Wasiirradii Trump la saarnaa Air Force 1 ma ogaayeen in madaxweynaha uu dayaarad kale raacay markii ay ka duulayeen Ankara?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay warbixin ay qortay CBS News, oo ah bahwadaagta Maraykanka kala hawlgasha BBC, laba xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada ee Trump ayaa saarnaa diyaaradda iyadoo calaamadda dayaaraddu tahay 'Air Force One', inkastoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si qarsoodi ah u beddelay diyaaraddiisa markii uu ka soo laabanayey shirkii NATO ee Turkiga.
Waxaa xusid mudan in Trump uu beddelay diyaaraddiisa markii uu ka dhoofayey shirka NATO sababo la xiriira hanjabaad loo qaateen ah oo Iiraan ka timid. Isagoo taas xaqiijinaya, Trump ayaa u sheegay wariyeyaasha Talaadadii, "Waxaan raacayaa tilmaamaha ciidanka amniga iyo militariga. Waxay rabeen inaan ku safro duulimaad kale iyo diyaarad kale".
Sida laga soo xigtay wararka warbaahinta Mareykanka, madaxweynuhu wuxuu markii ugu horreysay fuulay dayaaradda Air Force One kamaradaha hortooda, laakiin markii dambe si aamusnaan ah ayaa loogu qaaday diyaarad militari asagoo ku dhex dhuuntay gaari cuntada loogu geeyo dayaaradaha intii aysan dayaaraddu duulin.
Suxufiyiinta Air Force One iyo xitaa qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad ma aysan ka warqabin wareejinta qarsoodiga ah ee Trump lagu wareejiyay diyaarad kale.
Laakiin muddadaas, laba xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada, kuwaasoo kala ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha Maaliyadda Scott Besant, looma wareejin diyaaradda la saaray Trump sababo la xiriira walaac amni. Sidaa darteed, labadan xubnood ee golaha wasiirada ayaa dib ugu safray 'Air Force One'.
Magaca 'Air Force One' waxaa loo adeegsadaa diyaaradda sidda Madaxweynaha Mareykanka. Hase yeeshee, markan, inkastoo uusan saarnayn Trump, diyaaradda waxaa weli loogu yeerayay 'Air Force One'. Taasina waxay qayb ka ahayd hawlgalkan qarsoodiga ah.
Markii uu weriye wax ka weydiiyay Madaxweyne Trump khatarta suurtagalka ah ee la xiriirta arrintan maalintii Talaadada, wuxuu yiri: "Waxaan filayaa inay jirtay nooc ka mid ah khatar. Su'aalo badan kama aanan weydiin arrintaas (Hay'adda Ilaalada Madaxweynaha ee Secret Service-ka). Marar badan ayaa la ii hanjabaa".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa istaraatijiyadan loo qaatay?
Muqaallo la baahiyay 8-kii Luulyo ayaa muujinayay Donald Trump oo ka raacaya diyaaradda madaxweynaha garoonka diyaaradaha Ankara. Hase yeeshee, sida uu sheegay wargeyska Washington Post, waxaa markii dambe si qarsoodi ah loogu wareejiyay diyaarad milateri oo yar, taas oo ah nooca C-32A. Tani waa nooc wax laga beddelay oo ah diyaaradda Boeing 757, taas oo badanaa ay isticmaalaan madaxweyne-ku-xigeennada Mareykanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay sheegtay CBS News, oo ah hay'ad ay wada-shaqeeyaan BBC-da ee Mareykanka, Rubio iyo Besant ayaa saarnaa diyaaraddii ugu horreysay si loo ilaaliyo kala-dambeynta nidaamka xil haynta haddii wax ku dhacaan Trump.
Haddii Madaxweynaha Mareykanka uu dhinto ama uu awoodi waayo inuu guto waajibaadkiisa, waxaa xilka la wareegaya Madaxweyne-ku-xigeenka (J.D. Vance). Haddii isaguna uu awoodi waayo, waxaa xilka kala wareegaya Afhayeenka Aqalka Wakiillada, kadibna waxaa ku xiga Madaxweynaha Kumeel-gaarka ah ee Senate-ka (President Pro Tempore).
Ka dibna waxaa kala-dambeynta xigaya Xoghayaha Arrimaha Dibadda (Marco Rubio), kadibna waxaa ku xiga xoghayaha lacagta.
Sidoo kale diyaaradii ugu horeysay oo lagu magacaabo Air Force One ayaa waxaa saarnaa ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Stephen Miller iyo agaasimaha isgaarsiinta ee Aqalka Cad Steven Cheung.
Sida ay ku warramayso warbaahinta Maraykanka, diyaaradii labaad ee uu madaxweyne Trump ka soo qaaday magaalada Ankara ayaa sidoo kale qaaday xoghayaha gaashaandhigga Pete Hegseth. Intaa waxaa dheer, kaaliyaha fulinta Trump Natalie Harp, kuxigeenka madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Dan Scavino, iyo agaasimaha hawlgallada Xafiiska Oval Walt Nauta ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, khatarta ayaa la xiriirta gantaalka garabka laga rido. Waxaa sidoo kale jiray walaac laga qabo in Iiraaniyiintu ay wax ka ogaayeen halka uu Trump ku sugan yahay, oo ay ku jirto dabaqa hoteelka uu deggan yahay.
Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in la arkayay nin sitay gantaal dhulka laga tuuro ee hawada wax ka dila meel u dhow shirka NATO ee caasimadda Turkiga.
Ma cadda waxa ay wasiirada iyo saraakiisha kale, iyo sidoo kale shaqaalaha ciidamada cirka ee ka shaqeeya diyaaradda, ka ogaayeen hawlgalka. Xubnaha saxaafadda ayaa sheegay inaysan ka warqabin in Trump loo wareejiyay diyaarad kale.
Askarta ilaalada madaxweynaha ah ayaa badanaa adeegsada habab loo yaqaan 'ciyaaraha qolofka' (shell games).
Tusaale ahaan, limousines-ka gaashaaman ee isku midka ah ee madaxweynayaasha Mareykanka ayaa badanaa beddela boosaskooda marka ay ku socdaan kolonyo. Helikobtarrada qaada madaxweynaha hawada ayaa sidoo kale sameeya tan.
Hawlgallo aad u adag ayaa badanaa la sameeyaa inta lagu jiro safarrada khatarta ah ee dibadda, waqtiyada noocaas ahna, saxafiyiinta saaran Air Force One waxaa badanaa la ogeysiiyaa kahor waxaana laga codsadaa inaysan ka warbixin dhaqdhaqaaqyada waqtiga dhabta ah.
Tusaale ahaan, bishii Maarso 2000, madaxweynihii xilligaas Bill Clinton wuxuu gaaray Islamabad, caasimadda Pakistan, isagoo wata diyaarad aan calaamad lahayn oo ku degtay gadaasha diyaarad weyn oo u eg Air Force One.
Kahor safarka, Aqalka Cad ayaa warbixin ka siiyay weriyaha USA Today Susan Page, oo markaas ahayd madaxa Ururka Wariyeyaasha Aqalka Cad, arrimaha amniga.
Page ayaa markii ugu horreysay toddobaadkan shaaca ka qaadday in "ay ii sheegeen tallaabooyinka amniga ee aan caadiga ahayn ee la qaadayay sababo la xiriira khataraha ka dhalan kara duullimaadyadaas, oo ay ku jiraan beddelka diyaaradda".
"Dabcan, kuwani waxay ahaayeen khataro soo food saaray Madaxweyne Clinton iyo sidoo kale saxafiyiinta ka warramaya booqashada" ayey ku tiri wareysi ay siisay Washington Post.
Sidoo kale ma cadda in rakaabkii saarnaa diyaaradda ay la socdeen Rubio, Besant, shaqaale kale, iyo kooxda saxafiyiinta ee Aqalka Cad ay wax khatar ah kala kulmeen safarkii ay ku tagayeen Ankara.
Ururka Saxafiyiinta Aqalka Cad (White House Correspondents' Association) ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan. Hase yeeshee, guddoomiyaha ururka, Jackie Heinrich, ayaa farriin ay u dirtay kooxda saxafiyiinta ku sheegtay inay arrintan kala hadashay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Trump.
Waxay sheegtay inay qaadatay "mawqif adag oo lagu taageerayo xorriyadda saxaafadda ee ku aaddan tebinta wararka madaxweynaha iyo muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo diiwaan taariikhi ah oo sax ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqiisa."
Heinrich ayaa ka codsatay Aqalka Cad inay ururka kala shaqeeyaan qaabka loo wajahayo xaaladaha amniga ee aan caadiga ahayn mustaqbalka.
Dayaaradaha Trump iyo khatarta ku hareereysan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay warbixinnadii hore ee CBS News, hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey uga digay khatar gaar ah oo ah in Donald Trump ama diyaaradda uu isticmaalayo la bartilmaameedsan karo.
Wargeyska New York Times ayaa horey uga warbixiyay walaacyada amniga ee ku saabsan diyaaradda madaxweynaha ee ay siisay Qatar, isagoo sheegay in ilaalada madaxweynaha ay kula taliyeen Trump inuu beddelo diyaaradaha marka uu ka soo laabto shir madaxeedka NATO.
Dhowr weriye oo ka tirsan wargeyska ayaa loo yeeray si ay u marag furaan ka dib warbixinta. Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa markii dambe u sheegtay BBC inay baarayso dusinta sharci darrada ah ee macluumaadka qarsoon.
Mareykanka ayey bilo ku qaadatay sameynta wax ka beddel iyo casriyeyn badbaado oo lagu sameeyay diyaaradda Boeing 747-8 oo qiimaheedu yahay $400 milyan si ay ugu habboonaato madaxweynaha.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay CBS News in Diyaaradaha madaxweynaha ee duqowday ay ku qalabaysan tahay tiknoolajiyad laysar ah oo marin habaabin karta gantaalada soo socda. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in diyaaradda cusub ee ay bixisay Qatar ay leedahay nidaamyo ilaalin oo kuwaas la mid ah.
War qoraal ah oo ay siisay CBS News ayaa Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad Caroline Levitt waxay ku tiri, "Dayaaradda cusub ee Air Force One si buuxda ayuu ugu diyaarsan yahay safarka madaxweynaha, laakiin casriyeyn dheeraad ah ayaa lagu sameyn doonaa dayrta, taasoo qaadan doonta ilaa bil in la dhammaystiro".














