Shaqaale dahab iyo lacag qiimahoodu dhan yahay $10 milyan oo doolar ka helay darbiga guri ay ka shaqaynayeen

Xigashada Sawirka, Dendermonde Local Police
Shaqaalaha dib u habaynta ku samaynaya guri ku yaal waddanka Belgium-ka ayaa helay kayd dahab ah oo qiimahiisu yahay US$10.4 milyan oo doolar oo lagu aasay darbiyada dabaqa hoose.
Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah, shaqaalaha dhismaha ayaa la kulmay khasnadda qarsoon ee dahabka iyo shilimaanta horraantii toddobaadkan iyagoo doona in tuubooyin cusub oo kuwa wasakhda saara ah in ay ku xiraan guriga, oo ku yaal Bariga Flanders.
Lacagta la helay ayaa kicisay dareen ah cidda iska lahaanaysa hanitida la helay: fuundiyaasha iyo hay'ad samafal maxalli ah oo leh guriga ayaa labaduba waxay fursad u heleen inay sheegtaan lahaanshaha lacagta.
Baaritaan ayaa la bilaabay, booliiska maxalliga ahna waxay uga digeen qof kasta oo ka fikiraya inuu tago goobta si uu uga raadiyo hanti kale in wixii uu helo uu dhigo meel ammaan ah.
Shaqaaluhu waxay soo saareen hantidaan iyagoo ka shaqeynayay aasaaska dhismaha. Waxaa ka mid ahaa wiil 18 jir ah oo la shaqaaleysiiyay xagaagii.
"Falcelinteennii ugu horreysay waxay ahayd mid aan la rumaysan karin oo la yaab leh," ardayg lagu magacaabo Kobe, ayaa u sheegay warbaahinta dadweynaha ee Belgian VRT.
"Markii hore waxaan u maleynayay inay yihiin 1 shilin oo Yuuro ah. Laakiin ka dib waxaan sidoo kale aragnay dahab halkaas yaal. Waa markaas markii aan ogaanay inay tahay wax weyn."
'Taasi waxay noqon lahayd dhac'

Xigashada Sawirka, Dendermonde Local Police
Wax yar ka dib, waxay shaqaaluhu booliiska ku wargeliyeen wixii ay heleen, waxayna u sharraxeen inaysan suurtagal ahayn inay iyagu qaataan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxaa jira shilimaad iyo dahabka aad u badan, taasna waxay noqon lahayd wax aan macquul ahayn," ayuu yiri Mario oo ah maamulaha goobta, isagoo la hadlayay VRT.
"Waxaa intaas dheer, taasi waxay noqon lahayd xatooyo."
Kobe ayaa arrintaas ku daray: "9 milyan oo Yuuro: wax aan la qarin karin waaye."
Hadda, hantidu waxaa iska leh hay'adda CAW Oost-Vlaanderen, taas oo bixisa adeegyo gargaar bulsho oo laga helo magaalada Dendermonde, oo ah magaalo ku taal gobolka Flanders, dadkeeduna ay gaarayaan ilaa 47,000 oo qof.
Agaasimaheeda, Geert Hillaert, ayaa sheegay in dareenkiisii ugu horreeyay uu ahaa "la yaab iyo amakaag," isagoo raaciyay inuu rajeynayo in lacagtaas loo isticmaali karo taageeridda hawlaha samafalka ee hay'adda iyo daboolidda "baahida baaxadda leh ee aan maalin walba wajahno."
Booliiska deegaanka ayaa dadweynaha ugu baaqay inayna booqan goobta dhismaha iyagoo raadinaya hantidaas la helay.
Ciidanka booliiska maxalliga ah, oo sawirkooda bogga Facebook ku cusbooneysiiyay sawir shilimaad dahab ah, ayaa sheegay inay rajeynayaan in helitaanka hantidaasi ku dhammaato "meesha saxda ah" oo uu beddelo nolosha dadka.
Sida ku cad sharciga Beljamka, milkiilaha xaqa ah ee hantida leh wuxuu haystaa shan sano oo uu ku sheegan karo hantida, inkastoo dacwad oogaha maxalliga ah, oo bilaabay baaritaan, uu sheegay inaan weli la garanayn cidda uu yahay ilaa iyo haatan.
Haddii aan cidina soo sheegan, sharciga madaniga ah wuxuu dhigayaa in hantida loo qaybiyo qofka helay iyo milkiilaha guriga laga helay.
Si kastaba ha ahaatee, tani waxay dhaqangalaysaa oo keliya haddii aan la helin xiriir ka dhexeeya hantida iyo fal dambiyeed kale.
Shirkadda dhismaha iyo hay'adda samafalka ee guriga, labaduba waxay sugayaan ilaa 1,823 maalmood si mulkiiluhu u soo hadlo. Haddii aan cidina sheegan mudadaas, aamusnaantu shaki la'aan waxay noqon doontaa dahab.













