Haweeneey toogasho lagu fuliyay oo dhiman waysay - 'weligay ma arag toogasho la mid ah tan Christa Pike'

Christa Pike oo dil lagu xukumay
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wariye Michael Graczyk ayaa ka warramay ku dhawaad 500 oo xukun oo dil ah oo ka dhacay gobolka Texas kuwaas oo uu goob joog u ahaa. Michael oo shaqadii AP ka fariistay 2018-kii wuu la sii socday xukunada dilka ah ee ka dhacayay gobolka.

Wuxuu xusuustaa laba dhacdo oo cirbadihii la isticmaalayay ay dibadda uga soo baxeen qofka la dilayay. Si xukunka loo fuliyo waa lagu celiyay. Laakiin Michael weligiis ma uusan arag maxbuus ka badbaaday xukunka dilka.

Toddobaadkan waxa ka dhacay Tennessee ayaa taas soo afjaray markii Christa Pike oo 50 jir ah la sii maqlay neefteeda kaddib markii labo kuuro oo suntii lagu dilayay la siiyay.

Michael Graczyk oo 76 jir ah wuxuu sheegay in uusan la yaabin arrintan oo mararka qaar waan maleynaayay ayuu yiri in tani oo kale ay dhici karto.

Wariye Michael Graczyk ayaa ka warramay ku dhawaad 500 oo xukun oo dil ah oo ka dhacay gobolka Texas

Habka fulinta xukunka dilka ee Tennessee wuxuu dhigaya in la diyaariyo cirbado labaad oo ay ku jirto "Pentobarbital" haddii qofka la dilayo uusan dhiman kaddib cirbadihii ugu horreeyay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Hase yeeshee, habraacu si cad uma qeexayo waxa dhacaya haddii qofku weli nool yahay kaddib cirbadda labaad.

Guddoomiyaha gobolka Tennessee, Bill Lee, ayaa hakiyay xukunnada dilka ee gobolka kaddib fashilkii habeenkii Arbacada, isagoo amray in si madax-bannaan dib loogu eego habraacyada.

Xukunnada dilka ee guuldareystay ayaa si weyn loo baarayay tobankii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii dawooyinka loo isticmaalo xukunnada dilka oo yaraaday ay keentay in qaar ka mid ah gobolladu beddelaan isku-darka dawooyinka ama ay dawooyin ka helaan ilo aan sidaas loo hubin. Qaar ka mid ah gobolladuna waxay xitaa dib u soo celiyeen in dadka lagu dilo toogasho.

Qareenka Pike ayaa sheegay in ay hadda isbitaal ku jirto, halkaas oo ay ka helayso "daryeel naf-badbaadin ah".

Sariirta dadka lagu dilo
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ma ahan wax gebi ahaanba aan caadi ahayn in xukunnada dilka, ee cirbadaha loo adeegsado oo ah habka ugu badan ee ciqaabta dilka looga fuliyo 27-ka gobol oo Maraykanka ah, ay guuldareystaan.

Xarunta Xogta Dilka Toogashada oo ah hay'ad cilmi-baaris waxay xukun dil oo guuldareystay ku qeexdaa mid ay ku jiraan "dhibaatooyin ama dib-u-dhacyo aan la filayn oo keenay xanuun aan loo baahnayn oo soo gaaray maxbuuska.

Hay'addu waxay diiwaangelisay 64 xukun oo dil ah oo aan guuleysan oo dhacay tan iyo 1982-dii, kuwaas oo 51 ka mid ahi ahaayeen kuwa loo adeegsaday cirbad.

Graczyk ma arag xukun dil ah oo qofka marka lagu duray cirbadda uu dhimman waayay.

Graczyk oo 46 sano wakaaladda wararka AP uga warramay dilalka ayaa u arka joogistiisa sida dilka u dhacayo arrin muhiim ah.

Sida laga soo xigtay Xarunta Xogta Dilka Toogashada, waxaa Maraykanka laga fuliyay 1,683 xukun dil ah tan iyo 1976-dii, oo ahayd sannadkii Maxkamadda Sare ee Maraykanku dib u soo celisay ciqaabta dilka.

Wariye Tennessea

Texas ayaa fulisay tirada ugu badan marka loo eego gobollada kale ee Mareykanka, iyadoo fulisay 602 xukun oo dil ah. Sannadkii 1982-dii, wuxuu noqday gobolkii ugu horreeyay ee cirbad ku dila qof.

Inkasta oo Graczyk uu shaqada ka fariistay, haddana wuxuu si madax-bannaan ugu shaqeeyaa AP, isagoo ka warrama xukunnada dilka ee ka dhaca gobolkiisa.

"Maanta, dhammaan diiradda waxaa lagu hayaa maxbuuska Tennessee," ayuu yiri. "Ilmo looma daadinayo dhibbanaha, marka laga reebo qoyskiisa dhow … waan fahmay in taasi tahay shaqada aan hayno, laakiin taasi macnaheedu ma aha in ay sax tahay."

Dhibbanihii Pike wuxuu ahaa Colleen Slemmer, oo ahayd 19 jir asal ahaan ka soo jeeday Florida, waxayna jeclayd in ay dhoolla-caddayso, dadka kalena caawiso, sida ay sheegeen asxaabteeda iyo qoyskeedu.

Slemmer waxaa jirdil iyo dil ugu geystay Pike, oo markaas 18 jir ahayd, iyo saaxiibkeed xilligaas, Tadaryl Shipp, kaddib markii ay kula kulmeen goob tababar shaqo.

Graczyk wuxuu sheegay marka xukunnada dilka ah ay si guul leh u dhacaaan, maxbuuska "si muuqata ayuu u miyir daboolmaa, dhowr ilbiriqsi gudahood".

Wuxuu sheegay in badanaa lagu dhawaaqo in uu dhintay qofka 20 ilaa 40 daqiiqo kaddib marka la siiyo sunta lagu dilayo.

Graczyk wuxuu weli xusuustaa dhimashadii Jonathan Nobles, oo cirbad lagu dilay gudaha Texas sannadkii 1998.

Waxaa lagu xukumay dil kaddib markii lagu helay dambiga ah in uu si naxariis darro ah mindi ugu dilay laba haween ah oo Austin degganaa sannadkii 1986. Waxaa la kala oran jiray Kelley Fraquhar iyo Mitzi Johnson-Nalley. Dhacdadaasi waxay maskaxda Graczyk ku sii jirtay ku dhowaad 30 sano.

"Dadka badankoodu fursad uma helaan inay daawadaan qof dhimanaya," ayuu yiri.

Laakiin marka dadku weydiiyaan waxa uu arkay, wuxuu u sheegaa in "taasi aysan ahayn waxa keliya ee aan sameeyay, sameeyo ama aan hore u soo sameeyay."