Kumuu ahaa Lindsey Graham, saaxiibkii u dhawaa Trump ee geeridiisa la shaaciyay?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Xafiiska Senator-ka sare ee Jamhuuriga Mareykanka Lindsey Graham ayaa ku dhawaaqay inuu geeriyooday fiidnimadii Sabtida ka dib xanuun degdeg ah oo gaaban.
Agaasimaha isgaarsiinta xafiiskiisa ayaa warkan ku shaaciyay farriin uu ku baahiyay shabakadda bulshada ee X subaxnimadii Axadda.
Mr. Graham, oo 71 jir ah, wuxuu ahaa Senator caan ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, wuxuuna ka soo jeeday South Carolina. Wuxuu ahaa mucaarad aad u daran ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sannadihii ugu horreeyay ee uu siyaasadda ku jiray laakiin markii dambe wuxuu noqday mid ka mid ah xulafadiisa adag ee Kongareeska.
Graham markii hore waa ka soo horjeeday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Wuxuu CNN u sheegay sanadkii 2015 in Trump uu ahaa "nin neceb isirka dadka, neceb ajaanibta, iyo diinta", intii lagu jiray ololihii 2016 wuxuu baraha bulshada ku soo qoray: "Haddii aan magacowno Trump, waan burburi doonnaa... waanan u qalmi doonnaa inaan burburno."
Ka dib rabshadihii ka dhacay Aqalka Sare ee Mareykanka sanadkii 2021, Graham wuxuu khudbad ka jeediyay aqalka Senate-ka isagoo yiri: "Aniga iyo Trump, safar aad u adag ayaan wada galnay. Waan necbahay in sidan uu ay sidaan ku dhamaato.

Xigashada Sawirka, Reuters
"Waxa kaliya ee aan dhihi karo waa in la ogaado inaan banaanka ka ahay. Intaan ka bdan lama dulqaadan karo."
Laakiin wuxuu markii dambe noqday mid ka mid ah taageerayaashiisa ugu xooggan. Wuxuu ka soo horjeestay in Trump lagu xukumo dacwadda xil ka qaadista sanadkii 2021, wuxuuna taageeray Trump doorashadii 2024.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay oo ku saabsan geerida senatarka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Graham uu ahaa "waddani Mareykan ah oo dhab ah".
Wuxuu ka soo laabtay Kiev, caasimadda Ukraine, Jimcihii, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Volodymyr Zelensky.
Lindsey Graham wuxuu ahaa taageere xooggan oo u dooda taageerada Mareykanka ee Ukraine. "Putin kuma joogsan doono Ukraine," ayuu u sheegay BBC sannadkii 2023.
"Inaad ku daciifto Ukraine waxay la macno tahay inaad ku guuldarreysato Taiwan," ayuu yiri senetarka Jamhuuriga.
Mudane Graham waxaa loo doortay Aqalka Senate-ka Mareykanka sannadkii 2002. Ka hor Aqalka Senate-ka, waxaa loo doortay Aqalka Wakiilada Mareykanka sannadkii 1994 isagoo ahaa wakiil ka socda South Carolina.
Mareegta rasmiga ah ee Lindsey Graham ayaa ku tilmaantay inuu yahay taageere aad u daacad ah oo ka tirsan arrimaha difaaca, wuxuuna qoray inuu ka shaqeeyay "ilaalinta danaha amniga qaranka ee muddada dheer ee Mareykanka" ee "dagaalka ka dhanka ah argagixisada."
Dhawaan wuxuu guddoomiyay Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Senate-ka. Mudane Graham wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Guddiga Qoondada Aqalka Senate-ka, Guddiga Garsoorka ee Aqalka Senate-ka, iyo Guddiga Deegaanka iyo Arrimaha Dadweynaha ee Aqalka Senate-ka.
Ma uusan guursanin wuxuuna ku noolaa Seneca, South Carolina.
Wuxuu ahaa shakhsi caan ku ah dhaqdhaqaaqa muxaafidka ah iyo mucaarad adag oo ka soo horjeeda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Mr. Graham wuxuu si isdaba joog ah u taageeray siyaasadda cadaadiska ugu badan ee lagu hayo Iiraan sannadihii ugu dambeeyay wuxuuna ku baaqay in la saaro cunaqabatayn adag. Waxa kale oo uu soo hadal qaaday barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, hawlaha gobolka, iyo doorka wakiillada Bariga Dhexe inay yihiin walaacyada ugu waaweyn ee Washington.
Graham "si joogto ah ayuu ugu ololeeyay natiijooyin ka guusha ah ee ka soo baxa Dagaalka Argagixisada ee ilaalinaya danaha amniga qaranka ee muddada dheer," ayuu lagu yiri boggiisa internetka.
Wuxuu ka soo horjeeday in ciidamada Mareykanka laga saaro Afgaanistaan sanadkii 2021, isagoo ku tilmaamay "dhacdo murugo leh oo khatar ah oo ku wajahan amniga qaranka Mareykanka".
"Jihaadiyiinta adduunka oo dhan ayaa dabaaldegaya," ayuu raaciyay. "Ameerika waxaa loo arki doonaa mid daciif ah."
Graham sidoo kale wuxuu ahaa taageere xooggan oo Israa'iil ah.
Madaxweynaha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii u mahadceliyay Graham, isagoo yiri "Lindsey wuxuu fahmay in amniga Israa'iil iyo Mareykanka aan la kala saari karin".
Israa'iil waxay lumisay "mid ka mid ah saaxiibbadeeda ugu weyn", ayuu raaciyay.















