Mareykanka oo 20 sano kadib si buuxda ciidamadiisa ugala baxaya dalka Ciraaq

.
Published
Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Arbacadan, Mareykanka ayaa gebi ahaanba ula baxaya ciidamadiisii ugu dambeeyay ee ku sugnaa Ciraaq, taas oo soo geba-geyneysa joogitaan milatari oo socday in ka badan 20 sano.

Go'aankan wuxuu astaan u yahay soo afjaridda joogitaanka milatari ee Mareykanka ee ka soo bilowday duulaankii 2003-dii ee xukunka looga tuuray Saddam Hussein, kaas oo ay ku xigtay sanado badan oo Ciraaq ay la tacaalaysay kacdoon hubeysan iyo colaado diimeed.

Inkasta oo ciidamada Mareykanka ay Ciraaq ka baxeen 2011-kii, haddana waxay dib ugu soo laabteen 2014-kii si ay gacan uga geystaan ciribtirka kooxda Daacish (IS).

Bixitaankan ugu dambeeya wuxuu ku soo aaday xilli ay xiisadda joogtada ah ee Iran awgeed, shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ay mar kale bartilmaameed u noqdeen weerarro.

Si kastaba, khubaradu waxay qabaan in saameynta Mareykanka ee Ciraaq aysan ku ekaan doonin bixitaanka ciidamada oo keliya.

Maxaa keenay go'aankan?

US troops

Rasmi ahaan, bixitaankan wuxuu ka dhashay heshiis 2024-kii dhex maray Washington iyo Baghdad, kaas oo dhigayay in la soo afjaro Howlgalka Xallinta Asalka ah oo afka qalaad lagu dhaho (Operation Inherent Resolve) — howlgalka isbahaysiga caalamiga ah ee uu Mareykanku hoggaamiyo ee lagula dagaalamayay Daacish.

Xilligii ugu kululaa ee dagaalka Ciraaq ee 2007-dii, in ka badan 170,000 oo askari oo Mareykan ah ayaa la geeyay Ciraaq. Markii la gaaray December 2023, ka hor heshiiska bixitaanka, tiradaas waxay hoos ugu dhacday ilaa 2,400 askari, sida uu xaqiijiyay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM).

Wixii intaas ka dambeeyay, ciidamada Mareykanka waxay si tartiib-tartiib ah u yareeyeen joogitaankooda, iyagoo hadda ku haray tiro yar oo ku sugan oo keliya gobolka Kurdistan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Bixitaankan waxaa lagu heshiiyay xilligii dowladdii hore ee Ciraaq, kadib markii howlgalkii lagu wiiqay Daacish uu ka hana-qaaday gudaha Ciraaq," ayuu yiri Safwan Al-Amin, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Hindisaha Ciraaq ee Atlantic Council ee Washington.

Go'aankan ayaa sidoo kale ka tarjumaya cadaadiska siyaasadeed ee muddada dheer ka taagnaa gudaha Ciraaq.

Douglas Silliman, oo ahaa safiirkii Mareykanka ee Ciraaq intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2019, ayaa tilmaamay in dowladihii Ciraaq ee xigay ay si joogto ah wajahayeen baaqyo lagu dalbanayay in la soo afjaro joogitaanka milatari ee Mareykanka, maadaama qeybo badan oo shacabka ah ay u arkaan mid dhaawaceysa madax-bannaanida dalka.

"Laba dowladood oo is xig-xigay oo Ciraaq ah, oo ay cadaadis xooggan ku saarayeen kooxo taageersan Iran iyo qeybo ka mid ah bulshada Shiicada, ayaa ku adkeysanayay in ciidamada Mareykanka dalka laga saaro," ayuu Silliman, oo hadda ah madaxa Machadka Dowladaha Khaliijka Carabta ee Washington, u sheegay BBC-da.

Ciidamada Mareykanka waxay Ciraaq ka baxeen 2011-kii xilligii madaxweyne Barack Obama, hase yeeshee waxay dib ugu soo laabteen saddex sano kadib, kadib codsi rasmi ah oo ka yimid Baghdad, xilli ay Daacish qabsatay dhulal ballaaran oo dalka ka mid ah. Wixii markaas ka dambeeyay, doorkoodu wuxuu isku beddelay dagaal toos ah oo uu noqday mid ku kooban tababar, talo-bixin iyo is-dhaafsi xog sirdoon.

ISIS

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in waqtiga bixitaanka ciidamada bishan uu la xiriiro walaaca amni ee taagan, halkii uu ka ahaan lahaa soo gabagabeyn rasmi ah oo howlgalkii lagula dagaalamayay Daacish.

"Arrintani waxay ku saabsan tahay halista amni ee jirta, ee ma ahan Daacish; cudurdaarkaas wuxuu gaboobay sanado ka hor," ayuu yiri H.A. Hellyer, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee RUSI ee UK.

Hellyer wuxuu tusaale u soo qaatay weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarumaha Mareykanka ee woqooyiga Ciraaq, iyadoo ay jirto xiisad goboleed oo Iran ku lug leedahay, wuxuuna xusay in Washington ay si tartiib tartiib ah u bilowday inay u aragto ciidamada yar ee halkaas ku haray inay yihiin kuwo si fudud loo beegsan karo.

Al-Amin ayaa aragtidan qaba, isagoo sheegay in saraakiisha Washington iyo Baghdad ay mar hore ka wada hadleen in la sii hayo ciidan Mareykan ah oo kooban xitaa kadib marka uu soo dhammaado howlgalka isbahaysiga.

"Marka la fiiriyo tirada yar ee ciidamada iyo awoodooda xadidan, dagaalka lala galay Iran wuxuu caddeeyay in joogitaankoodu khatartiisu ay ka culus tahay wax-tar-kiisa," ayuu yiri.

Maxaa ka haray raadkii Mareykanka ee Ciraaq?

Bush

In ka badan labaatan sano kadib duulaankii Ciraaq, qiimeynta raadkii milatari ee Mareykanku halkaas kaga tagay ayaa weli ah mid isku qasan oo muran badan dhalinaysa.

Al-Amin ayaa arrintan ku tilmaamay "isku dhafka wax walba".

"Duulaankii Mareykanka ma uusan gaarin hadafyadii loo dejiyay, isbeddelkii nidaamkana ma buuxin rajadii Ciraaqiyiinta ee aheyd inay helaan dal deggan oo horumara," ayuu yiri, isagoo ku dooday in gobolka uu noqday mid aan xasilloonayn, taasoo u sahlay Iran inay sii ballaariso awooddeeda.

Silliman wuxuu qirsan yahay in kala-guurku uu ahaa mid qasan, balse wuxuu tilmaamay in Ciraaqiyiin badan ay sanadihii ugu dambeeyay u sheegeen inay qiimeynayaan isbeddelka siyaasadeed ee ka dhashay burburkii xukunkii Saddam Hussein.

Fikradda ah in "Ciraaq ay tahay inay ku dhaqanto dimuqraadiyad ku dhisan matalaad shacab" ayaa si qoto dheer u xididaysatay, inkastoo "ku dhaqanka iyo ku adkaysiga qiyamka dimuqraadiyadda bulsho aan horey u lahayn ay qaadanayso waqti dheer," ayuu ku dooday.

Yerevan Saeed, oo ah madaxa Hindisaha Caalamiga ah ee Nabadda Kurdida ee Jaamacadda American University ee Washington, ayaa isna aragti rajo leh ka qaba. "Burburkii nidaamkii hore wuxuu ahaa guul weyn," ayuu yiri, isagoo ku andacoonaya in kuwa dhaliila ay iska indha tirayaan dulmigii bahalnimada lahaa ee uu soo afjaray isbeddelkaasi.

Inkastoo musuqmaasuqu weli uu jiro, wuxuu aaminsan yahay in Ciraaq maanta ay leedahay xorriyad siyaasadeed iyo kala duwanaansho fikradeed oo ka badan tii ka jirtay ka hor 2003-dii, isagoo si gaar ah u tusaaleeyay xaaladda Kurdistan-ka Ciraaq.

Hellyer ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray in dhaxalka lagu qiimeeyo dimuqraadiyad-dhisid.

"Waa in dadku joojiyaan su'aasha ah in Mareykanku dimuqraadiyad ka dhisay Ciraaq. Jawaabtu waa maya, waana arrin gebi ahaanba soo dhamaatay," ayuu yiri.

Marka laga eego dhinaciisa, saameynta ugu weyn ee ka dhalatay waa mid goboleed: "Riddistii Saddam waxay ugu dambayntii keentay in shabakadaha Iran ay si qoto dheer u galaan gudaha dowladda Ciraaq, iyagoo buuxiyay faaruqii dheelitirnaanta awoodda ee uu Washington meesha ka saaray".

Si kastaba ha ahaatee, afarta khabiirba waxay isku raacsan yihiin in Ciraaq weli ay ka fog tahay inay noqoto dimuqraadiyad xasilloon oo ay siyaasad-dejiyayaasha Mareykanka ku riyoonayeen 2003-dii.

Musuqmaasuqu wali waa mid baahsan, kooxaha hubeysan-na waxay weli saameyn xooggan ku leeyihiin garabka dowladda rasmiga ah, gaar ahaan kooxaha ugu xagjirsan ee ka tirsan Ciidamada Isu-xilqaanka Shacabka ee Ciraaq (PMF), oo ah isbahaysi ay u badan yihiin maleeshiyaad Shiico ah oo ay Baghdad ku hawlan tahay sidii ay si buuxda ugu hoos keeni lahayd gacanta dowladda.

Maxaa xigi doona?

Saddaam

Al-Amin uma arko bixitaanka inuu yahay dhamaadka saameynta Mareykanka ee Ciraaq.

Mareykanka wali wuxuu Ciraaq ku leeyahay saameyn ballaaran, maadaama dhaqaalaha Ciraaq uu si weyn ugu tiirsan yahay iibka saliidda ee lagu kala gado doollarka Mareykanka. Sidoo kale, Ciraaq waxay wali u baahan tahay Mareykanka xagga iibka hubka iyo taageerada diblomaasiyadeed ee uu siiyo marka ay wajahayso caqabadaha kaga yimaada deriskeeda gobolka.

Sida uu qabo Saeed, saameyntaas qeyb ka mid ah waxaa si muuqata looga arki karaa joogitaanka diblomaasiyadeed ee ballaaran ee Washington ku leedahay Ciraaq gudihiisa.

"Baghdad waxaa ku taalla safaaradda ugu weyn ee uu Mareykanku ku leeyahay caalamka. Erbil-na waxaa ku taalla qunsuliyadda ugu weyn ee Mareykanka adduunka," ayuu yiri, isagoo carrabka ku adkeeyay in labada xarumoodba ay u baahan doonaan ilaalin joogto ah marka ay ciidamadu isaga baxaan dalka.

Silliman wuxuu saadaalinayaa in la sii wadi doono waxa uu ku tilmaamay "xiriir milatari oo aad u dhow", kaasoo ay ku jirto taageero joogto ah oo dhanka tababarka iyo qorsheynta ah oo la siiyo ciidanka Ciraaq, Ciidanka La-dagaallanka Argagaxisada iyo Peshmerga-ga, oo ah ciidanka qalabka sida ee maamulka ismaamulka ah ee Kurdistan.

Hase yeeshee, su'aasha ugu weyn ee aan wali caddayn waxay ku aaddan tahay maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerto Iran. Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq, Ali al-Zaidi, ayaa asal ahaan qorsheeyay in dhammaantood si buuxda loo hoos geeyo amarka dowladda marka la gaaro 30-ka Sebteembar, balse wararku waxay tilmaamayaan in maleeshiyaadku ay dalbanayaan in waqtiga loo dheereeyo ilaa dhamaadka 2027-ka.

Khabiiradu isku aragti kama aha suurtagalnimada jadwalkan.

"Taasi ma dhici doonto," ayuu yiri Saeed, isagoo farta ku fiiqay sida qotada dheer ee ay xididada maleeshiyaadku ugu hayaan nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Ciraaq, ku lahaanshahooda kuraasta Baarlamaanka iyo xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Tehran.

Hasa-yeeshee, Silliman wuxuu arkaa rajo wanaagsan. Haddii ciidamada Mareykanka aysan joogin oo ayan u noqon meel ay isku hallayn karaan, maleeshiyaadku waxay lumin karaan kaar siyaasadeed oo muhiim ah, taasoo Baghdad siinaysa fursad weyn oo ay cadaadis dheeraad ah ku saarto kooxahaas madax-adaygga ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digayaa halis ka sii culus: "Waxaan la hadlay dhowr Ra'iisul Wasaare oo Ciraaqi ah, xitaa ka hor intii aanan noqon safiir, kuwaas oo ka cabsi qaba in arrintani ay horseedi karto iska-hor-imaad hubeysan ama xitaa dagaal sokeeye oo ka dhex qarxa Ciraaq gudihiisa".

Saeed isna wuxuu ka baqayaa in Daacish ay dib u soo laba kacleeyso, sida ku dhacday kadib markii ciidamadu ay baxeen 2011-kii.

Wuxuu dib u xasuustay in markii ciidamada Mareykanka ay baxeen, dowladdii ay Shiicadu hoggaaminaysay ee Baghdad ay bilowday inay xirxirto oo ay sifeyso hogaamiyayaashii Sunniga ahaa ee ku jiray nidaamka siyaasadda, taas oo uu sheegay inay ku kaliftay Sunni badan inay qaataan jidka xagjirnimada, islamarkaana gacan ka geysatay soo ifbaxa Daacish.

Inkastoo ay sii kordheyso walaaca ka dhex jira bulshooyinka Sunniga ee ku aaddan sida mustaqbalka loola dhaqmi doono, Saeed wuxuu digniin ka bixinayaa in halista dib u soo noolaynta xagjirnimadu ay tahay mid aad u weyn.

Silliman dhinaciisa wuxuu u arkaa arrinta si rajo wanaagsan leh, wuxuuna ku doodayaa in ciidamada ammaanka Ciraaq ay maanta aad uga awood badan yihiin sidii ay ahaayeen toban sano ka hor, islamarkaana ay si fiican ugu diyaar garoobeen in ay ka hortagaan khatar kasta oo noocaa ah.

Marka laga eego heer gobol, khubaradu waxay leeyihiin in ka bixitaanka ciidamadu uu keenayo su'aalo cusub oo ku saabsan isku dheelitirnaanta awoodda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ee gudaha Ciraaq.

Al-Amin wuxuu saadaalinayaa in Iran ay "xoojin doonto tallaabadeeda haddii ay fursad u hesho" wuxuuna ka digayaa in ka bixitaankan ugu dambeeyay aan loo qaadan inuu yahay mid gabi ahaanba dhammaaday oo aan dib u soo laaban doonin.

"Ciidamada Mareykanka waxay horey uga soo baxeen Ciraaq sanadkii 2011-kii, balse dhowr sano kadib ayay dib u soo laabteen," ayuu yiri.

"Tani waa xiritaanka cutub ka mid ah taariikhda, balse ma ahan cutubka ugu dambeeya."