"Xaaskaygu waxay beddeshay jihada noloshayda": Safarka Mikel Arteta

Arteta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Dunida kubbadda cagta, waxaan Mikel Arteta ku naqaan in uu yahay ciyaaryahan iyo tababare, laakiin waa kuma dhab ahaantii halyeeygan kubbadda cagtu?

Wuxuu xirfaddiisa kubbadda cagta ee heerka sare ka billaabay Barcelona sannadkii 1999, isagoo inta badan ka ciyaari jiray khadka dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, fursado badan uma helin in uu ka ciyaaro kooxda koowaad ee Barcelona. Markii dambe, wuxuu amaah ugu biiray PSG.

Sannadkii 2002, wuxuu heshiis la saxiixday Rangers, halkaas oo uu ku guuleystay horyaalka xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.

Kadib, wuxuu ku laabtay dalkiisa Spain, wuxuuna ku biiray Real Sociedad.

Arteta wuxuu sii waday in uu horumariyo xirfaddiisa ciyaareed, isagoo sidoo kale khibrad hoggaamineed oo weyn ka helay Premier League-ga Ingiriiska.

Arteta wuxuu Everton ku biiray sannadkii 2005, waxaana laba jeer loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan kooxda xilli ciyaareedka.

Waxa soo afjaray safarkiisii ciyaaryahanimo, islamarkaana u furay waddada uu ugu gudbo tababarenimada, waa koox uu illaa maanta xiriir weyn la leeyahay — Arsenal.

Arteta wuxuu Arsenal ku biiray sannadkii 2011, iyadoo lagu soo iibsaday lacag dhan 10 milyan oo gini. Intii uu kooxdaas joogay, wuxuu ku guuleystay laba koob oo FA Cup ah ka hor inta uusan ka fariisan ciyaaraha.

Arteta waligiis uma ciyaarin xulka qaranka Spain ee heerka sare, balse wuxuu dalkiisa ku matalay heerarka da'yarta.

Sannadkii 2016, Arteta waxaa loo magacaabay kaaliyaha tababaraha Manchester City, isagoo hoos imaanayey Pep Guardiola. Markii dambe, wuxuu noqday tababaraha Arsenal.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu ahaa tababaraha Arsenal, wuxuu ku guuleystay FA Cup.

Hadda, Arteta wuxuu ka mid yahay tababarayaasha ugu muddada dheer ee xilka ka haya Arsenal.

La Masia illaa Arsenal: Spain illaa England

Arteta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mikel Arteta wuxuu ku dhashay magaalada San Sebastián ee dalka Spain. Wuxuuna kubbadda cagta ka billaabay kooxda Antiguoko, isagoo halkaas ka garab ciyaaray ciyaartoy uu ka mid ahaa Xabi Alonso.

Markii dambe, wuxuu ku biiray akadeemiyadda Barcelona ee La Masia, halkaas oo uu kula kulmay ciyaartoy waaweyn sida Andrés Iniesta, Víctor Valdés iyo Xavi Hernández.

Waxa kale oo uu halkaas kula kulmay kabtankii Barcelona xilligaas, kaas oo markii dambe noqday lataliyihiisa dhinaca tababarenimada, Pep Guardiola.

Arteta wuxuu sheegay in ku barbaaridda deegaan nabdoon oo ciyaaraha lagu qiimeeyo ay siisay fursad weyn.

Wuxuu sheegay in inta badan waqtigiisa uu ku qaadan jirey ciyaarista kubbadda, madadaalo iyo waqti ku qaadashada xeebta.

"Waxaan jeclahay biyaha. Waxaan jeclahay qorraxda iyo xeebta. Kubbadda cagtana warkeeda daa," ayuu dib u xusuustaa isagoo ka hadlaya carruurnimadiisii.

Intii uu ku jiray akadeemiyadda Barcelona, Arteta wuxuu maalintiisii ugu horreysay ee akadeemiyadda saaxiib la noqday Pepe Reina, oo markii dambe noqday goolhayihii Liverpool.

"Pepe Reina wuxuu ahaa saaxiibkay. Aad ayaan isugu dhaweyn. Waxaan hal qol wada deggenayn muddo saddex sano ah. Xusuusta ugu muhiimsan noloshayda waa waqtigii aan isaga la qaatay."

"Labadeenuba waan tartami jirnay, sababtoo ah waxay ahayd in aan horumarno oo aan gaarno kooxda koowaad, laakiin waxaan u wada noolayn sidii qoys," ayuu ka xusuustaa noloshii carruurnimadiisa.

PSG, Rangers iyo Everton

Arteta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Arteta wuxuu jiray 17 sano markii uu amaah ugu biiray PSG. Wuxuu sheegay in Mauricio Pochettino uu ula dhaqmay sida walaal weyn iyo saaxiib dhow.

"Mauricio Pochettino wuxuu ii ahaa sidii gaashaan. Wuxuu iga ilaalin jiray xaalad kasta. Kalsooni weyn ayuu i siiyay," ayuu yiri Arteta.

"Wuxuu iiga ciyaari jiray gadaashayda. Wuxuu iga caawin jiray sidii qof gadaal iga soo riixaya oo hore ii dhaqaajinaya. Ma magacaabi karo qof kale oo iga caawiyay isaga ka badan."

Arteta wuxuu sheegay in riyadiisu ahayd in uu u ciyaaro Barcelona, balse aysan taasi rumoobin. Wuxuu sheegay in u wareegistiisa PSG ay ahayd "go'aan adag."

Wuxuu kooxda Faransiiska u dhaliyey shan gool 53 kulan oo uu u saftay. Markii muddadii amaahdu dhammaatay, PSG waxay doonaysay in ay sii haysato, balse wuxuu go'aansaday in uu ku laabto Barcelona.

Bishii Febraayo 2002, Arteta wuxuu ku biiray kooxda Rangers ee Scotland, iyadoo lagu soo iibsaday lacag dhan lix milyan oo gini, wuxuuna Glasgow ku qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay oo wanaagsan. Si degdeg ah ayuuna boos uga helay safka hore ee kooxda.

Inkastoo uu Spain ku laabtay laba xilli ciyaareed kaddib, haddana wuxuu sheegay in Rangers ay ka caawisay in uu horumariyo heerkii ciyaareed ee looga baahnaa in uu ka ciyaaro Premier League-ga England.

"Waxaan qaatay go'aan aad u wanaagsan. Way adag tahay, waayo kubadda cagtu halkan way ka duwan tahay. Waa in aad u dagaallantaa sida in ay tahay arrin u dhexeysa nolol iyo geeri."

Arteta wuxuu Spain ku laabtay sannadkii 2004, iyadoo lagu soo iibsaday 5.2 milyan oo euro, balse wuxuu San Sebastián kaga soo muuqday safka hore ee kooxda saddex jeer oo keliya intii lagu jiray qaybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Sannadkii 2005, wuxuu Everton ugu biiray heshiis shan sano ah, iyadoo lagu soo iibsaday laba milyan oo gini.

Wuxuu sheegay in uu farxad ku qabay kooxda, islamarkaana uu ku raaxaystay daqiiqad kasta oo uu halkaas ku qaatay.

"Waxaad heshaa kalsooni. Walaal, waxaad subaxdii toostaa adigoo faraxsan, waxaadna aadaysaa tababarka. Waxaan ku raaxaystay daqiiqad kasta oo aan halkaas ku qaatay."

Arteta waxaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Everton laba xilli ciyaareed oo isku xigay.

Wuxuu jirey 29 sano markii uu dhammeystay heshiiskiisii Everton.

Wuxuu sheegay in Everton ay siisay wax kasta oo ciyaaryahan u baahan yahay, islamarkaana uu ku guuleystay inuu halkaas si wanaagsan ku soo gabagabeeyo waayihiisii ciyaareed.

Ugu dambayntii, waqtigiisii Arsenal wuxuu noqday buundadii u horseedday wejiga cusub ee noloshiisa.

Sidee ayay xaaska Arteta u beddeshay noloshiisa?

Arteta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Intii uu joogay Rangers, wuxuu safar uu ku tegayay San Sebastián kula kulmay xaaskiisa mustaqbalka, Lorena.

Arteta iyo Lorena, oo ah jilaa iyo moodel asal ahaan ka soo jeeda Argentina iyo Spain, ayaa hadda leh saddex carruur ah.

Arteta wuxuu sheegay in guulaha uu ka gaaray gudaha iyo dibadda garoonka aan laga sooci karin kaalinta ay xaaskiisu ku leedahay noloshiisa.

"Waxay beddeshay noloshayda. Waxay beddeshay sida aan nolosha uga fikiro," ayuu yiri.

Arteta wuxuu sheegay in isaga iyo xaaskiisu ay si wadajir ah u soo mareen waqtiyo badan oo farxad iyo caqabado leh.

"Wax badan ayaan wada aragnay, safarro badanna waan wada galnay. Xaalado kala duwan ayaan si wadajir ah u soo marnay. Waxaan wadaagnay waqtiyo farxad leh iyo waqtiyo adag."

"Marnaba kama daalo in aan iyada la joogo. Waxaa jira dareen gaar ah. Waxaan iyada la joogi karaa shan ama toban saacadood, meel kasta oo aan joognana, farxad iyo qosol ayaa jira sababtoo ah iyadaa halkaas joogta."

Arteta wuxuu sheegay in kubbadda cagta, ciyaartoyda iyo tababarayaashu ay inta badan si weyn diiradda u saaraan kooxaha ay la tartamayaan.

Laakiin wuxuu sheegay in ay jirto arrin kale oo muhiim ah oo ay tahay in uu ka fikiro, taas oo ah xaaskiisa.

"Ka warran qofkaaga? Qofka kuu dhow... iyada la'aanteed saldhig ma jiro. Haddii taas la waayo, suurtagal ma aha in la sii socdo."

Arteta wuxuu jiray 24 sano markii uu ku laabtay Real Sociedad, kaddib muddadii uu Rangers kula qaatay Scotland.

Sababta ugu weyn ee uu Spain ugu laabtay waxay ahayd in uu isku dayo inuu mideeyo qoyskiisa, xilli waalidkiis ay ku sii dhawaanayeen in ay kala tagaan.

"Waxaan u malaynayey in aan khalad sameeyay. Laakiin waxaan dusha saartay wixii dhacay."

"Marnaba uma malaynayn in ay sax ahayd inaan Spain ku laabto. Laakiin waxay ahayd waajibkayga in aan qoyskayga isu keeno oo aan mideeyo. Waxay ahayd dhibaato aad u weyn."

Arsenal-kii hore iyo Arsenal-ka maanta ee uu hoggaamiyo Arteta

Arteta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mikel Arteta wuxuu Arsenal ku biiray sannadkii 2011, iyadoo lagu soo iibsaday lacag dhan 10 milyan oo gini, wuxuuna kooxda u ciyaaray ilaa uu ka fariistay kubbadda cagta.

Bilowgii horeba, waxaa laga dareemayay inuu diyaar u yahay mas'uuliyadaha hoggaamineed.

"Waxaan billaabay in aan hadlo, waxaan billaabay in aan ka shaqeeyo sidii aan dhammaantood isugu soo dhoweyn lahaa. Waxaan kooxda ku dhiirrigelin jiray in aan u sheego in aan wada shaqeyn karno oo aan gaari karno waxa aan doonayno."

Markii uu ku sii dhawaanayey in uu ka fariisto ciyaaraha, wuxuu xiise sii badan u qaaday tababarenimada, marka la barbar dhigo ciyaarista kubbadda cagta.

Arteta ayaa markii dambe noqday tababaraha Arsenal.

Markii uu kooxda la wareegay, Arsenal ma aysan ku jirin xaalad wanaagsan marka la eego nidaamka iyo natiijooyinka.

"Dhibaatooyin badan ayaa jiray. Dhibaatadu waxay ahayd mid xididdada gaartay."

Isagoo tababare ah, wuxuu bilaabay inuu dhiso ciyaartoydiisa halkii uu ka diidi lahaa ama dhammaantood beddeli lahaa.

Wuxuu xoogga saaray dhisidda maskaxda, niyadda iyo xaaladda dareen ee ciyaartoyda, iyo sidoo kale dhiirrigelintii loo baahnaa si Arsenal loogu soo celiyo halkii ay ku habboonayd.

Wuxuu geed saytuun ah ku beeray bannaanka xafiiskiisa, isagoo astaan uga dhigay xididdada adag ee kooxda.

Arteta, oo mar ciyaaryahan u ahaa Arsenal, markii dambena noqday tababaraha kooxda, kuma guuleysan horyaalka Premier League xilligii uu ciyaaryahanka ahaa, balse wuxuu ku guuleystay markii uu tababaraha noqday.

Wuxuu FA Cup ku guuleystay isagoo ciyaaryahan ah, sidoo kalena wuxuu ku guuleystay isagoo tababaraha Arsenal ah.

Waxaa intaas ka sii weyn, wuxuu Arsenal ku hoggaamiyay hanashada horyaalka Premier League kaddib 22 sano oo ay sugaysay, xilli ciyaareedkii 2025/26.

Sidoo kale, wuxuu xoojiyay kooxda isaga oo hagaajiyay boosaska kala duwan, wuxuuna Arsenal gaarsiiyay finalka UEFA Champions League.

Arteta, oo wax ka bartay tababarayaal ay ka mid yihiin Pep Guardiola, Arsène Wenger iyo José Mourinho, ayaa hadda ka mid ah tababarayaasha ugu muddada dheer ka shaqeeya Premier League-ga England.

Markii uu Manchester City ugu biiray kaaliyaha tababaraha Guardiola isagoo 34 jir ah, wax yar kaddib markii uu ka fariistay ciyaaraha, Arteta wuxuu sheegay inuu bilaabay inuu dhisto habkiisa gaarka ah ee tababarenimada.

"Waa nidaam aad u wanaagsan. Sida aan indhaheenna ugu jeedinno ciyaarta ka socota gudaha garoonka ayaa go'aamisa waxa aan u baahan nahay in aan sameyno xilligaas."

Laga soo billaabo wiilkii La Masia ee ku guuldarreystay in uu boos joogto ah ka helo Barcelona, illaa uu noqday mid ka mid ah tababarayaashii Arsenal wax weyn ka beddelay, safarka Mikel Arteta waxaa saldhig u ahaa dulqaad, hoggaamin iyo dadkii uu jidkiisa kula kulmay — oo ay ku jirto xaaskiisa Lorena, oo uu sheegay in ay beddeshay jihada noloshiisa.