Soomaaliya oo sheegtay in Turkigu uu markaan u soo jeesanayo macdanteeda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkan natiijooyin wax ku ool ah ka filaysa howlaha shidaal qodista iyo gaaska badda ee Turkiga, waxayna sidoo kale isha ku haysaa sidii ay u sii xoojin lahayd wadashaqeynta Ankara ee dhanka macdanta, sida uu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo u waramay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.
Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay u gudbeen waji cusub oo iskaashi dhanka tamarta ah kadib markii ay dhameeyeen sahanadii seismic ee xeebaha Soomaaliya ayna bilaabeen howlo qodis ah, Maxamed ayaa u sheegay Anadolu.
"Iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan kheraadka ayaa hadda gelaya wajigii labaad, halkaas oo aan ka wadno qodista," ayuu yiri wasiirku.
Maxamed waxa uu sheegay in la soo gaba gabeeyay xog uruurintii seismic-ka, lana falanqeeyay, lana fasiray, waxaana hadda socda qodista ceelkii ugu horeeyay ee xeebaha ka baxsan.
Wuxuu sheegay in mashruucan uu ka tarjumayo sida ay uga go'an tahay labada dowladood iyo xiriirka dhow ee ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
"Aad ayaan ugu hanweynahay in aan natiijo wanaagsan ka heli doono dhamaadka sanadkan," ayuu raaciyay hadalkiisa.
Isagoo ka gaabsaday inuu qiyaaso kaydadka suurtagalka ah, Maxamed wuxuu sheegay in Soomaaliya ay filayso natiijooyin dhiirigelin leh marka la dhammeeyo hawlaha qodista iyo qiimaynta farsamada.
Maxamed ayaa sheegay in daah-fur kasta oo ganacsi uu kaalin weyn ka qaadan karo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyadoo loo marayo shaqo abuur iyo maalgashi.
Waxa uu intaa ku daray in tababarada iyo iswaydaarsiga aqoonta ay sidoo kale qayb muhiim ah ka ahaayeen heshiiska labada dal.
"Iyada oo qayb ka ah heshiiska isfahamka, khubarada maxalliga ah waa in lagu tababaraa waayo-aragnimada shaqo," ayuu yiri. "Ugu dambeyntii, Soomaalidu waa inay awoodaan inay qabtaan shaqada ay hadda qabtaan khubarada (ajnabiga)."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Turkiga oo u soo jeestay dhinac macdanta
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kulan uu magaalada Istanbul kula qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar, Maxamed ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen dardargelinta iskaashiga dhinacyada is-fahamka macdanta ee 2016-ka.
"Waxaan rabnaa inaan dib u eegis ku sameyno Is-fahamkaas oo aan aragno halka aan ka bilaabi karno," ayuu yiri. "Ugu yaraan (waxaan rabnaa) inaan sameyno guddi farsamo si ay u eegaan xogta aan hayno."
Maxamed waxa uu sheegay in Soomaaliya ay haysato kheyraad badan oo macdan ah, kuwaas oo u dhexeeya ciidda silica ilaa Yuranium-ka, iyo in khibradda farsamo ee Turkiga ay gacan ka geysan karto khariidadda iyo horumarinta kaydkaas.
"Dalkeena wax badan buu ku haystaa dhulka hoostiisa," ayuu yiri. "Waxaan rabnaa inaan soo saarno oo aan u horumarino si nabad ah, macquul ah, iyo hab saaxiibtinimo."
Maxamed ayaa sheegay in iskaashiga dhanka tamarta ee labada dal uu sidoo kale gacan ka geysan karo amniga tamarta gobolka.
"Markaad eegto dhibaatada tamarta adduunka, waxaa aad u cad in waddanna uusan keligiis sameyn karin amniga tamarta," ayuu yiri. "Ku tiirsanaanta hal il oo kaliya ayaa sidoo kale ah mid adag, sidaas darteed waa in la helaa wadooyin kala duwan kuwaas oo dammaanad qaadi kara amniga tamarta ee dalka."
Xiriirka dhinac tamarta ee labada dal
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa si weyn u ballaariyay xiriirka tan iyo 2011-kii ee dhanka difaaca, kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo ganacsiga, iyadoo iskaashiga tamarta uu soo ifbaxayo mid ka mid ah dhinacyada istaraatiijiga ah ee iskaashiga.
Sida ku cad heshiiska sahaminta iyo soo saarista haydaroo-karboonka ah ee u dhexeeya labada waddan, markabka Oruc Reis ayaa sahanno seismic ah ka sameeyay xeebaha Soomaaliya kaas oo lagu ogaaday aagag rajo leh oo xeebaha ah.
Ka dib wejigii sahanka, hawlgallada qodista biyaha qotada dheer ayaa bishii Abriil ka bilaabmay badda Soomaaliya iyada oo lagu bilaabay ceelka Curad-1. Ololaha qodista, oo uu fulinayo markabka Cagri Bey ee Turkiga laga leeyahay, ayaa la filayaa inuu socdo muddo lix ilaa sagaal bilood ah, iyadoo ay ku xiran tahay xaaladaha cimilada iyo badda.











