Hay'adda Oxfam oo soo saartay digniin halis ka jirta magaalada Qaza

Xigashada Sawirka, Hamza Z. H. Qraiqea / Anadolu via Getty Images
Gaza ayaa isu beddeshay "dhul wasakhaysan oo sun ah", iyadoo in ka badan 99% dhulka Falastiin ay ka muuqdaan astaamo muujinaya wasakhow ka dhashay weerarrada milatari ee Israa'iil, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda samafalka ee Oxfam.
Warbixintu waxay sheegtay in biraha culus, haraadiga walxaha qarxa, wasakhda ka dhalatay dhismayaasha burburay, iyo walxo kale oo sun ah ay wasakheeyeen hawada, ciidda iyo biyaha.
Waxay intaas ku dartay in wasakhowgani uu khatar ku yahay nolosha iyo caafimaadka Falastiiniyiinta xilligan, isla markaana saamayntiisu ay socon karto tobannaan sano.
Agaasimaha guud ee Oxfam International, Amitabh Behar, ayaa Israa'iil ku eedeeyay inay Gaza ka geysanayso "dambiyo dagaal oo deegaanka ka dhan ah", taas oo uu ku tilmaamay qayb ka mid ah waxa uu ugu yeeray xasuuqa weli ka socda Gaza.
"Burburinta iyo wasakheynta Gaza waxay si weyn u dhaawacday xaaladihii deegaanka ee lagama maarmaanka u ahaa badbaadada iyo nolosha dadka," ayuu yiri.
Dowladda Israa'iil ayaa la weydiiyay inay ka jawaabto warbixinta.
Israa'iil ayaa hore u diidday eedeymaha xasuuqa ee dacwadda ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana xaqiiqada qalloocinaya.
Dowladda Israa'iil waxay ku adkaysanaysaa in duullaankeeda militari ee Gaza uu yahay is-difaac, kaddib weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee Xamaas ay ku qaaday Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023. Waxay sidoo kale sheegtay inay qaaddo tallaabooyin lagu yareynayo waxyeellada soo gaarta dadka rayidka ah.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hay'adaha Oxfam iyo Conflict and Environment Observatory (CEOBS), oo xarunteedu tahay UK, ayaa adeegsaday sawirrada dayax-gacmeedyada, xogta laga helo dareemayaasha fog-fog, falanqaynta xogta juqraafiyeed iyo ilo kale oo xog furan ah si ay u gaaraan gunaanadkooda ku aadan waxa ka taagan Qaza.
Warbixintan ayaa lagu tilmaamay tii ugu dhammaystirnayd ee ilaa hadda laga diyaariyo saamaynta ba'an ee deegaanka ka dhalatay dagaalka xooggan ee saddexda sano ka socday Gaza.
Warbixintu waxay faahfaahin ka bixisay sida walxaha qarxa ee loo adeegsaday duqeymaha xooggan ee Israa'iil, iyo burburka ka dhashay dhismayaasha iyo kaabeyaasha la dumiyay, ay dhammaantood saamayn ugu yeesheen deegaanka.
Bishii Febraayo, khabiir gaar ah oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in muddo ku dhow laba sano Gaza lagu turayin ka badan 200,000 oo tan oo walxaha qarxa ah.
Wuxuu sheegay in awoodda qaraxyadaasi ay u dhiganto tamarta guud ee ku jirta ku dhowaad 13 bam oo nukliyeer ah oo nooca lagu garaacay magaalada Hiroshima.
Sannadkii hore, Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka (UNEP) ayaa qiyaasay in howlgallada milatari ee Israa'iil, kuwaas oo burburiyay guryaha iyo kaabeyaasha kale, ay Gaza ka abuureen burbur gaaraya in ka badan 61 milyan oo tan.
Qiyaastii 15% burburkaas ayaa la sheegay inuu yeelan karo khatar sare oo wasakhow ah, taas oo ka dhalan karta walxo halis ku ah deegaanka iyo caafimaadka dadka.
Lama Abdul Samad, oo ka mid ah qorayaasha warbixinta Oxfam, ayaa BBC-da u sheegtay in wasakhowgaasi uu sababi karo dhibaatooyin caafimaad oo daba-dheeraada, maadaama qaar ka mid ah walxaha wasakheeya deegaanka ay muddo dheer ku sii jiri karaan.
Waxay sheegtay in dadka reer Gaza ay hadda iyo mustaqbalka la kulmi karaan kororka cudurrada ku dhaca hab-dhiska neefsashada, kansarka, dhaawaca xubnaha jirka, iyo sidoo kale kororka carruurta ku dhalata cilladaha caafimaad iyo in haweenka uurka leh ay ilmaha ka soo dhacaan.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Iyadoo dhammaan lixda xarumood ee lagu sifeeyo biyaha wasakhda ah ee Gaza ay shaqayn waayeen, biyaha bulaacadaha ee aan la sifayn ayaa hadda ku qulqulaya biyaha dhulka hoostiisa iyo Badda Mediterranean-ka.
Saamaynta caafimaad ee arrintan ayaa dhawaan sii xoogaysatay, kaddib markii roobab xooggan oo xilliga jiilaalka da'ay ay sababeen in biyaha roobka iyo kuwa bulaacadaha ay isku darsamaan, kaddibna ay ku fatahaan waddooyinka iyo goobaha teendhooyinka ay deggan yihiin dadka barakacay.
In la baaro noocyada iyo heerarka wasakhowga ayaa inta badan suurtagal ahayn, maadaama shaybaarradii Gaza la burburiyay, isla markaana Israa'iil ay xaddiday gelitaanka qalabka khaaska ah ee baaritaannada iyo saynisyahannada.
BBC-da ayaa milatariga Israa'iil ka codsatay inuu arrintan ka jawaabo.
Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka (UNEP) ayaa sheegay in walaacyada dhinaca amniga ay sidoo kale horay uga hor istaageen khubaradooda inay u safraan Gaza.
Warbixinta Oxfam ayaa ku baaqaysa in Gaza laga sameeyo qiimeyn deegaan oo dhammaystiran, madax-bannaan, si loo ogaado khataraha wasakhowga ka hor inta aan la bilaabin hawlaha nadaafadeynta iyo ka saarista walxaha halista ah.
Waxay sidoo kale sheegtay in fiiro gaar ah la siiyo ilaalinta badqabka shaqaalaha ka qaybqaadanaya hawlahaas.
Dhakhaatiirta Gaza ayaa durba soo sheegaya koror ku yimid cudurrada ku dhaca neef-mareenka. Cudurradan ayaa lala xiriiriyay boorka iyo wasakhowga ka dhashay dhismayaasha la burburiyay, iyo dadka barakacay oo guba caagagga, maryaha duugoobay iyo kartoonnada si ay isaga diiriyaan qabowga, uguna karsadaan cuntada.
Cudurrada ku dhaca hab-dhiska dheefshiidka ayaa iyaguna lala xiriiriyay isticmaalka biyo aan nadiif ahayn iyo nadaafad-darro.
Dhakhtar Falastiini ah oo ku takhasusay cudurrada maqaarka, Dr Alaa Abu Hajar, ayaa BBC-da u sheegay in cudurrada maqaarka ee daba-dheeraada ay shan jeer ka bateen tan iyo markii uu dagaalku billowday.
Wuxuu kororka cudurradaas ku sababeeyay wasakhowga deegaanka iyo dadka oo ku nool xaalado ciriiri ah iyo nadaafad-darro, gaar ahaan teendhooyinka iyo xeryaha barakacayaasha.

























