Turkiga iyo Qadar miyaa ku lu leh doorashada Israa'iil?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Benjamin Netanyahu ayaa xisbiyada Carabta ee ka qaybgalay doorashada Israa'iil ku eedeeyay in codadka doorashada la musuqmaasuqay, isaga oo ku andacooday in ay arrintaasi ku lug leeyihiin quwado shisheeye.
Gadi Eisenkot, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka isla markaana si weyn ugula tartamaya Netanyahu doorashada Israa'iil, iyo xisbiyada Carabta ayaa beeniyay eedeymaha Netanyahu, iyaga oo sheegay in uu isku dayayo inuu qiimo-dhac ku keeno natiijada doorashada dalka.
Netanyahu ayaa ku andacooday in xisbiyada Carabtu ay codadka ku shubteen iyaga oo taageero dhaqaale ka helaya dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Qadar. Hay'adda sirdoonka gudaha Israa'iil ee Shin Bet ayaa baaraysa in xisbiyada Carabta ee Israa'iil ay dhab ahaantii dhaqaale ka heleen dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Qadar.
Qadar ayaa eedeymaha xisbiga Netanyahu ku tilmaantay "been cad".
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in siyaasiyiinta Israa'iil ay Dooxa ku hayaan olole sumcad-dil ah, iyada oo eedeymaha loo jeediyay ku tilmaantay kuwo "aan waxba ka jirin oo si fool xun sumcadda loogu dhaawacayo".
Doorashadii ka dhacday Israa'iil, labada dhinac ee kala taageersan Netanyahu iyo mucaaradkiisa midkoodna ma helin kuraas ku filan oo uu ku dhiso dowlad aqlabiyad leh.
Labada xisbi ee Carabta ee kala ah Joint List iyo Ra'am ayaa baarlamaanka Israa'iil ee Knesset ka helay 19 kursi oo ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka.
Tani waxay ka dhigaysaa in codkoodu uu ka miisaan culus yahay sidii hore marka laga hadlayo siyaasadda dalka. Gaar ahaan, haddii ay ku biiraan isbahaysiga mucaaradka, waxaa kordhaya fursadda ay dowlad ku soo dhisi karaan, isla markaana ay Netanyahu xukunka uga tuuri karaan.
Xisbiga Likud ee Netanyahu iyo xisbiyada kale ee la safan ayaa helay 53 kursi. Dhanka kale, isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ayaa helay 48 kursi.
Kaddib markii la soo jeediyay eedeymo sheegaya in dalal shisheeye ay dhaqaale siinayeen dadka u codeynayay xisbiyada Carabta, Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa'iil ayaa codsaday in Shin Bet ay arrintaasi baarto.
Labada xisbi ee Carabta ayaa iyaguna si cad u diiday eedeymaha ay kooxda Netanyahu u jeedisay.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka uu helay xog tilmaamaysa in Qadar ay dhaqaale bixinayso si muwaadiniinta Carabta ah ee Israa'iil ku nool ay codkooda u dhiibtaan tiro badan, taas oo xisbiyada Carabta ka caawinaysa inay kuraas badan ku guuleystaan.
Netanyahu iyo xisbigiisa Likud ayaa sheegay in xisbiyada Carabtu ay 19-ka kursi ku heleen taageero ay ka heleen quwado shisheeye oo doorashada soo farageliyay.
Hay'adda sirdoonka gudaha Israa'iil ee Shin Bet ayaa markii dambe bayaan ay soo saartay ku sheegtay in baaritaankeedu aanu khusayn dhammaan bulshada Carabta. Waxay sidoo kale caddeysay in eedeymaha guud ee loo jeedinayo bulshada Carabta oo dhan aanay sax ahayn.
Dhankiisa, Gadi Eisenkot oo ah musharraxa sida weyn ula tartamaya Netanyahu, ayaa sheegay in aanay habboonayn in la sheego in codadka la musuqmaasuqay ama ay dalal shisheeye doorashada soo farageliyeen ka hor inta aan la shaacin natiijada baaritaanka.
Waxa uu intaa ku daray in Netanyahu uu eedeymo kala duwan u jeedinayo dhinacyada kale si uu natiijada doorashada qiimo-dhac ugu keeno.
Netanyahu ayaa isaguna sheegay in xisbiyada mucaaradku ay wadaan "olole been abuur ah oo abaabulan" kaas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo natiijada doorashada.



























