Imaaraatka oo badalaya guud ahaan siyaasadiisii xiriirka wadamo uu Sacuudigu ka mid yahay Dagaalka Iran awgiis

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Inkasta oo heshiis nabadeed ay wada gaadheen Iran iyo Maraykanka muddo ku dhow saddex bilood iyo bar oo ay xiisad iyo colaadi taagnayd, ayaa iyada oo ka jawaabaysa khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxa ay dawladda Khaliijka ugu weyn ee Imaaraatka Carabta ku dhawaaqday inay is-beddel weyn ku samaysay istiraatijiyaddeeda, waxana ay hadda u muuqataa inay si weyn diiradda u saartay arrimaha ammaanka, waxana la qaaday tallaabooyin dhawr ah oo arrintan ku saabsan.
Kahor dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jireen Iran, Imaaraatka waxaa loo aqoonsan jiray xarun xasilloon oo ganacsi iyo maalgashi, laakiin hadda waxay u muuqataa inay tahay xarunta ugu badan ee uu saameeyay dagaalka ay isku dayday inay ka fogaato.
Nidaamka Imaaraadku waxa uu ahaa 'nabad ku timid ganacsi.' Balse diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaalada lagu weeraray dhulkeeda ayaa caqabad ku noqday qaabkaas.
Weeraradaasi waxay caddeeyeen in qaabka noocan oo kale ah aanu sii noolaan karin awood difaac oo casri ah oo adag la'aanteed. Taasi waa sababta Abu Dhabi ay dhawaan u qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso xiriirka milatari ee ay la leedahay saaxiibadeeda muhiimka ah, gaar ahaan Mareykanka iyo Israel.
Dagaalku waxa kale oo uu muujiyay xadka isku-tiirsanaanta siyaasadda iyo dhaqaalaha waxana ay ku kaliftay Abu Dhabi in ay dardargeliso socdaalkeeda ku wajahan istiraatijiyaddeeda Bariga Dhexe oo si degdeg ah isu beddelayasa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sare u qaadisa xiriirka ammaan ee ay la leedahay Maraykanka iyo Israa'iil
Weerarada aan hore loo arag ee Iran ay ku qaaday xarumaha muhiimka ah ee Imaaraatka Carabta ayaa ku qasbay Abu Dhabi in ay ka laabato siyaasadii arrimaha dibadda ee soo jireenka ahayd, taas oo ku salaysan isu dheeli tirnaanta dublamaasiyadda taxadarka leh iyo danaha dhaqaale.
Inkastoo Mareykanka iyo Iran ay ku dhawaaqeen xabbad joojinta 8-dii April, Imaaraadka ayaa sii waday inay soo sheegaan in la weeraray. Wasaaradda Difaaca ee dalka ayaa sheegtay 10-kii Maajo in 551 gantaalaha ballistic-ga ah lagu garaacay iyo 29 gantaalaha nooca cruise-ka ah iyo 2,265 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu soo riday tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Markii hore saraakiisha Imaaraatka ayaa ku baaqay in la qaboojiyo dagaalka, balse markii uu dagaalka sii socday ayaa waxaa sii adkaaday hadalkooda rasmiga ah. Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ayaa khudbadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu dagaalku bilowday ku sheegay in Imaaraadku aanu ahayn wax fudud, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dalka uu ka bixi doono qalalaasaha "Si ka xoog badan sidii hore".
Iran ayaa ku sababaysay weeraradeeda iyada oo sheegtay in Imaaraadku uu martigeliyo saldhigyo milatari oo Maraykanku leeyahay oo ay la shaqeeyaan Israa'iil. Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha Imaaraatka ayaa sheegay in weeraradaasi ay xoojiyeen sida ay uga go'an tahay Abu Dhabi iskaashiga dhanka amaanka, bedelkii la wiiqi lahaa.
Anwar Gargash, oo ah la taliyaha madaxweynaha Emirate-ka Carabta, ayaa sheegay in weeraradan ay ku dhiirigelinayaan Abu Dhabi inay sii qoto dheereyso xiriirka dhanka ammaanka ee kala dhaxeeya Mareykanka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in imaaraadku uu ka fikirayo in uu ku biiro dadaalada uu wado Mareykanka ee lagu xaqiijinayo amniga badda ee marinka Hormuz.
Dhaliil ay u jeediyeen ururada gobolka
Intii uu dagaalku socday, Imaaraadku waxa ay qaateen mawqif aad u adag, gaar ahaan dhinaca Jaamacadda Carabta iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka.
Anwar Gargash ayaa ku tilmaamay mowqifka golaha iskaashiga khaliijka ee dagaalka inuu yahay "mawqifkii ugu liitay taariikhda" isagoo sheegay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasada soo jireenka ah ee wadamada Khaliijka ee ku aadan amniga gobolka.
Waxa uu sheegay in siyaasadii "xakamaynta" Iran ee ay qaateen wadamada Khaliijka ay fashilantay. Anwar Gargash oo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la isku tashado ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka ay dib u eegis ku sameeyaan istaraatiijiyadooda.

Xigashada Sawirka, Andrey Rudakov/Bloomberg via Getty Images
Waxa uu ka baxay OPEC
Imaaraadka Carabta ayaa ka baxay OPEC iyo OPEC+ bishii May 2026.
In kasta oo saraakiisha Imaaraadku ay ku adkaysteen in go'aankani aanu ahayn mid "siyaasadeed," haddana tallaabadani waxay dhalisay su'aalo la xiriira in Imaaraadku sidoo kale ka bixi karo ururrada kale ee muhiimka ah ee Carabta iyo Islaamka, sida Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Sarkaal ka tirsan Imaaraatka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Abu Dhabi "ay samaynayso dib u eegis guud oo lagu eegayo faa'iidada xubinnimadeeda ururrada caalamiga ah," balse waxa uu caddeeyey in aanay xilligan jirin qorshe ay kaga baxayaan ururro kale.
Imaaraatka Carabta ayaa horey u sheegay in aysan ku qanacsaneyn jawaabta ay ka bixiyeen dagaalka ururada Carabta iyo kuwa Islaamka. Anwar Gargash ayaa dhaleeceeyay "muuqaalka iyo karti la'aanta" hay'adahan markii la weerarayay wadamada Khaliijka.
Xiriir xumo kala dhaxaysa Sacuudi Carabiya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kala duwanaanshaha ka dhex aloosan Abu Dabi iyo Riyaad dhowrkii sano ee la soo dhaafay ee dagaalka Iran awgeed ayaan u muuqan mid dhammaanaya.
Labadan waddan oo muddo dheer iska soo horjeeday ayaa ku kala aragti duwan arrimo badan, gaar ahaan sida loo maarayn karo dagaalka. Sacuudi Carabiya, inkastoo ay si cad u dhaleeceysay Iran, waxay qaadatay qaab iska hor imaad ah oo aan yarayn, waxayna xoogga saareen isticmaalka hab diblomaasiyadeed.
Labada dal ayaa sidoo kale ku adkeysanaya mowqifkooda kala duwan ee Israel. Si ka duwan Imaaraatka Carabta, Sacuudi Carabiya ayaa wali shuruud ku xiraysa in la caadiyeeyo xiriirka ay la leeyihiin Israa'iil iyo dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah.
Falanqeeyayaasha qaar ayaa sidoo kale ku tilmaamay ka bixitaanka Imaaraadka ee OPEC mid 'dib u dhac' ku ah saamaynta Sacuudiga. Sida laga soo xigtay Abdul Khaaliq Abdullah, Abu Dabi waxay OPEC u aragtaa 'caqabad' xaddidaysa hamiga Imaaraadka.












