You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa ku qasbay guddoomiyaha Gedo inuu ka goosto dowladda federaalka?
Guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo ahaa markii hore guddoomiyaha gobolkaas u qaabilsan dowladda federaalka ah, ayaa hadda sheegay in ay soo dhamaatay wada shaqeyntii isaga iyo dowladda federaalka isla markaana ay Jubaland isku fahmeen xaaladda gobolka iyo in uu helo wixii uu xuquuq u lahaa.
Mr Shimbir ayaa xusay in markii hore uu magacaabay madaxweynaha Jubaland, basle markii dib loo doortay aanu ku qancin arrintaasi sidaa darteena uu u aaday dhanka dowladda federaalka ah.
Wuxuu sheegay in mudadii uu dowladda la shaqeynayay uu rabay in gobolka laga qabto doorasho qof iyo cod ah lana helo wixii uu xuquu u lahaa hase-yeeshee wuxuu ku andacooday in waqtigii uu ka dhamaaday dowladda iyadoon waxba qaban.
Guddoomiye Shimbir ayaa intaa ku daray in hadda aanu yeeli doonin in gobolkaasi dowladdu timaado oo doorasho ka qabato.
Halkaan ka dhageyso waraysiga oo dhameystiran