milyan oo sano ka hor.

Xayawaankan dhirta cuna, oo loo bixiyay magaca Dinodontosaurus isiyavamanda, ayaa laga helay dhulka maanta loo yaqaan Tansaaniya, oo ku yaalla Bariga Afrika.

Waxyaabaha yaabka ku noqday cilmi-baarayaasha ayaa ah in haraadiga lafaha Dinodontosaurus horey looga heli jiray oo kaliya Koonfurta Ameerika.

Khubaradu waxay sheegayaan in helitaankani uu ka caawin karo inay si wanaagsan u fahmaan xilliga iyo goobta ay markii ugu horreysay dunida ka soo muuqdeen xayawaannada loo yaqaan 'dinosaur'-ka.

Maxay saynisyahannadu ogaadeen?

Daraasadda waxaa hoggaaminayay khubaro ka socda Jaamacadda Bristol, kuwaas oo si faahfaahsan u baaray haraadiga nooleyaashii hore ee laga soo ururiyay Tanzania muddo 60 sano ah.

Saynisyahannadu waxay baareen haraadiga noolahaas, oo lagu hayay Matxafka Taariikhda Dabiiciga ah ee London, waxayna ogaadeen inay ka tirsanaayeen nooc xayawaan dhirta cuna ah oo loo yaqanno dicynodont.

Si gaar ah, haraadigu wuxuu ahaa midka Dinodontosaurus, oo ah nooc xayawaan xilligii hore jiray, kaas oo horey looga helay oo kaliya Koonfurta Ameerika.

Baaritaan dheeraad ah ayaa muujiyay in haraadiga laga helay Tanzania uu ka tirsanaa nooc aan hore loo aqoon, kaas oo cilmi-baarayaashu u bixiyeen Dinodontosaurus isiyavamanda.

xayawaanka

Xigashada Sawirka, Jonathan Jackson/Hady George

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khubaradu waxay leeyihiin daahfurku waa muhiim sababtoo ah dhagaxyada laga helay Dindontosaurus ayaa sidoo kale soo saaray qaar ka mid ah haraadigii ugu da'da weynaa ee loo malaynayo inay yihiin dinosaurs.

Hadda oo Dindontosaurus laga helay Tansaaniya iyo Koonfurta Ameerika, saynisyahannadu waxay awoodeen inay go'aamiyaan in dhagaxyada ay ku jiraan haraadiyadaan ay qiyaastii isku da' yihiin.

Hugaamiyaha qoraalka daraasadda, Hady George, oo ka tirsan Jaamacadda Bristol, ayaa sharraxay: "Tani waxay gacan ka geysaneysaa xaqiijinta in haraadigii dinosaur-ka ee ugu da'da weynaa ee laga soo sheegay Tansaaniya laga yaabo inaysan ka weynayn kuwa ka yimid Koonfurta Ameerika, sidaas darteedna ay hagaajinayso fahamkeenna ku saabsan jadwalka isbeddelka dinosaur-ka."

Kooxdu waxay intaas ku dartay in, natiijada daahfurka awgeed, saynisyahannadu ay u baahan karaan inay dib u qiimeeyaan goorta iyo meesha dinosaur-ku markii ugu horreysay ka soo baxeen.