Sidee buu ahaa Qorrax-madoobaadkii malaayiin qof ku farxeen UK iyo Yurub?

Xigashada Sawirka, Reuters
Qeybo kamid ah UK iyo Yurub waxaa ka dhacay qorrax-madoobaadkii ugu xiisaha badnaa ku dhowaad 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo dhowrkii jiilba mar la arko.
Dadka degan UK ee daawanayay dhacdadan cilmiga xiddigiska waxay arkeen qorrax-madoobaad, kaas oo heerkiisii ugu sarreeyay gaaray, madaama uu ahaa xili fiid ah waxaa inta badan dadka daawanayay ay arkeen in in ka badan 90% qorraxda uu Dayaxu daboolay.
Laakiin qaybo ka mid ah Greenland, Iceland iyo Spain ayaa la kulmay mugdi buuxa iyo muuqaalka cajiibka ah taas oo ahayd in dayaxa uu gabi ahaanba daboolay qoraxda.
Dadweyne aad u tiro badan oo isugu soo baxay goobihii laga daawanayay ee UK iyo Yurub ayaa muujiyay yaab iyo farxad, iyadoo dadka xiiseeya cilmiga xiddigisku ay sheegeen in dhacdadani ay xusuusin u ahayd sida uu koonku u yahay mid "cajiib ah."
Bilowgii si weyn looma dareemin, laakiin dadka nasiibka u yeeshay in ay joogaan meelo banaan ah iyo cirka oo aan daruuro lahayn waxay si tar-tartiib ah u arkayeen Dayaxa oo qayb qayb u daboolaya qorraxda.

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Tusaale ahaan, Inta badan bartamaha iyo koonfurta England iyo Wales cirka waxa uu ahaa mid aad u cad oo aan lahayn daruur daboosha, taas oo siisay fursad wanaagsan oo ay ku daawadaan Dayaxa oo muddo saacad ku dhow si tartiib ah uga gudbaya qorraxda.
Waqooyiga England, Scotland iyo Northern Ireland waxaa jiray daruuro badan, balse taasi kama aysan hor istaagin dadweynaha inay isugu soo baxaan goobaha caanka ah ee dalka.
Waxaa jiray dad ay u suuro gashay in ay xirtaan muraayadaha gaarka ah ee qorrax-madoobaadka lagu daawado, laakiin qalabkan muhiimka u ah ilaalinta indhaha ayaa yaraaday ka hor inta uusan bilaaban qorax madoobaadka, iyadoo dukaamada muraayadaha, qalabka iyo xitaa rootidu ay dhammaantood ka dhammaadeen.

Xigashada Sawirka, PA Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qorrax-madoobaadku wuxuu dhacaa marka Dayaxu u dhexeeyo Qorraxda iyo Dhulka, isagoo kala dhex galaya, iskuna beegaya qayb ama dhammaan iftiinka qorraxda, isla markaana hooskiisa ayaa qarin doona Dhulka.
Markii waqtigu sii socday, Dayaxu si tartiib ah laakiin joogto ah ayuu u sii daboolayay qorraxda, isagoo u dhaqmayay sidii furaha iftiinka ee hoos loo dhigayo.
Marka laga eego UK, natiijadu waxay noqotay qorrax-madoobaad qayb ah, iyadoo Dayaxu daboolay qiyaastii 90% qorraxda inta badan UK. Tani waxay ahayd qorrax-madoobaadkii ugu yaabka badnaa ee dalka laga arko tan iyo 1999. Cornwall, daboolka qorraxdu wuxuu gaaray ilaa 95%.
Qaybo ka mid ah Spain ayaa la kulmay dhacdo ka sii yaab badan.
Saynisyahanka reer Chile ee Yasmin Catricheo ayaa kumannaan mayl u safartay A Coruña oo ku taalla waqooyi-galbeed Spain si ay u daawato dhacdada.
"Markii qorraxdu si buuxda u madoobaatay, qof walba wuu sacbinayay, waxaana wadaagnay farxadda iyo xiisaha waxa aan aragnay, erayo lagu qeexo dareenkaas ma jiraan," ayay tiri.
Qorrax-madoobaad buuxa ayaa meel ka mid ah Dhulka ka dhaca qiyaastii 18-kii biloodba mar.
Laakiin meel gaar ah in laga arko waa arrin aad uga naadir badan, waxaana celcelis ahaan halkaas ka dhaca qorrax-madoobaad buuxa qiyaastii 400-kii sano mar.
Dadkii ku sugnaa waddada uu qorrax-madoobaadka buuxa marayay ee Spain ayaa fursad u helay inay arkaan dhacdadan naadirka ah, iyadoo iftiin cas uu qorraxda kaga muuqday gadaasha Dayaxa.
Iftiinka ka soo baxay mugdiga wuxuu ahaa taajka qorraxda oo ah gaas aad u kulul oo xawaare sare ugu firdha meel kumannaan mayl u jirta hawada sare.
Dadka si dhow u eegayay waxay sidoo kale arki kareen wareegyo yaryar oo gaas casaan ah oo loo yaqaan prominences, kuwaas oo raacaya dhaqdhaqaaqa xooggan ee goobta qorraxda kasoo jiidaneysa.
Dadka cilmiga xidigiska waxa ay sheegayaan in loo sii dhawaanayo hadda waqtiga loo yaqaano "xilli dahabi ah" oo ay dhici doonaan tirooyin qorax-madoobaad buuxa ah, kaas oo soconaya inta u dhaxaysa 2026 iyo 2028.

Xigashada Sawirka, Ina Fassbender/AFP/Getty Images
Dadka si gaar ah u daba socda qorrax-madoobaadyada waxay adduunka u kala safri karaan si ay goob joog u ahaadaan saddex qorrax-madoobaad oo buuxa oo dhici doona labada sano ee soo socda. Balse midkoodna UK lagama arki doono. Waxa ugu wanaagsan ee UK ay arki doonto waa qorrax-madoobaad qayb ah sannadka 2027, markaas oo gobollada qaar qorraxdu daboolmi doonto qiyaastii 45%.
Waxay qaadan doontaa tobannaan sano kadib in UK ay aragto qorrax-madoobaad ka buuxa kan maanta.
Tan dhacday sanadkaan oo kale waxay dhici doontaa sannadka 2081, markaas oo ilaa 99% qorraxda la dabooli doono. Qorrax-madoobaadka buuxa ee xiga ee UK laga arki doono wuxuu dhici doonaa 2090.















