Shiinuhu ma soo afjari karaa dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Inkasta oo fursadaha wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay weli yihiin kuwo aan la hubin, haddana Shiinaha ayaa si tartiib tartiib ah u noqonaya dhexdhexaadiye awood leh oo ka shaqeeya si qarsoodi ah, iyadoo Washington iyo Tehran labaduba ay doonayaan dhexdhexaadinta Beijing si loo soo afjaro dagaalka.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ee Beijing 6-dii May, xilli Washington ay soo bandhigtay soo jeedin cusub oo nabadeed, ayaa falanqeeyayaashu u fasireen isku day lagu doonayo in lagu helo taageerada Shiinaha ee wada-hadallada.
Arrinta Iran ayaa la filayaa inay noqoto mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo safarka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Shiinaha iyo kulankiisa Madaxweynaha Xi Jinping 14-ka iyo 15-ka May.
Marka la eego warqadda, Beijing waxay adeegsan kartaa saamaynteeda Iran si ay u fududeyso heshiis dhammaystiran oo waara, sida ay ku sameysay wada-hadalladii Islamabad, iyadoo ku cadaadinaysa Tehran inay aqbasho xabbad-joojin, taasoo inkasta oo aad u jilicsan haddana sii jirta.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha Shiinaha ayaa hoos u dhigay doorka Beijing, iyagoo tilmaamay diidmada labada dhinac ee inay tanaasul sameeyaan iyo sidoo kale kala duwanaanshaha ka dhex jira hoggaanka Iran.
Muxuu yahay mowqifka Shiinaha ee barnaamijka nukliyeerka Iran iyo Marinka Hormuz?
Isla waqtiga kulanka dhex maray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Iran iyo Shiinaha, Abbas Araqchi iyo Wang Yi, ee dhacay 6-da May, Mareykanka ayaa soo jeediyay qoraal ka kooban hal 14 qodob, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka loona dhiso qaab-dhismeed wada-xaajood mustaqbalka fog ah.
Inkastoo Donald Trump uu sheegay in heshiis lagu dhow yahay , warbaahinta Shiinaha ayaa soo xigatay ilo Iiraaniyiin ah oo sheegaya in Tehran aysan weli ka jawaabin soo jeedinta cusub ee Mareykanka, maadaama ay u aragto in qaar ka mid ah qodobbadiisa ay yihiin "kuwa aan la aqbali karin."
Barnaamijka nukliyeerka Iran ayaa weli ah mid ka mid ah khilaafaadka ugu waaweyn ee u dhexeeya labada dhinac, iyadoo mid walba uu soo jeedinayo waqtiyo kala duwan oo lagu hakiyo kobcinta uranium-ka Iran, iyo sidoo kale in dibadda loo raro kaydka uranium-ka aadka loo hodmiyay taas oo Tehran ay horay u diidday.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Beijing waxay sii joogteysay mowqif xasilloon oo ku aaddan arrinta nukliyeerka. Wang Yi ayaa kulan uu la qaatay Abbas Araqchi ka sheegay in Shiinuhu uu dhowrayo ballanqaadka Iiraan ee ah inaysan horumarin doonin hubka nukliyeerka, balse isla markaana uu aaminsan yahay inay Iiraan xaq sharci ah u leedahay adeegsiga tamarta nukliyeerka ee ujeeddooyinka nabadda ah.
Marka la eego dib-u-furista Marinka Hormuz, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ay khuseyso inay "si degdeg ah uga jawaabaan dalabaadka culus ee beesha caalamka" ayna dib u soo celiyaan "marinka iyo socdaalka caadiga ah ee badbaadada leh" ee marin-biyoodkan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sidoo kale sheegay in arrinta Marinka Hormuz 'si degdeg ah loo xallin karo,' hadallo loo arkay calaamad muujinaysa in Tehran ay diyaar u tahay in mar kale la furo marinka.
Waxay u muuqataa in Mareykanku sidoo kale xoogaa u jilciyay mowqifkiisa, isla markaana uu soo jeediyay in memorandum-ka is-afgaradka lagu daro in xannibaadda badda (naval blockade) la qaado isla marka Iran dib u furto Marinka Hormuz.
Intee in le'eg ayuu Shiinuhu saamayn ku leeyahay Iran?

Xigashada Sawirka, IRANIAN FOREIGN MINISTRY OFFICE HANDOUT/EPA/Shutterstock
Safarrada Abbas Araqchi iyo Donald Trump ee Shiinaha waxay muujinayaan in waddankan uu noqonayo dhexdhexaadiye muhiim ah oo leh mowqif ka duwan, sababtoo ah saamayntiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Tehran.
Sida lagu qiyaasay, dagaalka ka hor, Shiinuhu wuxuu si aan rasmi ahayn u soo dhoofsan jiray boqolkiiba 80 ilaa 90 ee wadarta dhoofinta saliidda Iiraan, isagoo u marin jiray "gaadiidka qarsoodiga ah" iyo sifaynta madax-bannaan ee loo yaqaan "teapots," wuxuuna sii waday inuu taageero dhaqaale siiyo Iiraan. Washington ayaa dhowaan cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogtay shirkadaha Shiinaha si ay u carqaladeeyaan dakhliga saliidda ee Iiraan, balse Beijing ayaa si kulul uga jawaabtay, iyadoo markii ugu horreysay soo saartay amar mamnuucaya in hay'adaha Shiinaha ay aqoonsadaan ama fuliyaan "cunaqabataynta hal dhinac ah" ee Mareykanka.
Warbaahinta Reer Galbeedka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Shiinaha inay Iiraan siiyeen gantaallada garbaha laga rido, kiimiko taas oo loo isticmaali karo soo saarista shidaalka gantaallada ee adag iyo agabyo kale iyo teknoolajiyad loo adeegsan karo labada ujeeddo rayid iyo milatari.
Shiinu ma dhexdhexaadin karaa heshiis nabadeed oo waara?
Shiinuhu waxa uu door ka ciyaari karaa fududaynta waddada loo maro heshiis dhammaystiran oo waara. Iyadoo Beijing ay sii waddo dadaalladeeda ay Iran iyo dalalka Khaliijka ugu keento miiska wada-xaajoodka, waxay sidoo kale isku dayday inay ka faa'iidaysato saamaynta dhinacyo saddexaad sida Sucuudiga.
Intii uu booqashada ku joogay Beijing, Abbas Araqchi waxa uu sidoo kale telefoon kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga Faisal bin Farhan. Labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay sii socoshada diblomaasiyadda iyo iskaashi dhow oo ka dhexeeya dalalka Galbeedka Aasiya si loo yareeyo xiisadaha loogana hortago sii hurinta khilaafaadka.
Wicitaankan ayaa yimid wax yar ka dib kulan dhex maray wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Shiinaha, halkaas oo Wang Yi uu ugu baaqay dalalka Bariga Dhexe inay "gacantooda ku qaataan aayahooda" isla markaana uu dhiirrigeliyay Iran iyo dalalka kale ee Khaliijka inay wadahadal galaan. Waxa kale oo uu taageeray in la sameeyo "qaab-dhismeed goboleed oo nabad iyo amni ah."
Shiinuhu waxa uu sanadihii u dambeeyay si xooggan u taageerayay dib-u-heshiisiinta u dhexeysa Iran iyo dalalka Carabta. Sannadkii 2023, Beijing waxay dhexdhexaadisay heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Tehran iyo Riyadh, inkastoo geeddi-socodka dib-u-heshiisiintaas uu markii dambe carqaladeeyay xiisado gobolka ka dhashay dagaalka Israel iyo Xamaas.












