Maxay dareemaan ragga iyo dumarku marka ay Timuhu ka daataan?

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Xilli fiid ah, anigoo isu diyaarinaya dhalashada saaxiibaday, 17 maalmood kaddib fadhigeygii ugu horreeyay ee Kimikada ee kansarka naasaha, timahaygu waxay bilaabeen in ay si kedis ah ugu daataan Musqusha qubayska ee hoteelka.

In kasta oo aan xidhnaa koofiyada, si ay timaha u badbaadiso, haddana ii ma shaqayn. Luminta timahayga waxay iiga xanuun badnayd xataa naaskii la iiga jaray qalliinka, sababtoo ah waxaan ogaaday in timuhu ay qayb ka ahaayeen aqoonsiga qofnimadayda.

Hadda, saynisyahano u dhashay dalka Jabbaan ayaa rumeysan inay hal tallaabo u jirsadaan inay wax ka beddelaan xaqiiqda daadashada timaha ee malaayiin dad ah haysata. Koox uu horkacayo Prof Takashi Tsuji ayaa ku guuleystay in ay dib u abuuraan oo ay u fiirsadaan bixitaanka timaha jiirka—taas oo macnaheedu yahay in timuhu bixi karaan, daadan karaan, dibna u bixi karaan si dabiici ah, waana arrin cilmi-baadhayaashu ku tilmaameen "guul weyn".

Dumarka la nool daadashada timaha, ha noqoto daawaynta kansarka, cudurka alopecia, ama gabowga e', waxay guulahan oo kale ku tilmaamayaan wax mar loo haysan jiray wax aan macquul ahayn: in timo lumay dib loo beeri karo.

Timaha iyo taariikhda

Taariikhda, timuhu marnaba ma noqon unugyo iska baxa oo kaliya. Reer Masar-kii hore iyo reer Yurub-kii qarnigii 17-aad, timaha la farshaxaneeyay ama Wig-ga loo yaqaanno waxay u ahaayeen astaan muujisa awoodda, maalka, iyo heerka sare ee bulshada. Sidoo kale, sannadihii 1920-aadkii, timaha gaagaaban ee dumarku waxay calaamad u ahaayeen xorriyadda.

Sida ay sheegtay dhakhtarada dhimirka ee Sylvia Karasu, timuhu waa astaan bayooloji iyo mid bulsho oo lagu aqoonsado jinsiga, jinsiyadda iyo diinta qofka. Sidoo kale, timuhu waxay ku xiran yihiin sharafta bini'aadamka; sidaas darteed, in qofka timaha khasab looga xiiro waxaa taariikhda loo adeegsan jiray in lagu bahdilo ama lagu tirtiro aqoonsigiisa, dhalashadiisa, iyo bini'aadantinimadiisa, sidii ka dhacday xeryahii Naasiga ee Jarmalka iyo ciqaabtii dumarkii Faransiiska ee lala xiriiriyay Jarmalka sannadkii 1944-kii.

'Ma aha wax sahlan'

Wareysiyo lala yeeshay dumar qabay kansarka naasaha ayaa muujiyey in welwelka daadashada timahu aanu ahayn kibir ee uu yahay aqoonsi iyo dhaqan, iyadoo dumarku aysan rabin inay u muuqdaan kuwo jirran. Hadallada dhayalsiga ah ee ah waxay noqon jireen xanuun dheeri ah.

Maadaama cudurka kansarku yahay mid aan qofku xakameyn karin, dumarka qaar waxay doortaan in ay iska xiiraan timaha ka hor intaanay iskood u daadan, si ay u dareemaan in ay iyagu maamulayaan xaaladdooda halkii ay si murugo leh u daawan lahaayeen timaha oo daadanaya.

Timo macmal ah

"Inta u dhaxeysa 50% ilaa 75% ee timahayga ayaa daatay intii ay socotay daawaynta Kimikada. Waxay ahayd wax si aan la rumaysan karin qofka u niyad-jbiya. Waxaan xasuustaa anigoo fadhiya goob timaha la gashado lagu iibiyo oo ku taal Richmond, iyadoo gabadha leh ee Amy Holt ay si tartiib ah u shanlaynayso timahayga isku dhex-murugsan iyadoo ay xidhmo-xidhmo waaweyn u soo dhacayaan. Kaliya waan ooyay."

Sida ay sheegtay Diane Trusson oo ah cilmi-baare caafimaad oo ka tirsan Jaamacadda Nottingham, daadashada timaha ka sokow ogaanshaha cudurka waa "laba dhibaato oo isku darsamay".

"Waxaa laguu sheegay in aad kansar qabto, ka dibna waxaad bilaabaysaa daawaynta, dabeetana waxaa kugu dhacaya arrintan naxariis-darrada ah oo beddelaysa qaabka ay dadku kuu arkaan. Waa uun dhibaato dheeri ah oo aad la tacaalayso iyadoo ay kuu dheer tahay qalliinka iyo daawaynta aadka u xun."

Caqabadaha hor taagan Sayniska

Saynisyahannadu si buuxda uma fahansana cilmiga timo-lumista. Sida ay sheegtay Claire Higgins, oo borofisoor ka ah Imperial College London, cilmi-baadhista dhanka dumarka aad baa loo dhayalsaday, waxaana ku yar maalgelinta iyo feejignaanta.

Inta badan baaritaannada waxaa diiradda lagu saaray ragga, sababtoo ah waxay u badan yihiin kuwa mara qalliinka timaha lagu abuuro, taas oo saynisyahannada u fududaysay in ay helaan muunado maqaarka madaxa ah. In kasta oo dadku u haystaan in timo-lumista ragga iyo dumarku isku mid yihiin, haddana khubaradu ma qabaan sidaas. Daraasadihii waaweynaa ee lagu aqoonsaday hidde-sidayaasha keena timo-lumista, waxaa dhammaantood lagu sameeyay ragga oo kaliya.

Dhowaan, khubaro reer Jarmal ah ayaa baaris ku sameeyay hiddasidaha keena daadashada timaha ee dumarka, taasi oo inta badan ka muuqata dusha sare ee madaxa. Saynisyahannadu waxay markii hore moodayeen in ay heli doonaan ugu yaraan hiddo-sideyaal ay ka siman yihiin ragga iyo dumarka.

"Laakiin taasi ma dhicin," ayay tiri Higgins. Natiijooyinka cilmi-baarista ayaa daaha ka rogay in timo-lumista ragga iyo midka dumarka ay ka dhalan karaan sababo kala duwan," ayay tidhi.

Rajada cusub ee daadashada timaha

Sidaas darteed ayaa shaqada Prof Tsuji ee dalka Jabaan ay muhiim u tahay, maaddaama isaga iyo kooxdiisu ay heleen qayb ka dhiman cilmiga.

Muddo dheer, saynisyahannadu waxay rumeysnaayeen in ay jiraan laba nooc oo unugyo ah oo mas'uul ka ah bixitaanka timaha, kuwaas oo aan keligood shaybaarka ku bixi karin ilaa maqaarka lagu beero. Laakiin, Tsuji wuxuu ogaaday "nooc saddexaad oo unug oo cusub" oo taageera horumarka iyo dib-u-curashada timaha. Helitaankan wuxuu saynisyahannada u soo dhoweynayaa in ay timaha ku dhex bixiyaan shaybaarka, waana guul weyn oo wax ka beddeli karta daawaynta daadashada timaha.

Claire Higgins waxay sheegtay in daraasaddani tahay tallaabo aad u weyn, maaddaama cilmi-baadhisihii hore ay ku guuldarraysteen in ay shaybaarka ku dhex abuuraan timo oo si buuxda u shaqaynaya, bixi kara, daadan kara, dibna u soo noqon kara. Inkastoo cilmi-baaristan lagu sameeyay jiirka, loona baahan yahay shaqo adag si loogu dabbaqo bini'aadamka oo bixitaanka timahiisu ay aad u kakan yihiin, haddana Prof Tsuji wuxuu qabaa rajo weyn.

Dhanka kale, qoraagu waxay tilmaamtay in daadashada timaha ee xanuunka ka dhalata ay tahay mid qofka khasab ku ah. Waxay tusaale u soo qaadatay qoraal naxariis-darro ah oo baraha bulshada lagu baahiyay oo lagu dhaleeceeyay timaha macmalak ah ee Princess Catherine, iyadoo sheegtay in hadalkaas oo kale uu qofka jirran ku riixi karo in uu bulshada ka dhuunto.