Maxaad ka garanaysaa qoyska reer Hargeysa ee leh magacyada cajiibka ah?

Dhako Bowdo Jilib Boqon waa magaca iyo "abtirka" nin ku nool magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida.
Magaciisii caadiga ahaa, kii aabihii, awoowgii iyo awoowgii labaadba waxa meesha ka saaray magacyadan naanaysta ahi ee ku soo biiray abtirkiisa.
Waxa uu noqday yaab u joog maadama ciddii la kulantaaba ay ka fajacayso magacyadan aan ahayn kuwii caadiga ahaa ee dadka Soomaalida ahi lagu yaqiin.
Dhako oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Maxamed ayaa BBC-da u sheegay in isaga xitaa uusan isu aqoon magaca Maxamed, maadaama buu yiri magaca bulshado u taqaan uu yahay magacani naanaysta ahi ee Dhako.
"Aniga ayaanba isu aqoon Maxamed. Aniga oo halkaa maraya haddii aad Maxamdow i tirahdo, kuu soo jeesan maayo, waxaan is leeyahay qof kale ayaa loo yeerayaa. Laakiin Dhako markaad tirahdid sidii 'Kaariyoonaha (gaari-gacan)' soo jeesanayaa…magaceyga rasmiga ahi ee aan isu aqaan ee halkaa markaan marayo la iigu yeero waa Dhako," ayuu yiri Maxamed (Dhako).
Waxa uu sheegay in dadka qaar marka ay maqlaan ama ay arkaan magacani iyo xitaa magacyada naanaysta ahi ee ku jira "abtirkiisa" ay u maleeyaan in uu yahay Jin oo uusan insi ahayn.
"Qof kastaa oo aan wax ka iibsanayo, markuu Zaad-ka ka arko {magaceyga} wuxuu arkayaa Dhako Bowdo Jilib Boqon. Dadka qaar baa ka noqdo oo yirahda malaha Jin baa kuu soo xero-galay."
Waxa uu ka sheekeeyay waxyaabo uu kala kulmay dad uu wax ka iibsanayay iyo sida ay uga falceliyeen magaciisa oo xambaarsan afar magac oo wada naanays ah. Tusaale ahaan, waxa uu ka sheekeeyay mar uu Boorame safar ku tagay oo gabar joogtay hudheel ama maqaaxi uu ka qadeeyay ay ka didday magaciisa, iyadoo sida uu sheegaya u maleysay Jin.
"Waxaanu galnay hudheel (maqaaxi ama maqaayad), qadaanu ka cunnay, lacagtii baa la igu yiri Dhako adigu sii bixi, hadhow aan innagu isu celcelinee…inantii moobilkii (taleefoonka gacanta) miiska ayay ku tuurtay, way naxday," ayuu sii raaciyay.
"Inamo ila socday oo garanayay baa yiri walaal maxaa ku helay? misna waxay tiri magacan aan fahmeyn baa lacagta iigu dirteenee magacan muxuu ahaa? Waxaa lagu yiri waa ninka halkan ku ag taagan, markaa baa waxay tiri, "walaal waxaan mooday in Jin uu ii soo xero-galay…hudheelka waxaan saxiixay Jin baa soo galay."
Magacyadan naanaysta ahi kuma eka oo kaliya isaga iyo aabayaashii balse carruurtiisa ayay sidoo kale saameyn ku yeesheen.
Dhako waxa uu BBC-da u sheegay in wiilashiisa iyaguna ay leeyihiin magacyo naanays ah oo dhammaan ku saabsan jirka bani'aadamka. Balse waxa uu intaa ku daray in gabdhaha uu dhalay aysan la hayn wax naanays ah.
"Hablaha iyagu waa lama taabtaan, oo naanays looma bixiyo. Ragga laakiin naanays bay leeyihiin oo waa Dhabar, Dhafoor iyo Suxul…mid waxaa weeyaan (abtirkiisa) Suxul Dhako Bowdo Jilib Boqon, midna waa Dhabar Dhako Bowdo Jilib Boqon, midna waa Dhabar Dhako Bowdo Jilib Boqon," ayuu yiri Maxamed oo ku magac dheer Dhako.
Dhako waxa uu sheegay in magacani uu u baxay isaga oo yar kaddib markii aabihii (oo hadda marxuum ah) uu timaha u soo xiiray kuna amray in uu xaafadda ku laabto balse uu ciyaar iska aaday kaddibna aabihii oo raadinaya uu ugu yimid isaga oo carruur kale la cayaarayo.
"…Wuu ii yimid, markaasuu intuu ciyaalkii dhex tagay buu yiri waryaa kaagaa yar ee dhakada weyn leh kaalay…markaan carruurtii ku soo laabtay ayay xusuusteen magacii aabe iigu yeerayay ee Dhako…".












