Gabar kareemada la isku caddeeyo ka qaadday cudur halis ah oo ku dhaca kelyaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Gurpreet Kaur Saini
- Role, Wariyaha BBC-da
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Booliiska gobolka Kerala ee dalka Hindiya ayaa dacwad ka gudbiyay shirkad soo saarta kareemka maqaarka caddeeya, kaddib markii la sheegay in isticmaalka kareemkaasi uu gabadh 17 jir ah ku sababay cudur halis ah oo ku dhacay kelyaha.
Dhakhtarkii daweeyay gabadha ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku dhacday cudur saameeya awoodda kelyaha ee sifaynta dhiigga. Sida uu dhakhtarku sheegay, waxaa la tuhunsan yahay in cudurka uu sababay maaddada sunta ah ee meerkuriga oo kareemka laga helay.
Magaca gabadha lama shaacin si loo ilaaliyo aqoonsigeeda. Waxaa la sheegay in ay kareemka iibsatay kaddib markii ay baraha bulshada ku aragtay xayaysiis, iyadoo doonaysay in ay isaga daaweyso finan iyo baro madow oo wajigeeda ka soo baxay.
Khubarrada caafimaadku waxay sheegeen in qaar ka mid ah kareemada noocan ah ay ku jiri karaan biro sun ah sida meerkuriga iyo maaddada lead. Hase yeeshee, kareemadan waxaa lagu iibiyaa WhatsApp iyo baraha kale ee bulshada, taasoo adkaysa in hay'adaha dowladda ay si joogto ah ula socdaan shirkadaha soo saara.
Isbitaalka Aster MIMS Mother Hospital ee degmada Malappuram ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in shaybaar lagu sameeyay muunad laga qaaday kareemkii ay gabadhu isticmaali jirtay.
Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in kareemka uu ku jiray meerkuri gaaraya 12,500 qaybood halkii milyan (PPM). Taas oo ka dhigan in hal milyan oo qaybood oo walaxdaas ah ay 12,500 ka mid ahi ahaayeen meerkuri. Heerkaasi aad ayuu uga sarreeyaa xaddiga ugu badan ee meerkuriga ee loo oggol yahay waxyaabaha maqaarka caddeeya, kaas oo ah hal PPM.
Dhakhtarka ku takhasusay cudurrada kelyaha ee isbitaalka, Dr Satish K, ayaa sheegay in gabadha laga helay cudur loo yaqaan Membranous Nephropathy. Cudurkan wuxuu waxyeelleeyaa xuubka kelyaha ee dhiigga sifeeya, taasoo keenta in borotiin badan uu ka baxo jirka isaga oo raacaya kaadida.
Sidee ayay gabadhu ku xanuunsatay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gabadha ayaa sheegtay in ay kareemka billowday in ay ka iibsato baraha bulshada qiyaastii sanad ka hor. Muddadaas gudaheeda waxay iibsatay saddex dhalo oo kareemka ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay wargeyska Onmanorama u sheegtay in shirkaddu ku andacoonaysay in kareemka oo habeen kasta la marsado uu caawinayo baabi'inta finanka iyo midabka aan sinnayn ee maqaarka . Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in natiijooyinka la arki doono haddii si joogto ah loo isticmaalo.
Hase yeeshee, kaddib markii ay kareemka isticmaashay dhowr bilood, gabadha waxaa ku bilaabmay daal, madax-xanuun, wareer iyo hurdo la'aan. Waxaa sidoo kale bararay wajigeeda iyo lugaheeda. Sida ay sheegtay, mar ayay gaartay heer ay ku adkaatay in ay si toos ah u istaagto.
Isbitaalka ayaa sheegay in waalidka gabadhu ay keeneen iyadoo jirkeedu aad u bararsan yahay, isla markaana ay la soo derseen dhibaatooyin kale oo caafimaad.
Intii lagu jiray daaweyntii hore, markii dhakhaatiirtu arkeen in astaamaha xanuunku si aan caadi ahayn u sii kordhayaan, waxay ka shakiyeen in jirkeeda ay ku jirto maaddo sun ah.
Baaritaannada dhiigga iyo kuwa kale ee caafimaadka ayaa muujiyay in heerka meerkuriga ee jirka gabadha uu aad u sarreeyo. Intaas kaddib, dhakhaatiirtu waxay muunad ka qaadeen kareemkii ay isticmaali jirtay, si shaybaar loogu baaro.
Isbitaalka ayaa sheegay in baaritaanka lagu ogaaday in xaddiga meerkuriga ee kareemka ku jiray uu aad uga sarreeyay heerka badbaadada ee ay Hay'adda Dhexe ee Xakamaynta Heerarka Daawooyinka (CDSCO) ee Hindiya u dejisay waxyaabaha la isku qurxiyo.
Dhakhaatiirtu waxay intaas kaddib siiyeen dawooyin ka caawinaya in jirkeeda laga saaro maaddooyinka sunta ah, waxayna sidoo kale daweeyeen dhibaatooyinka ku dhacay kelyaha.
Qiyaastii bil kaddib, gabadha ayaa laga saaray isbitaalka. Hadda waxay guriga ku qaadanaysaa nasasho iyo soo kabasho.
Hase yeeshee, gabadhu waxay Isniintii u sheegtay laanta wararka ee BBC-da in ay weli la tacaalayso dhibaatooyin caafimaad, isla markaana ay ku adag tahay waxbarashadu.
Dr Satish K ayaa sheegay in caafimaadka gabadhu uu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayay tan iyo markii daaweynta loo bilaabay. Hase yeeshee, weli si buuxda uma bogsan, waxaana laga yaabaa in ay waqti ku qaadato soo kabashadeedu.
Booliska gobolka Kerala ayaa bilaabay baaritaanka kiiskan. Guddiga Xuquuqda Carruurta ee gobolka Kerala ayaa sidoo kale dacwad ka gudbiyay shirkadda soo saartay kareemka.
Waa maxay meerkuri, sidee ayuuse waxyeello ugu geystaa jirka bini'aadamka?
Meerkurigu waa curiye kiimiko ah oo si dabiici ah looga helo deegaanka.
Sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO), meerkuriga wuxuu saameyn sun ah ku yeelan karaa habdhiska neerfaha, hab-dhiska dheefshiidka iyo hab-dhiska difaaca jirka. Waxaa sidoo kale waxyeello gaari karta sambabbada, kelyaha, maqaarka iyo indhaha.
WHO ayaa meerkuriga ku dartay tobanka walxood ee kiimikada ah ee walaaca ugu weyn ku haya caafimaadka bulshada.
Maxaa meerkuriga loogu daraa kareemada maqaarka caddeeya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxyaabaha maqaarka lagu khafiifiyo ama lagu caddeeyo waa alaabooyin sheegta in ay maqaarka ka dhigaan midab ka khafiifsan kii hore.
Maqaarka waxaa ku jira maaddo midab-sameeye ah oo loo yaqaan Melanin, taasoo door muhiim ah ka ciyaarta go'aaminta midabka dabiiciga ah ee maqaarka.
Qaar ka mid ah alaabooyinka maqaarka lagu caddeeyo ayaa loo adeegsadaa iskudhisyada meerkuriga si loo joojiyo habka samaysanka melanin-ka.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa alaabooyinka maqaarka lagu caddeeyo ee ay ku jirto meerkuriga ku tilmaantay kuwo khatar ku ah caafimaadka. Dalal badan ayaa mamnuucay alaabooyinkaas, hase yeeshee weli meelo ka mid ah dunida ayaa lagu iibiyaa, laguna xayaysiiyaa internetka iyo habab kale.
Sidee ayuu meerkurigu waxyeello ugu geystaa kelyaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kelyuhu waxay dhiigga ka sifeeyaan khashinka iyo walxaha aanu jirku u baahnayn, iyaga oo ka saara jirka oo raacinaya kaadida. Unugyada yaryar ee kelyaha u qaabilsan sifaynta dhiigga waxaa loo yaqaan Glomeruli.
Unugyadani waxay dhiigga ka sifeeyaan khashinka, isla markaana waxay ka caawiyaan in borotiinnada muhiimka u ah jirka ay ku sii jiraan dhiigga.
Sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO), la kulanka meerkuriga wuxuu dhaawac u geysan karaa kelyaha. Waxyeelladiisu waxay isugu jiri kartaa kororka borotiinka kaadida ku jira ilaa in kelyuhu gebi ahaanba shaqada joojiyaan.
Dr Ravi Bansal, oo ah dhakhtar sare oo ku takhasusay cudurrada kelyaha kana tirsan Isbitaalka PSRI ee magaalada Delhi, ayaa BBC News Hindi u sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay uu arkay dhowr kiis oo bukaannada isticmaala kareemada maqaarka caddeeya uu jirkooodu ka sameeyay falcelin difaac-jireed, taasoo saameysay kelyahooda.
Sida uu sheegay, qaar ka mid ah kiisaskaas waxaa bukaannada laga helay cudurka loo yaqaan Membranous Nephropathy.
Dr Bansal ayaa sheegay in biraha culus sida meerkurigu ay maqaarka ka gudbi karaan oo ay gudaha jirka geli karaan. Taasi waxay waxyeello u geysan kartaa kelyaha iyo xubnaha kale ee jirka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qofka ay luguhu bararaan, dhiig-karkiisu kordho ama uu bilaabo inuu habeenkii si joogto ah ugu kaco kaadida, isla markaana ay dhibaatooyinkaas ku cusub yihiin, ay habboon tahay in laga baaro xaaladda kelyihiisa.


























