Muxuu yahay Gantaalka casriga ah ee ay Pakistaan soo bandhigtay ee aadka loo hadal hayo?

Xigashada Sawirka, ISPR
Ka dib soo bandhiggidii dhowaan ee gantaalka cruise-ka ee Fateh III ee militariga Pakistan, waxaa la bilaabay in lala barbardhigo gantaalka BrahMos ee Hindiya.
7-dii May, waaxda warfaafinta ciidamada Pakistan ayaa soo bandhigay sawirka gantaalka cruise-ka ee Fateh-III muuqaal xayeysiin ah oo ku saabsanaa diyaar garowga militariga.
Inkasta oo waaxda warfaafinta ciidamada Pakistan aysan shaacin awoodaha gantaalka Fateh-III, haddana khubarada difaaca waxay aaminsan yihiin inuu yahay gantaal cruise ah oo xawaare sare leh, kana dheereeya saddex ilaa afar jeer xawaaraha codka, kaas oo Pakistan u samaysay si ay ugu guuleysato bartilmaameed weerarr oo sax ah mustaqbalka.
Haddii aad eegto baraha bulshada, falanqeyaal badan ayaa Fateh-III la barbardhigay BrahMos, kaas oo Ciidanka Hindiya ay sheegeen inay u adeegsadeen Pakistan intii lagu jiray "howlgalkii Sindoor".
Waxaan isku daynay inaan ogaanno waxa ay wadaagaan Fateh-III iyo BrahMos, iyo sida loo isticmaalo marka laga eego awoodahooda iyo waxtarkooda.

Xigashada Sawirka, x
Muxuu la' gaar yahay yahay gantaalka Fateh-3?
Bilal Xussin Khan, oo ah aas-aasaha kooxda wararka iyo falanqaynta difaaca ee fadhigeedu yahay Toronto ee Quwa, isla markaana ah cilmi-baare dhinaca difaaca ah, ayaa sheegay in xogta ilaa hadda laga helay Fateh-3 ay muujinayso in militariga Pakistan uu ka shaqaynayo samaysashada gantaal cruise ah oo supersonic ah oo u gaar ah.
Gantaallada taxanaha Fateh waa hub caadi ah oo loo isticmaalo weerarro bartilmaameed sax ah oo masaafo dheer ah, kuwaas oo ay adag tahay in la qabto ama la soo rido sababtoo ah waxay ku socdaan joog hoose.
Fateh-1 wuxuu gaari karaa 140 kiiloomitir, halka Fateh-2 uu gaari karo ilaa 400 kiiloomitir. Bayaan ay militariga Pakistan soo saareen 28-kii April 2026 ayaa lagu sheegay in si guul leh loo tijaabiyay gantaalka Fateh-2 oo gudaha dalka lagu sameeyay.
Bilal Xussain Khan ayaa sharxaya in inkastoo Fateh-4, gaari karo masaafo dhan 750 kiiloomitir, sidoo kale loo tijaabiyay sidii gantaal cruise ah oo dhulka laga gano, haddana Fateh-3 sida muuqata waxaa loo sameeyay inuu noqdo gantaal cruise ah oo supersonic ah.
Wuxuu sheegay in muuqaallada iyo sawirrada ay sii daysay ISPR ay muujinayaan in gantaalka Fateh-3 uu ka dheereeyo xawaaraha codka, taas oo ay sabab u tahay matoor gaar ah oo loo yaqaan "ramjet engine". Sidoo kale sawirku wuxuu tilmaamayaa in naqshaddiisu ay "la mid tahay gantaalka HD-1 ee Shiinuhu sameeyo."

Xigashada Sawirka, Getty Images
HD-1 waa gantaal cruise ah oo supersonic ah, kaas oo markii ugu horreysay ay shirkad Shiinees ah soo saartay sanadkii 2018. Sida ay shirkaddu sheegtay, wuxuu ku socdaa xawaare u dhexeeya 2,716 illaa 4,321 kiiloomitir saacaddii, taas oo dhowr jeer ka dheereysa xawaaraha codka.
Maadaama Pakistan ay inta badan qalabka difaaca ka soo dejisato Shiinaha, Bilal Xussain Khan wuxuu aaminsan yahay inay suurtagal tahay in Pakistan ay heshay rukhsad ay gudaha dalka ugu soo saarto gantaalka HD-1.
Ma la barbar dhigi karaa Brahmos?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bilal Hussain Khan wuxuu intaas ku daray in gantaalka BrahMos ee Hindiya sidoo kale uu isticmaalo matoor "ramjet" ah si uu uga dheereeyo xawaaraha codka, isla markaana uu leeyahay nidaamyo hagid iyo raadin bartilmaameed.
"Sidii BrahMos oo kale, HD-1 waxaa laga gani karaa dhulka iyo hawadaba."
Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in gantaalka BrahMos uu awood u leeyahay inuu gaaro bartilmaameedyo ilaa 290 kiiloomitir isagoo ku socda xawaare supersonic ah inta uu duulayo, taas oo yaraynaysa waqtiga uu soconayo, bartilmaameedka siinaysa waqti aad u yar oo uu isku difaaco, isla markaana weerarkiisa ka dhigaysa mid degdeg ah oo ay adag tahay in nidaam kasta oo difaac gantaal oo dunida ka jira uu joojiyo.
Sida ay sheegtay shirkadda BrahMos Aerospace, gantaalku wuxuu leeyahay awood uu kaga dhuuman karo raadaarka cadowga.
Dhanka kale, inkastoo aan la shaacin masaafada uu gaari karo gantaalka Fateh-3, Bilal Xussain Khan wuxuu qiyaasayaa in haddii loo tixgeliyo nooc "export grade" ah oo ka mid ah gantaalka Shiineeska ah ee HD-1, uu gaari karo ilaa 280 kiiloomitir. Hase yeeshee, maadaama Pakistan ay sidoo kale samaysay gantaallo gaari kara masaafo aad uga dheer, wuxuu rumaysan yahay in la kordhin karo ilaa 400 ama 500 kiiloomitir.
Wuxuu intaas ku daray in marka laga hadlayo tiknoolajiyada hagidda iyo raadinta bartilmaameedka, awoodaha gantaalladan ay la mid noqon karaan kuwa BrahMos, sababtoo ah hubka casriga ah ee Shiinaha ayaa awood badan leh.
Aragtidiisa, maadaama Pakistan aysan lahayn xarumo casri ah oo lagu naqshadeeyo laguna tijaabiyo matoorada "ramjet" iyo "scramjet" ee gantaallada, waxaa aad u suuragal ah in gacan waydiisatoShiinaha.
Wuxuu sheegay in arrintan si weyn looga hadlay sanadkii 2018 markii shirkad Shiinees ah ay Pakistan u bandhigtay HD-1, isla markaana la sheegayay inay jiri karto wareejin tiknoolajiyadeed.
Tilmaam kale, sida uu sheegay, ayaa ah in muuqaalladii dhawaan lashaaciyay ee tijaabada Fateh-3 aan lagu arkin gaadiidkii lagu ganayay gantaalka oo la yaqaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in inkastoo Hindiya ay gudaha dalka ku samaynayso BrahMos, haddana ay suuragal tahay in matoorada "ramjet" wali laga soo dejiyo Ruushka. Halka xaaladda Fateh-3 uu sheegay inay u badan tahay in Pakistan ay matoorada ka keensanayso Shiinaha, isla markaana nidaamka hagidda ay si wadajir ah ula horumarisay Shiinaha.












