Muxuu yahay amarka ay soo saartay maxkamaddu ee quseeya Soomaalida gobolka Waqooyi bari ee Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamadda sare ee magaalada Garissa ayaa laashay natiijadii tirakoobkii ismaamulada Mandera, Wajeer iyo Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.
Maxkamadda ayaa ku sababeysay go'aankeeda khaladaad weyn oo dhacay xilligii la qabanayay tirakoobka.
Garsooraha maxkamada sare ee Garissa John Onyiego ayaa go'aamiyay in laanta tirakoobyada ee KNBS ay ku guuldareysatay inay ilaaliso halbeegyada daacadnimada xogta aasaasiga ah, taasoo keentay inay soo baxaan tirooyin aan sax ahayn.
"Natiijooyinka la daabacay ee (Volume 1) ee Tirakoobka Dadweynaha iyo Guryeynta Kenya ee 2019 kii (KPHC) ee ku saabsan aagagga la sheegay waa la laalay," ayuu yiri garsooruhu.
Meelaha sida maxkamadu ay sheegtay khaladaadku ay saameeyeen waxaa ka mid ah Wuqooyiga Mandheera, Bariga Mandheera, Banisa, Lafey, Galbeedka Mandheera, Koonfurta Mandhera, Eldas, Tarbaj, Galbeedka Wajeer, Bariga Wajeer, Wuqoyiga Wajeer, Balambala, Lagdera, Dadaab, iyo Garissa.
Garsoore Onyiego ayaa amaray in tirookoob cusub muddo sanad gudihiis ah laga sameeyo ismaamulada gobolka waqooyi bari, taasoo la micno ah in Laanta tirakoobyada ee Kenya ay ku qasban tahay inay dhamaystirto howsha tirakoobka ilaa 28 January, 2026.
"Amar halkan ka soo baxay ayaa faraya KNBS inay sameeyaan tirokoob cusub oo ku saabsan aagagga ay dhibaatadu saameysey muddo hal sano gudaheed ah laga bilaabo taariikhda xukunkan la soo saaray," garsooraha ayaa sidaa ku yiri xukunka oo ku taariikhaysan January 28, 2025.
Garsoore Onyiego ayaa soo saaray amarro ka mamnuucaya hay'adaha dastuuriga ah sida guddiga doorashada ee IEBC, guddiga qaran ee qoondeynta dakhliga ee CRA, iyo Hanti-dhowrka Qaranka inay wax ku qiimeeyaan nataiijadii ka soo baxday tirakoobkii 2019 oo ahayd mid lagu muransanaa marka ay timaado qaabka lagu qaybsanayo kheyraadka.
"Ka hor inta aan la samayn tiro-koob yar oo cusub sida kor ku xusan, guddiga qaran ee qoondeynta dakhliga ee CRA, iyo Hanti-dhowrka Qaranka, IEBC iyo wasaarada maaliyadda waa inay sii wadaan ku dhaqanka natiijooyinka tirakoobka la daabacay 2009 si ay u fuliyaan waajibaadkooda ku saabsan aagagga ama gobollada hoos yimaada," ayuu yiri. Garsooraha.
Kiiska ayaa waxa maxkamad geeyay 25 qof oo ku doodayay in laanta tirakoobyada dalka aysan si wanaagsan u tirinta dadka gobolka islamarkana natiijada so baxday ay khalad tahay.
Sida ku cad nataiijadii la soo saaray ka dib tirakoobkii 2029 kii tirada Soomaalida Kenya ayaa lagu sheegay 2,780,502 oo qof.
Balse tan iyo xilligaasi waxaa arrintan diidanaa oo muran ka keenay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha gobolka waqooyi bari oo sheegay in tirada aad loo yareeyay islamarkana tirada shacabka gobolkaasi ay intaasi ka badan tahay.
Sidee looga falceliyay go'aanka?

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanatarka laga soo doortay ismaamulka Mandera Cali Ibrahim Roba ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in waxyaabaha aan la tixgalin ay ka mid tahay in daka gobolka waqooyi bari ay u badan yihiin reer guuraa.
"Reer guuraga way gurguuraan sidee marka arrintaas loo tixgaliyay si aad u dhahdo waxaan fulinay tirakoob dhameystiran", ayuu yiri Roba.
Qaar ka mid ah shacabka gobolka waqooyi bari ayaa dhankooda soo dhaweeyay go'aanka maxkamadda ee ah in tirakoobka dib loogu celiyo.
Maxamuud Axmed Gobey oo ku sugan Garissa ayaa muujiyay sida u ugu faraxsan yahay go'aanak maxkamadda.
"Arrintaa sax ayaan u arkaa waan ku faraxsanahay in lagu soo celiyo oo waliba dadka wax loo sii sheego oo dadkii oo sii og markaas la tirakoobo sax ah" ayuu yiri Maxamuud
Adan Cabdulahi maclin Maxamuud oo ku sugan Wajeer ayaa dhankiisa BBC u sheegay in haddii tirada dadka gobolka Waqooyi bari ay korodho uu hormar soo kordhayo ayna tallabada maxkamada ku faraxsan yihiin.
Tiro haddii ay korodho hormar ayaa soo kordhaya aduunkan tiro ayaa wax lagu qeybsadaa oo wax lagu bixiyaa mashaariicda dowladda, awood qeybsiga iyo hanti qeysadka" ayuu yiri Mr Adan Cabdulahi .
Ceydaruus Cabdi Xamiid Sheekh ayaa dhankiisa aaminsan in haddii tirakoobka lagu celiyo islamarkana ay tira badan soo baxdo ay ddka gobolka heli karaan kuraas cusub oo baarlamaan iyo xitaa ismaamulo csuub.
"Dhulka Soomaalida iyada ugu badan, haddii uu dhulkii saas u badan yahay tiradana aan badano waxaan aaminsanahay marka la gaaro guddiga doorashada iyo xudduudaha oo deegaan baarlamaanka kuraas lagu dari doono ismaamaul gobleedyada lagu dari doono," ayuu yiri Ceydaruus .












