Waa kuma duuliyaha loo aqoonsaday "halyeyga" ee lagu mindiyeeyay diyaaraddii ku wajahneyd Israa'iil?

Smit Machchhar
Qoraalka sawirka, Dowladda Hindiya ayaa ku ammaantay Smit Machchhar "geesinimadiisa weyn"
    • Author, Henry Moore
    • Role, London
    • Author, Sharanya Hrishikesh & Meryl Sebastian
    • Role, Delhi
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Duuliyihii lagu mindiyeeyay diyaarad ku sii jeedday Israa'iil maalintii Arbacada ayaa loo aqoonsaday inuu yahay Kabtan Smit Machchhar oo u dhashay Hindiya.

Kabtan Machchhar waxaa weeraray duuliye kale oo saarnaa diyaaradda Flydubai ee ku sii jeedday Tel Aviv, taas oo ku qasabtay diyaaradda inay u leexato Sacuudiga.

Kabtankan, oo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ku tilmaamay "halyey dhab ah", ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Tabuk, oo ah magaalo ku taalla waqooyi-galbeedka Sacuudiga, halkaas oo ay xaaladdiisu deggan tahay sida ay sheegtay safaaradda Hindiya ee Riyadh.

Qoraal uu ku daabacay barta X, Netanyahu wuxuu sheegay in Kabtan Machchhar uu "badbaadiyay nolosha 174 qof" isla markaana uu ka hortagay "musiibo ba'an oo ka dhici lahayd hawada dhexdeeda."

Maxaan ka ognahay Kabtan Machchhar?

Kabtan Machchhar wuxuu ku koray magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, halkaas oo waalidkiis ay weli ku nool yihiin. Sannadkii 2008, wuxuu ku biiray Mainland Air, oo ah kulliyad duulista ah oo ku taalla magaalada Dunedin ee dalka New Zealand, ka hor inta uusan saddex sano ka dib ku biirin shirkadda diyaaradaha ee Hindiya ee SpiceJet isagoo ah duuliye ganacsi.

Wuxuu u guuray Dubai wuxuuna ku biiray Flydubai sannadkii 2022, xilli uu hore u noqday duuliye khibrad leh.

Isagoo la hadlayay BBC-da, Philip Kean, oo ah madaxa guud ee Mainland Air, ayaa sheegay inuu Kabtan Machchhar ku xasuusto nin xasilloonaan ilaashan jiray marka ay dhibaatooyin dhacaan.

"Waxaan ku tababarnay degitaan degdeg ah oo khasab ah, balse ma ahayn xaaladdan oo kale, taasoo ah mid aad iyo aad naadir u ah," ayuu yiri Kean. "Waqti dheer ayaa ka soo wareegay, balse wuxuu u muuqday shaqaale wanaagsan oo daacad ah."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ku cad xogtiisa LinkedIn, Kabtan Machchhar wuxuu leeyahay in ka badan 9,750 saacadood oo waayo-aragnimo duullimaad ah, kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan 6,400 saacadood oo uu ahaa duuliyaha mas'uulka ka ah diyaaradda.

Shirkaddii uu hore uga shaqayn jiray ee SpiceJet ayaa soo saartay bayaan ay ku tilmaantay Machchhar "halyey" badbaadiyay "nolol aan la soo koobi karin".

Sannadkii hore, Kabtan Machchhar wuxuu ka hadlay sida uu ku bilaabay xirfadda duulista iyo waayo-aragnimadiisa duuliye ahaan wareysi podcast ah oo la yiraahdo Bona-Fide Banter.

Wuxuu sheegay in duulistu aysan "marnaba ahayn riyo carruurnimo". Markii uu jiray qiyaastii 19 sano, wuxuu ku biiray kooras maamulka ah isaga oo qorshaynayay inuu ka shaqeeyo ganacsiga qoyskiisa. Hase yeeshee, markii dambe ayuu ka qayb galay siminaar duulista la xiriira, taasoo, sida uu sheegay, ku abuurtay xiisaha xirfaddaas.

Machchhar wuxuu sidoo kale sheegay in marka uu xirto direyska duuliyaha uu ahaa qof "aan kaftan galin shaqada" isla markaana "100% shaqada uun ka fikiri jiray". Laakiin, si ka duwan maalmihii yaraantiisa, wuxuu sheegay inuu hadda qiime weyn siiyo isu dheelitirka u dhexeeya shaqada iyo nolosha gaarka ah iyo inuu waqti la qaato qoyskiisa.

"Noloshaada gaarka ah muhiimad la mid ah sii. Taasi waxay kaa caawin doontaa inaad muddo dheer sii duusho," ayuu kula taliyay dadka.

Wuxuu sidoo kale faahfaahiyay caqabado uu hawada kala kulmay, oo ay ku jirto markii rakaab dumar ah ay foolatay xilli hore, taasoo keentay in shaqaalaha diyaaradda ay wadajir u shaqeeyaan si loo xaqiijiyo in ilmuhu si nabad ah ku dhasho.

"Marka laga hadlayo duulista, nasiib ayaan lahaa inaan la soo shaqeeyo dad iga caawiyay inaan noqdo duuliyaha aan maanta ahay," ayuu yiri, isagoo ku ammaanay duuliyeyaasha waayeelka ah inay bareen sida loo wajahayo xaaladaha cadaadiska leh.

Waqtigii wareysigaas, Kabtan Machchhar wuxuu sheegay in aysan jirin diyaarad uu duuliyay oo ku qasbanaatay inay degto xaalad degdeg ah awgeed. Hase yeeshee, wuxuu la kulmay xaalado caafimaad oo degdeg ah iyo cillado yaryar oo diyaaradeed oo sababay dib u dhac.

Wuxuu sheegay in dib u dhacyadu aysan "ahayn dhibaatadayda. Ilaa inta aad si nabad ah uga baxayso diyaaradda, taas ayaa ah waxa aan doonayo."

Baraha bulshada ee Hindiya ayaa tan iyo markii la shaaciyay aqoonsigiisa ku ammaanay Kabtan Machchhar, iyadoo dadka faallooyinka bixiya ay ku tilmaamayaan halyey. Qaybo ka mid ah wareysigiisii podcast-ka ayaa sidoo kale si weyn ugu faafay internetka.

Diyaaradda flydubai Boeing 737 MAX 8
Qoraalka sawirka, Kabtan Machchhar ayaa ku biiray Flydubai sanadkii 2022

Maxaa ka dhacay duullimaadkii Flydubai?

Diyaaradda Flydubai ee lambarkeedu yahay FZ1073 ayaa ka duushay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta saacadda 03:05 GMT (07:05 waqtiga maxalliga ah), iyadoo ku sii jeedday Garoonka Ben Gurion ee Israa'iil.

Diyaaraddu waxay siday ugu yaraan 150 qof, iyadoo Netanyahu uu sheegay in "ku dhowaad dhammaan" rakaabku ay ahaayeen Israa'iiliyiin.

Xogta laga helay mareegta la socodka duullimaadyada ee Flightradar24 ayaa muujinaysa in diyaaradda ay si degdeg ah hoos ugu dhacday iyadoo dul mareysa Sacuudiga qiyaastii laba saacadood iyo bar kadib markii ay duushay, iyadoo wax ka badan 17,000 fiit (5,000 mitir) ku degtay wax ka yar laba daqiiqo saacaddii ku dhoweyd 05:21.

Daqiiqado yar kadib, diyaaraddu waxay dirtay koodhka xaaladda degdegga ah ee squawk 7700, ka hor inta aysan u beddelin squawk 7500, oo ah koodh tilmaamaya afduub diyaaradeed.

Saacaddii 05:40, diyaaradda, oo muddo kooban gashay hawada Jordan, ayaa dib ugu laabatay Sacuudiga, halkaas oo ay markii dambe ka billowday hoos u degisteeda gacanta lagu maamulayo si ay u degto.

Wax ka yar saacad kadib, diyaaraddu waxay dib ugu noqotay squawk 7700.

Wararkii hore ee warbaahinta maxalliga ah ayaa soo xigtay saraakiil Israa'iili ah oo sheegay in dagaal uu dhex maray laba duuliye.

Laakiin isagoo hadlay Arbacadii kadib dhacdada, Netanyahu wuxuu xaqiijiyay warar dambe oo sheegayay in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu mindiyeeyay kan kale ka hor inta uusan "sida muuqata isku dayin inuu burburiyo" diyaaradda.

Wuxuu sheegay in rakaab Israa'iili ah uu u sheegay in "diyaaraddu ay wareeg gashay oo ay billowday inay hoos u degto", ka hor inta uusan rakaabkaas iyo xubin shaqaalaha ka mid ahi xoog ku gelin qolka duuliyeyaasha oo ay gacanta ku dhigin "duuliyihii fuliyay mindiyeynta".

Diyaaradda ayaa loo leexiyay Garoonka Diyaaradaha ee Tabuk ee waqooyi-galbeed Sacuudiga, waxayna si nabad ah u degtay saacaddii 06:58, sida ay muujinayso xogta goobta.

Duuliyihii la mindiyeeyay, oo xaaladdiisu deggan tahay sida ay sheegtay safaaradda Hindiya ee Sacuudiga, ayaa markii dambe loo aqoonsaday Kabtan Machchhar.

Modi iyo Trump oo ammaanay Kabtan Machchhar

Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa sheegay in Machchhar uu "muujiyay geesinnimo weyn iyo go'aan adag oo aan liicin oo lagu badbaadinayo nolosha dadka kale" inkastoo uu si daran u dhaawacmay.

"Geesinnimadiisu waxay gacan ka geysatay badbaadinta nafta boqollaal qof waxayna ka hortagtay masiibo weyn," ayuu ku qoray qoraal uu ku baahiyay barta X, isaga oo intaa ku daray inuu rajaynayo in duuliyuhu si degdeg ah u bogsado.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya, S Jaishankar, ayaa ammaanay duuliyaha isaga oo ku tilmaamay inuu muujiyay "geesinnimo aan caadi ahayn iyo degganaansho maskaxeed oo la yaab leh, xitaa isagoo wajahaya khatar weyn".

Isagoo la hadlayay weriyeyaasha Aqalka Cad, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in "duuliyuhu uu ku jiray xaalad aad u liidata", balse uu lahaa garaadkii uu ku furi lahaa albaabka qolka duuliyeyaasha intii uu weerarku socday.

"Waa wax la yaab leh, si uun wuxuu ahaa halyey, inuu albaabka furo. Wuxuu awooday inuu dib uga gurto oo uu albaabka furo."