Maxay Canada ugu diyaar garoobeysaa dagaal ay la gasho Maraykanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa toddobaadkii hore qirtay inuu bilaabay inuu u diyaar garoobo xaalad uusan waligiis ka fikirin: weerar uu Mareykanku ku qaado Canada.
Mark Carney ayaa u sheegay New York Times in inkastoo suurtagalnimada khatartan ay aad u yar tahay oo aan la saadaalin karin, haddana ay mas'uuliyaddiisa tahay inuu tixgeliyo dhammaan xaaladaha suurtagalka ah marka la eego sida xiriirka Mareykanka iyo Canada uu u noqonayo qaab cusub xilliga uu xilka hayo Donald Trump.
"Waa qayb ka mid ah maaraynta khatarta," ayuu yiri.
Canada waxay ka fikirtay xaalado suurtagal ah oo duullaan Mareykan ka yimaada ah iyada oo loo marayo diyaargarow iyo qorsheyn, ka dib canshuuraha caalamiga ah ee Donald Trump iyo rabitaankiisa soo noqnoqda ee ah inuu Canada ka dhigo gobolka 51-aad ee Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2025, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inay "aad u yar tahay" in Mareykanku uu waligiis awood u adeegsado Canada. Wuxuu yiri "taas beddelkeeda, waxay sii wadi doonaan inay isticmaalaan cadaadis dhaqaale si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda siyaasadeed."
"Madaxweyne Trump wuxuu sameeyay wax ka badan waxa uu sameeyay qof kasta oo kale si uu u ilaaliyo dadka sharafta leh ee Canada," ayay Aqalka Cad ku sheegeen bayaan ay u direen BBC-da toddobaadkan.
Khubarada dhanka milatariga ee la hadlay BBC-da ayaa iyaguna aaminsan in suurtagalnimada ah in Mareykanku uu weerar ku qaado Canada ay aad u hooseyso. Sida ay sheegeen, labada dal waxay iska kaashadaan dhinacyo badan oo la xiriira difaaca.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa si cad u saameynaysa fikirka dadweynaha Canada.
Ka dib markii Mareykanku uu bishii Janaayo xiray Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro, in ka badan 30% dadka reer Canada ayaa sheegay inay arkayeen suurtagalnimada in Mareykanku uu weerar ku qaado Canada, sida lagu sheegay sahan ay sameysay shirkadda Ledger.
Maxaa weerar Maraykanku qaado uusan suurtagal u ahayn?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dagaal dhexmara Canada iyo Mareykanka ayaa noqon lahaa mid aad u cakiran oo ku dhow wax aan la qiyaasi karin, sida uu sheegay sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Cirka ee Canada, Lieutenant General Christopher Coates, kaas oo ciidanka ku jiray muddo 34 sano ah, kana soo qabtay xilal sare oo kala duwan.
"Waxaan ka qaybqaatay hawlgallo ciidan intii aan ku guda jiray shaqadayda, balse weligeen kama aannaan fikirin suurtagalnimada in weerar ciidan lagu qaado Canada iyadoo laga duulayo dhulka Mareykanka," ayuu u sheegay BBC-da.
Christopher Coates, oo ka qaybqaatay hawlgallada gaashaanbuurta NATO, ayaa sheegay in "Canada iyo Mareykanka ay iska kaashadaan dhinacyo badan oo la xiriira difaaca."
Labada waddanba waxay xubno ka yihiin Ururka Heshiiska Waqooyiga Atlantic (NATO), kaas oo waajibinaya in dalalka xubnaha ka ah ay difaacaan dal kale oo xubin ka ah haddii la soo weeraro.
Intaas waxaa dheer, labada waddan waxay si wadajir ah u fuliyaan hawlgallo lagu difaacayo gobolka Arctic-ga iyagoo hoos tagaya Taliska Difaaca Hawada iyo Cirka ee Waqooyiga Ameerika, waxayna inta badan is-dhaafsadaan xogta sirdoonka.
Sida uu qabo Christopher Coates, "Xaaladahan oo kale, haddii Mareykanku uu go'aansado inuu weeraro Canada, waxay u badan tahay inuu ku bilaabo habab aamusan oo aan si weyn loo dareemin, sida dagaalka dhanka internet-ka, halkii uu adeegsan lahaa tallaabo ciidan oo toos ah."
Canada iyo Mareykanku mar walba ma aysan ahayn saaxiibbo isku fiican.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Canada iyo Mareykanka waxay noqdeen xulaf dabiici ah qeybtii labaad ee qarnigii 20-aad, waqti ka dibna, xiriirka dhaqaale, militari iyo midka dhaqan ee ka dhexeeya labada dal ayaa sii xoogeystay.
Laakiin mar walba sidaas ma ahayn.
Sida uu sheegay Tim Foran, oo ah cilmi-baare ka tirsan Matxafka Dagaalka ee Canada, diidmada ku aaddan ballaarinta awoodda Mareykanka ee qarniyadii 18-aad iyo 19-aad waxay ahayd qayb aasaasi ah oo ka mid ah aqoonsiga qaran ee Canada.
"Cabsi laga qabo Mareykanka ayaa saldhig u ah jiritaanka siyaasadeed ee Canada," ayuu yiri.
Canada asal ahaan waxay ku timid iyadoo ahayd meel la isugu keenay nuucyo kala duwan oo gumeysigii Ingiriiska ah taa oo ku taalla Waqooyiga Ameerika. Kuwani waxay ahaayeen dad daacad u ahaa boqortooyada Ingiriiska inkastoo ay jireen kacdoonno ka dhan ahaa Boqortooyada Ingiriiska oo ay sameeyeen gumeysiyadii ku yaallay dhulka maanta loo yaqaan Mareykanka.
Xitaa ka hor inta aan la aasaasin Canada, Mareykanka wuxuu isku dayay inuu la wareego gumeysigii Ingiriiska ee Waqooyiga Ameerika. Sannadkii 1775-kii, ciidamada Mareykanka ayaa la wareegay gacan ku haynta Montreal, waxayna ku dhawaadeen inay qabsadaan magaalada Quebec.
Intii lagu jiray Dagaalkii 1812-kii, ciidamada Mareykanka ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday dhulalkii markaas loo yaqaanay Upper Canada, Lower Canada, iyo Maritime Colonies, balse dagaalku wuxuu ku dhammaaday natiijo la'aan. Isla dagaalkaas dhexdiisa, ciidamada Ingiriiska ayaa si weyn loo xasuustaa inay dab qabadsiiyeen Aqalka Cad (White House) iyagoo ka jawaabaya tallaabooyinkii Mareykanka.
Sida uu sheegay Tim Foran, "Mudadaas, gumeysiyadii markii dambe noqday Canada waxay difaacooda ku tiirsanaayeen Ingiriiska iyo Ciidanka Badda ee Boqortooyada, halka dagaallada waaweynna ay shakhsiyaad ka soo jeeda qabaa'ilka asaliga ah ay ka soo qayb qaateen hoggaaminta ciidanka, sida saraakiisha sare."
























