Israa'iil iyo Somaliland oo markii ugu horeysay ka hadlay kulan qarsoodi ah oo yeesheen aqoonsiga ka hor

Cirro iyo Saar

Xigashada Sawirka, Israel Ministry of Foreign Affairs

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Somaliland Cbadiraxmaan Cirro iyo wasiirka arimaha dibadda Israa'iil ayaa maanta kulan ku yeeshay wasaaradda arimaha dibadda ee Israa'iil, halkaas oo ay isku arkeen xubno uu hugaaminayo wasiirka arimaha dibadda ee Israa'iil, Gideon Sa'ar iyo xubno ka tirsan wafdiga Somaliland oo hugaaminayo madaxweyne Cirro.

Intii uu socday kulankaan oo ay hadalo ka jeediyeen labada masuul ayaa wasiirka arimaha dibadda ee Israa'iil waxa uu sheegay in kulan qarsoodi ay bishii October ee sanadkii 2025 ku yeesheen isla qolka maanta shirku ka dhacayay.

Wasiirka arimaha dibadda Israa'iil ayaa hadal jeedin uu ku furay bilwoga kulanka ku xusay in kulankani yahay kii labaad oo ay si waji ka waji ah ugu yeeshaan isla goobtaan.

"Mudane madaxweyne, kani waa kulkeenii labaad ee ka dhaca qolkaan. Waxaan ku kulanay halkaan si qarsoodi ah bishii October ee sanadkii la soo dhaafay, laakiin saxaafadu ma aysan ogayn xilligaas," ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda ee Israa'iil Gideon Sa'ar .

Dhanka Somaliland, madaxweyne Cirro oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ku raacay warka wasiirka arimaha dibadda ee Israa'iil ee ah in kulan ay yeesheen labada dhinac bishii October.

"Waxaan ku faraxsanahay, in aan qolkaan imaado markii labaad, sida uu wasiirku sheegay, inkastoo markii koobaad oo ahayd waqti ka mid ah bishii October ee sanadkii la soo dhaafay aysan saxaafadu nala joogin," ayuu yiti madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

"Maanta waxaan shaaca ka qaadanay kulanka labaad oo halkaanka dhacaya," ayuu yiri madaxweyne Ciro.

Kulankaas aayaa ah mid aan la shaacin oo Somliland iyo Israa'iil uusan midkood ka hadlin. Waxaa dad badan ay ku baraarugeen markii ra'iisul wasaaraha Israa'iil uu wicitaan muuqaal ah oo la shaaciyay uu ku sheegay in Israa'iil ay aqoonsanayso Somaliland.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweyne Cirro hadalkiisa sii watay ayaa ysheegay: "waxaan ka shaqaynaynay daaha gadaashiisa in ka badan sanad, waxaanan abaal badan uga haynaa dowladda Israa'iil in ay aqoonsatay Somaliland, 26-kii December 2025-tii."

Madaxweyne Cirro ayaa uga mahadceliyay wasiir Gideon Sa'ar doorka uu ku lahaa shaqadii iyo wadahadalii lagu gaaray heerka haatan ee xiriirka Israa'iil iyo Somaliland.

Wasiirka arimaha dibadda ee Israa'iil, Gideon Sa'ar ayaa dhankiisa dheegay in Israa'iil iyo somaliland ay xiriirka ay samaysanayaan u madax banaan yihiin cidna aysan kala tashan doonin.

"cidina uma go'aamineyso Israa'iil iyo Somaliland-ba cidda aan la yeelaneyno xiriir diblumaasiyadeed", ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda Israa'iil.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa aad uga carootay markii Israa'iil ay ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Somaliland dhamaadkii bishii December ee sanadkii 2025 tii.

Xilligaas ayay dowladda Soomaliya, kulan degdeg ah ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taa oo xubnaha ugu badan ee goluhu isku raacay in la ilaaliyo madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wadamo Afrikaan ah, kuwa Eeshiyaan ah, qaar ka mid ah wadamda Islaamka, Midowga Afrika, Yurub iyo ururo kale oo caalami ah ayaa taageeray in la ixtiraamo midnimada Soomaliya.

Dalalka Jabuuti, Eratariya, Masar, Sudan, Liibiya iyo Naajeeriya, Aljeeriya, Kaamoroos, Gaambiya, ayaa dhammaantood si aan ka leexleexasho lahayn ugu gacan sayray mowqifka iyo tallaabada ay Israa'iil ku dhaqaaqday.

Dhan kale, waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka intooda badan, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Yaman, Jordan, Qatar, Maldives, Kuwait, Urdun, Ciraaq, Indoniisiya, Bakistaan iyo maamulka Falastiiniyiinta, ayaa taageeray mowqifka Soomaaliya.

Sidoo kale, dowladaha Qadar, Iraan, iyo maamulka Falastiiniyiinta ayaa ahaa waddamadiii ugu horreyey ee ka soo falceliyey arrintan, iyaga oo ah waddama ay siyaasad ahaan is hayaan Israa'iil, marka loo eego is-xulufeysiga ka jira caalamka.

Tan iyo markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland ayaa waxaa xigay tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in Israa'iil ay danjire u soo magacowday Somaliland.

Bishii April, Israa'iil ayaa u magacawday safiirkeedi ugu horreeyay ee Somaliland, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.

Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in ay safaarad ka furanayso magaalada Qudus, iyada oo u magacowday danjire israa'iil.

Maanta wasiirka arimaha dibadda Israa'iil waxa uu uga mahadceliyay in ay safaaradooda ka furaan Qudus.