Maxaad kala socotaa dayaaradda casriga ah ee madaxweyne Trump iyo awoodda ay leedahay

Xigashada Sawirka, THE WHITE HOUSE
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqday diyaaradda cusub ee madaxweynaha oo Qatar ay sanad ka hor siisay, isagoo ku tilmaamay diyaaradan midda ugu qaalisan caalamka. Diyaaradan ayaa bedeli doonta labada diyaaradood ee Air Force One ee sida rasmiga ah shaqada looga fariisiyay.
Air Force One had iyo jeer waxay calaamad caan ah u ahayd awoodda Maraykanka iyo sarrayntooda, mana aha kaliya habka gaadiidka ee madaxweynaha. Diyaaradda ayaa sidoo kale heshay meel ka mid ah dhaqanka caanka ah ee Mareykanka, iyadoo filimka "Air Force One" ee ku saabsan afduubka diyaaradda uu la socday madaxweynaha Mareykanka.
Diyaaradan ayaa mar walba sidata calaamadaha awooda Maraykanka iyo hanka qaranka, waxaana kamid ah ereyada "United States of America", calanka Maraykanka, iyo astaanta Madaxweynaha Maraykanka.
Waxa intaa dheer in dad badan oo ciidan, siyaasiyiin iyo suxufiyiin isugu jira ay madaxweynaha ku weheliyaan duulimaadyadiisa.
Donald Trump ayaa soo kormeeray diyaarad nooceedu yahay Boeing 747 jet oo la casriyeeyay oo ay Qatar ugu deeqday isaga oo jooga Joint Base Georgetown ee gobolka Maryland. Diyaaradda ayaa lagu wadaa in la geeyo oo ay ku biirto kolonyada madaxweynaha Mareykanka.
Laba diyaaradood oo kale, oo hadda la dhisayo, ayaa lagu wadaa inay ku biiraan kooxdan laba sano gudahood.
"Tani waa diyaaradda ugu raaxada badan caalamka, waxaa loo naqshadeeyay heer aynaan dib dambe u arkin," Donald Trump ayaa u sheegay dadweynihii isugu soo baxay intii lagu guda jiray bandhigga diyaarad cusub oo lagu sameeyay xarunta.
"Wax walba si wanaagsan ayaa loo naqshadeeyey," ayuu raaciyay ka dib markii uu fuulay diyaaradda. "Taasi waa waxa aan ula jeedo. Waxaan jeclahay midabada calanka Mareykanka, ka waran adiga? Waxay sameyneysaa macno qumman".
Diyaaraddan weyn ayaa lagu sameeyay barnaamij dib u soo celin dhameystiran. L3 Harris, oo ah shirkad ay qandaraas ku siisay Wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa mas'uul ka ahayd soo celinta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Imaatinka diyaaradda ayaa ka dhigan bog cusub oo ku saabsan safarka hawada ee madaxweynaha. Donald Trump ayaa rajeynaya inuu diyaarada u duuliyo Mount Rushmore ka hor afarta Luulyo, oo ah sannad-guuradii 250-aad ee aasaaska Mareykanka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu jeclaan lahaa in uu arko diyaaradda oo dul haadeysa Capitol maalinta xorriyadda.
Madaxweynaha Maraykanku waa inuu diyaar u yahay inuu u safro meel kasta oo adduunka ka mid ah wakhti kasta iyo xaalad degdeg ah ama dagaal, isagoo awood u leh inuu maareeyo arrimaha siyaasadda, amniga, iyo militariga ee dalka meel kasta oo uu ka yimaado, xitaa hawada sare.
Meeshan waa in ay ahaataa mid sugan, oo qalabaysan si ay u bixiso awoodda koontaroolka wax kasta, oo ay ku jiraan hubka nukliyeerka ee Maraykanka. Tani waa shaqada ay masuulka ka tahay dayaaradda Air Force One.
Sida laga soo xigtay website-ka rasmiga ah ee Aqalka Cad, qaybta Hawlgalka Gaadiidka Madaxweynaha iyo Awoodaha, ereyga "Air Force One" ma tixraacayo diyaarad gaar ah. Farsamo ahaan, magaca waxa loola jeedaa diyaarad kasta oo Ciidanka Cirka Maraykanku leeyahay oo qaadda Madaxweynaha Maraykanka, ahna taliyaha Guud.
Sida laga soo xigtay mareegaha, diyaaraddu waxay isku daraysaa awoodo gaar ah iyo raaxo. Awoodahaas waxaa ka mid ah in ay shidaal ku qaadan karto ayadoo hawada ku jirta, taas oo siinaysa suurtogalnimo aan xad lahayn, ayna u qaado madaxweynaha meel kasta oo adduunka ah oo xitaa ay ka ilaaliso qarax nukliyeer ah.

Xigashada Sawirka, DPA
Farsamo ahaan, diyaaradan waxa ay ku qalabaysan tahay qalabka iyo hababka ugu casrisan ee Elektarooniga ah, waxayna u adkeysan kartaa garaaca electromagnetic ee ka dhasha weerarada gantaalada iyo qaraxyada Nukliyeerka ah.
Inkasta oo inta badan nidaamyada difaaca la kala saaro, diyaaraddu waxay leedahay habab difaac oo is-difaac ah oo isdaba-joog ah si ay u leexiyaan gantaalaha hawada ka faltama.
Waxa kale oo ay adeegsadaan nooc ka mid ah qalabka jammer-ka oo soo dira falaaro la beddelay si ay u carqaladeeyaan dareemayaasha gantaalka, iyaga oo meesha ka saaraya awooddooda ay ku ogaan karaan kulaylka matoorka diyaaradda.
Intaa waxaa dheer, diyaaraddu waxay leedahay qaybo bir ah iyo iftiin kulul oo xaraaradiisu tahay heerkul aad u sarreeya marka la rido, kaasoo leexiya gantaalaha.
Diyaaradan ayaa sidoo kale waxaa lagu rakibay qalab isgaarsiineed oo horumarsan, oo ay ku jiraan nidaamyada raadiyaha ee loogu talagalay isgaarsiinta hawada ilaa hawada, isgaarsiinta hawada ilaa dhulka, iyo isgaarsiinta satellite-ka.
Intaa waxaa dheer, waxay leedahay 87 khad taleefan oo ku yaal saddex shabakadood oo kala duwan oo qarsoodi ah.
Sababtaas awgeed, diyaaradda ayaa loo rogi karaa xarun talefan oo laga maamulo marka ay dagaalladu socdaan ama weerarrada Nukliyeerka, madaxweynuhuna wuxuu dadka kula hadli karaa diyaaradda waqti kasta.
Xagga gudaha dayaaradda, madaxweynaha iyo kaaliyayaashiisu waxay heli karaan 4,000 cagood oo laba jibbaaran (372 mitir oo laba jibbaaran) oo bannaan oo ka kooban saddex dabaq. Tan waxa ku jira qol weyn oo madaxtooyada ah oo leh xafiis, musqul, iyo qolka shirarka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Diyaaradda ayaa sidoo kale leh qayb caafimaad oo loo beddeli karo qolka qalliinka, iyadoo dhakhtar si joogto ah u joogo.
Air Force One waxa ay leedahay laba madbakh oo qalabaysan oo awood u leh in ay markiiba diyaariyaan cuntooyin ay cunaan in ka badan 100 qof, waxa kale oo ay quudin kartaa kaaliyeyaasha madaxweynaha oo ay ku jiraan la-taliyayaal sare, jeneraalo, ilaalada madaxweynaha, suxufiyiin iyo marti kale.
Diyaaraddu kaligeed ma duuleyso. Sida caadiga ah waxa ka horreeya dhawr diyaaradood oo xamuul ah si ay u daabulaan baabuurta iyo qalabka madaxweynaha. Dhinaca dhulka waxa si weyn u ilaalinaya ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo kuwa sirta ah, waxaana hawada ku jira diyaarado dagaal.
Mas'uuliyadda dayactirka, iyo haynta diyaaradda waxay saaran tahay Kooxda Gaadiidka Cirka ee Madaxweynaha, oo ka hoos shaqeeya kormeerka Xafiiska Militariga ee Aqalka Cad. Kooxda waxaa la aas aasay 1944-kii iyadoo uu amar ku bixiyay Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Franklin Roosevelt, ayagoo loo magacaabay Xafiiska Duuliyeyaasha Madaxtooyada.
Sanadkii la soo dhaafay waxaa si weyn isha loogu hayay qaabka loo diyaarinayo diyaaradaasi cusub ee Madaxweynaha, waxaana shaki ka qabay Xildhibaanada labada dhinac iyo sidoo kale qaar ka mid ah Saraakiisha laamaha ammaanka.
Dadka dhaliila ayaa su'aal ka keenay go'aanka Donald Trump uu ku aqbalay hadiyadda qaaliga ah ee Qatar, waxayna walaac ka muujiyeen saameynta amni ee ka dhalan karta.
Diyaaradda ayaa u baahatay wax ka bedel ballaaran oo lagu bedelay diyaaradii madaxtooyada. Ciidanka Cirka ayaa sheegay in qarashka ku baxaya wax ka bedelka uu noqon doono wax ka yar $400 milyan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa jira walaac ay qabaan khubarada qaarkood oo laga yaabo in aanay ammaan u ahayn sida diyaaradaha madaxtooyada ee hadda jira.
Hawlgab
Diyaaradii labaad ee Boeing ah ee wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa si rasmi ah shaqada uga fariisatay Khamiistii, June 19, ka dib markii Donald Trump uu ka soo laabtay shirkii G7 ee Faransiiska.
Diyaaradan oo tan iyo 1990-kii u shaqaynaysay sidii Air Force One, ayaa hadda shaqada ka fadhiisatay iyada oo noqonaysa tii ugu horreysay ee saddex diyaaradood oo cusub oo ah kuwa madaxweynaha qaada.
Maraykanku waxa uu lahaa laba diyaaradood oo khaas ah oo madaxtooyo ah kuwaas oo si gaar ah loogu habeeyey hawshan, dabadana waxaa uga qoran tirooyinka 28000 iyo 29000. Labadan diyaaradood waxaa ciidamada cirka ee Maraykanka looga yaqaan VC-25A.
Labadan diyaaradood ayey hadda da'doodu kor u dhaaftay 35 sano.













