TOOS, Iiraan oo Imaaraadka Carabta uga digtay in ay martigeliyaan Raysalwasaaraha Israa'iil

Mohsen Rezaei ayaa qoraal uu ku daabacay X ku yidhi: “Sida martigelinta saldhigyada milatari ee Maraykanka aydaan ammaan ugu dareemayn, ayaa martigelinta Netanyahu aanay u yeelan doonin cawaaqib wanaagsan.”

Tebin toos ah

  1. Maraykanka oo bogaadiyay in Baxrayn ku biirto isbahaysi dhawaan la sameeyay

    Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in Baxrayn ay ku biirtay hawlgalka ciidammada gaarka ah ee isbahaysiga, kaas oo la sameeyay bishii hore si loogu adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo isticmaalo weerarrada ismiidaaminta ah.

    Admiral Brad Cooper, taliyaha CENTCOM, ayaa arrintan ka sheegay:

    “Waxaan ku faraxsanahay in Baxrayn ay ku biirtay ciidammada gaarka ah ee Falcon Strike, kaddib markii dalkaasi uu mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay la shaqaynta CENTCOM si loo abuuro cutubkii ugu horreeyay dunida ee caalami ah oo ka kooban diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado weerarrada ismiidaaminta ah.Baxrayn waa xubin joogto ah oo gacan ka geysta xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka.”

    Bishii August 13-keedii, CENTCOM ayaa ku dhawaaqday in ay ka shaqaynayso samaynta ciidankii ugu horreeyay dunida ee caalami ah, isla markaana adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarrada gaarka ah, kana hawlgala meelo kala duwan.

    Cutubkan oo loo bixiyay “Falcon Strike Special Forces”, ayaa adeegsan doona diyaarado aan duuliyaha lahayn oo hal mar loo adeegsado weerarrada ismiidaaminta. Waa nidaamyo aan cidina wadin oo ka hawlgala saddex goobood — hawada, badda iyo biyaha hoostooda — waxaana loogu talagalay in ay adeegsadaan ciidammada Maraykanka iyo dalalka gobolka ee ay iskaashadaan.

    Drone
  2. Trump: “Waxaad dhawaan arki doontaan dhacdooyin aad muhiim u ah

    Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayay Iiraan ayaa yidhi “Waxa aan la macaamilayno waa dal ku dhowaad burburay, dhaqaalihiisuna aanu xaalad wanaagsan ku jirin.”

    Waxa uu intaa ku daray in ciidammadoodii badu ay meesha ka baxeen, ciidamadoodii cirka ay meesha ka baxeen, nidaamkoodii difaaca cirka-na uu baaba'ay.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa yidhi: “Waxaad dhawaan arki doontaan dhacdooyin aad muhiim u ah,” balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin.

    Trump ayaa mar kale ku andacooday oo yidhi “waxaad og tihiin aan si buuxda gacanta ugu hayno marin-biyoodka Hormuz.”

    Waxa uu sheegay in xaddiga shixnadaha shidaalka ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay maray marin-biyoodka Hormuz uu ahaa “mid ka badan xilli kasta oo taariikhda Maraykanka ah.”

    Waxa uu yidhi: “Kama hadlayo oo keliya xilliyada dagaalka, ee waxaan ka hadlayaa taariikhda oo dhan.”

  3. Iiraan oo Imaaraadka Carabta uga digtay in ay martigeliyaan Raysalwasaaraha Israa'iil

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, uu Imaaraadka Carabta uga “digay” martigelinta Raysalwasaaraha Israa’iil.

    Farriin uu ku qoray afka Carabiga, bartiisa X ayaa isaga oo aan magaca dalka xusin, ayuu Rezaei ku yidhi: “Sida martigelinta saldhigyada milatari ee Maraykanku aanay ammaan idiinku keenin, martigelinta ‘Gacan-ku-dhiiglaha Qasa’ ayaa iyaduna aan yeelan doonin cawaaqib wanaagsan.”

    Rezaei ayaa farriintiisa ku yidhi: “Cashar ka qaata dagaalkii dhawaa, joojiya hurinta dagaallada, sidoo kalena joojiya sheegashooyinka aan salka lahayn ee ku saabsan jasiiradaha Iiraan.”

    Mohsen Rezaei,