Dhibaatooyinka dhaqaale ee muddada dheer socdaa waxay saameyn karaan maskaxda – Daraasad

Lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Mariam Mjahid
    • Role, BBC Swahili
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Subaxdii marka aad telefoonkaaga furato oo aad ku aragto farriin ku saabsan deyn, iyadoo kiradii gurigu soo dhowdahay, lacagtii waxbarashada carruurtuna ku sugayso, halka qiimaha cuntaduna uu sii kacayo. Halkii aad maalinta si deggan u bilaabi lahayd, maskaxda waxaa qabsada hal su'aal: "Xaggee ayaan lacag ka heli doonaa?"

Dad badan oo ku nool qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwa ku nool Bariga Afrika, xaaladdan ma aha wax muddo gaaban socda. Waa qayb ka mid ah nolol maalmeedka.

Laakiin hadda, daraasad cusub ayaa muujinaysa in cadaadiska dhaqaale ee muddada dheer uu saameyn ku yeelan karo wax ka badan oo keliya xaaladda koontada bangiga. Waxa kale oo uu saameyn karaa caafimaadka maskaxda.

Daraasad ay sameeyeen saynisyahanno Britain u dhashay ayaa lagu ogaaday in dadka muddo dheer la nool dhibaatooyin dhaqaale ay marka ay gaaraan da'da dhexe u badan tahay inay hoos u dhac ku yimaadaan xusuusta, awoodda fikirka iyo habka ay u farsameeyaan xogta.

Cilmi-baarayaashu waxay muddo tobannaan sano ah la socdeen in ka badan 2,700 qof oo dhashay bishii Maarso 1946, iyagoo baarayay sida xaaladdooda dhaqaale ay u saameysay caafimaadka maskaxda markii ay gaareen da'da dhexe.

Kuwaan waa qaar ka mid ah saameynta ugu waaweyn ee dhici karta.

Dhibaatooyinka dhaqaale iyo caafimaadka maskaxda maxaa xiriir ah oo ka dhaxeeya?

Lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Natiijooyinka daraasadda ayaa muujinaya in ka-qaybgalayaashii inta badan noloshooda qaangaarnimada, laga bilaabo da'dii labaatanaadka ilaa horraantii kontomaadka, ku jiray dadka dakhligoodu ugu hooseeyo ay si ka liidatay uga soo baxeen tijaabooyinka xusuusta iyo awoodda fikirka.

Sidoo kale, dadka sheegay inay laba jeer ama ka badan ku guuldarreysteen inay bixiyaan biilashooda xilligii ay ku jireen soddonaadkii iyo afartamaadkii ayaa u muuqday inay u badan tahay inay yeeshaan xusuus daciif ah iyo xawaare gaabis ah oo ay xogta ku farsameeyaan marka ay gaaraan da'da dhexe.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xitaa markii cilmi-baarayaashu tixgeliyeen arrimo kale oo ay ka mid yihiin xaaladdii carruurnimada, heerka waxbarashada iyo awoodda fikirka ee qofku lahaa xilliyadii hore ee noloshiisa, waxay ogaadeen in xiriirka ka dhexeeya cadaadiska dhaqaale iyo hoos u dhaca caafimaadka maskaxda uu weli jiray.

Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen, cadaadiska dhaqaale ee muddada dheer socdaa wuxuu raad ku yeelan karaa xitaa tilmaamayaasha bayoolojiga ah ee maskaxda. Tijaabooyin lagu cabbiray xawaaraha akhriska, awoodda xisaabinta iyo baaritaanno sawirro maskaxeed ah ayaa muujiyay calaamado isbeddello la xiriira cadaadis dhaqaale oo sannado badan socday.

Mid ka mid ah qorayaasha daraasadda, Jacques Wels, ayaa sheegay in caddaymaha ay heleen ay muujinayaan in dhibaatooyinka dhaqaale ay si toos ah qayb uga qaadan karaan caafimaadka maskaxda.

"Waxaan ogaanay xiriir sababeed oo u dhexeeya cadaadiska dhaqaale iyo caafimaadka maskaxda. Tilmaamayaasha ay ka mid yihiin xawaaraha akhriska, awoodda xisaabinta iyo sawirrada maskaxda ayaa muujinaya in dhibaatooyinka dhaqaale ee muddada dheer socdaa ay reebi karaan saameyn waarta," ayuu yiri.

Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale ogaadeen in dadka soo maray cadaadis dhaqaale oo aad u xooggan ay muujiyeen hoos-u-dhac fikir oo ka gaabis badan markii ay da'ayeen. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen in arrintan ay suuragal tahay inay ka dhalatay xaqiiqda ah in qayb weyn oo ka mid ah saameyntu ay hore uga dhacday marxaladihii hore ee noloshooda.

Sida deyntu maskaxda u khalkhaliso iyo khatarta ay u leedahay caafimaadka

Lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khubarradu waxay sheegayaan in dhibaatooyinka dhaqaale iyo caafimaadka maskaxdu ay geli karaan wareeg soo noqnoqda.

Marka qofku uu welwel ama niyad-jab dareemo, awooddiisa uu ku qaadan lahaa go'aanno sax ah oo la xiriira lacagta ayaa hoos u dhici karta. Qaar waxay bilaabaan inay ka fogaadaan furitaanka biilasha, hubinta hadhaaga koontada bangiga ama ka jawaabidda wicitaannada dadka lacagta ka doonaya.

Taasi waxay keeni kartaa in ay bataan kharashaadka dib-u-dhaca, dulsaarka iyo deymaha, taas oo iyaduna sii kordhinaysa walbahaarka.

Khubarradu waxay ka digayaan in haddii cadaadiska dhaqaale aan la xakameyn, uu sababi karo:

  • Welwel joogto ah oo ku saabsan biilasha, deymaha iyo baahiyaha maalinlaha ah.
  • Niyad-jab, oo ka dhasha rajo la'aanta xal loo heli karo dhibaatooyinka dhaqaale.
  • Hurdo la'aan ama hurdo aan degganayn.
  • Khilaaf ka dhex dhasha guurka, qoyska iyo xiriirrada kale.
  • Calaamado jireed, sida madax-xanuun, murqaha oo adkaada iyo xitaa dhiig-karka.

Laakiin maxay lacagtu maskaxda u saameyn kartaa ilaa heerkaas?

Lacag

Khubarrada caafimaadka maskaxda ayaa sheegaya in jirka bini'aadamka aan loogu talagelin inuu muddo dheer ku noolaado xaalad feejignaan iyo walaac joogto ah. Marka qofku maalin kasta ka walwalo sida uu u bixinayo kirada, u heli lahaa cunto, u dabooli lahaa kharashaadka caafimaadka ama waxbarashada carruurta, jirku wuxuu soo saaraa hormoonnada walbahaarka sida cortisol oo heer sare ah.

Muddo gaaban, hormoonkaasi wuxuu jirka ka caawiyaa inuu la tacaalo caqabadaha. Laakiin marka walbahaarku sii socdo bilo ama xitaa sannado, heerka sare ee hormoonkaasi wuxuu bilaabi karaa inuu saameeyo qaybaha maskaxda ee ku lug leh xusuusta, barashada iyo go'aan qaadashada.

Xaaladdaas waxay qofka ku adkeyn kartaa inuu muddo dheer hal arrin diiradda saaro, waxay keeni kartaa inuu si fudud wax u illoobo ama ay ku adkaato inuu qaato go'aanno muhiim ah. Sidaas darteed, khabiirradu waxay sheegayaan in dhibaatooyinka dhaqaale iyo caafimaadka maskaxdu ay inta badan is-dhaqaajiyaan oo ay midba midka kale sii xumeeyo.

Tusaale ahaan, qof deymaha ku batay ayaa laga yaabaa inuu bilaabo inuu ka fogaado furitaanka farriimaha bangiga ama biilasha sababo la xiriira cabsi. Markuu sii wado dib-u-dhigista, deymaha ayaa sii kordhaya, dulsaarkuna wuu ururayaa, taasina waxay sii kordhinaysaa walbahaarka.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in cadaadiska dhaqaale aan loo qaadan xukun kama dambays ah oo ku saabsan caafimaadka qofka. Maskaxdu waxay leedahay awood ay ku barato kuna isbeddelto marxaladaha kala duwan ee nolosha, waxaana tallaabooyinka hore ee lagu yareeyo walbahaarku ay gacan ka geysan karaan ilaalinta caafimaadka maskaxda.

Tallaabooyin kaa caawin kara yareynta walbahaarka dhaqaale

Lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

1. Qiimee xaaladdaada dhaqaale

Khubarradu waxay sheegayaan in cabsidu sii kororto marka qofku aanu si dhab ah u ogeyn xaaladda dhaqaale ee uu ku jiro.

Ku bilow inaad qorto:

  • Dhammaan ilaha dakhligaaga.
  • Kharashaadkaaga billaha ah.
  • Dhammaan deymaha lagugu leeyahay.
  • Heerarka dulsaarka.
  • Taariikhaha lacag-bixinta.

Tallaabadani waxay kaa caawin kartaa inaad si cad u fahanto xaaladdaada dhaqaale ee dhabta ah iyo inaad qorsheysato waddo aad uga bixi karto.

2. Samee miisaaniyad dhaqaale

Miisaaniyaddu waa mid ka mid ah qalabka ugu muhiimsan ee lagu xakameeyo kharashaadka.

Xeer inta badan lagu taliyo waa kan 50, 30 iyo 20:

  • 50% dakhliga ku bixi baahiyaha aasaasiga ah sida cuntada, kirada iyo biilasha.
  • 30% ku bixi waxyaabaha aan daruuriga ahayn sida madadaalada.
  • 20% u qoondee kaydka iyo bixinta deymaha.

Haddii deymahaagu badan yihiin, waxaad kordhin kartaa qaybta lacagta loo qoondeeyo bixinta deymaha ilaa xaaladdaada dhaqaale ay ka soo raynayso.

3. Qorshee sida aad deymaha u bixin lahayd

Deymuhu waa mid ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee keena walbahaarka dhaqaale.

Khabiirrada qaar waxay kugula talinayaan inaad marka hore bixiso deynta ugu yar, si aad u hesho dhiirrigelin aad ku sii waddo bixinta deymaha kale. Halka khabiirro kale ay ku talinayaan inaad marka hore bixiso deynta leh dulsaarka ugu sarreeya, si loo yareeyo kharashaadka guud ee muddada dheer.

Waxa ugu muhiimsan waa inaad yeelato qorshe aad si dhab ah u fulin karto.

4. Samee kayd degdeg ah

Xitaa kayd yar oo degdeg ah wuxuu yareyn karaa cabsida laga qabo kharashaadka lama filaanka ah.

Khabiirradu waxay kugula talinayaan inaad ku bilowdo lacag yar oo aad bil kasta kaydsato, kadibna aad kordhiso marka awooddaada dhaqaale kuu saamaxdo.

5. Yaree kharashaadka aan daruuriga ahayn

Isbeddello yaryar ayaa keeni kara farqi weyn, iyadoo aan si weyn loo saameyn tayada nolosha.

Tallaabooyinka lagu taliyay waxaa ka mid ah:

  • Guriga ku kari cuntada halkii aad marar badan cunto dibadda uga soo iibsan lahayd.
  • Jooji adeegyada is-diiwaangelinta ee aadan isticmaalin.
  • Isticmaal gaadiidka dadweynaha ama gaadiidka la wadaago marka ay suurtagal tahay.
  • Iibso alaabada xilliyada qiimo-dhimista iyo dalabyada gaarka ah.

6. Raadi caawimaad marka aad u baahan tahay

Khubarradu waxay sheegayaan in aysan ceeb ahayn in caawimaad la raadsado marka aad la kulanto dhibaatooyin dhaqaale.

Dalal badan, dowladaha iyo hay'adaha aan dowliga ahayn waxay bixiyaan adeegyo lagu taageero qoysaska wajahaya duruufo nololeed oo adag, kuwaas oo ay ka mid yihiin caawimaad cunto, hoy, bixinta biilasha adeegyada muhiimka ah iyo talooyin ku saabsan maaraynta deymaha.

Dalalka Bariga Afrika sidoo kale, qaar ka mid ah hay'adaha dowladda, ururrada bulshada iyo hay'adaha maaliyadeed waxay bixiyaan barnaamijyo talo-bixin dhaqaale iyo adeegyo taageero oo loogu talagalay dadka wajahaya caqabado dhaqaale.

7. Ilaali caafimaadka maskaxdaada

Khubarradu waxay carrabka ku adkeeyaan in caafimaadka maskaxdu muhiim u yahay si la mid ah xaaladda dhaqaale.

Yaraynta walbahaarka iyadoo la sameeyo jimicsi, la helo hurdo ku filan, lala hadlo dadka aad ku kalsoon tahay ama lala tashado khabiir caafimaadka maskaxda waxay qofka ka caawin kartaa inuu si wanaagsan u qaato go'aannada dhaqaale, isla markaana si fiican ula tacaalo caqabadaha nolosha.

Sida ay khabiirradu sheegayaan, tallaabooyinka yaryar ee maanta la qaado waxay gacan ka geysan karaan in la jebiyo wareegga cabsida iyo walbahaarka, dibna loo helo xasilloonida dhaqaale iyo fayo-qabka guud ee nolosha.