You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Iiraan oo hambalyo iyo erayo dareen leh u dirtay Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka
Iiraan ayaa hambalyo u dirtay afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Caroline Levitt, kadib markii ay noqotay hooyo, iyagoo sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Donald Trump.
Caroline Levitt ayaa dhalashada gabadheeda ku shaacisay barta Instagram-ka 7-dii May. Safaarado Iran leedahay oo ku yaalla dalal kala duwan ayaa ka falceliyay qoraalkaas.
Safaaradda Iran ee Armenia ayaa dib u faafisay qoraalkeeda, waxayna tiri:
"Hambalyo ayaan kuu soo direynaa. Carruurtu waa kuwo aan waxba galabsan oo qurux badan. 168 carruur ah oo lagu dilay iskuulka Minab oo uu weeraray madaxaaga Donald Trump, adiguna aad taageertay, iyaguna waxay ahaayeen carruur."
Waxay sidoo kale intaa ku dartay safaaraddy:"Markaad dhunkato ilmahaaga, xusuuso hooyooyinka carruurtaas."
Mareykanka iyo Israel ayaa weerar ku qaaday Iran 28-kii Febraayo ee sanadkan, iyadoo Iran ay sheegtay in iskuul ku yaalla magaalada Minab la beegsaday, halkaasna lagu dilay 168 carruur ahaa.
Muxuu Mareykanku ka yiri weerarkii iskuulka Minab?
Gantaal ayaa ku dhacay iskuul hoose oo ku yaalla Minab intii lagu jiray bilowgii dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran 28-kii Febraayo, taasoo ay mas'uuliyiinta Iran sheegeen in lagu dilay 168 qof, oo ay ku jiraan ku dhowaad 110 carruur ahaa.
Labada bilood ee ka dambeeyay, Pentagon-ka wuxuu kaliya sheegayay in dhacdadaas wali baaritaan ku socdo.
Warbaahinta Mareykanka ayaa horraantii Maarso sheegtay in baarayaal militari oo Mareykan ah ay rumeysan yihiin in ciidamada Mareykanka ay si aan ula kac ahayn uga mas'uul ahaayeen duqeynta iskuulka, balse aysan weli gaarin natiijo kama dambeys ah.
Markii BBC-du su'aalo ka weydiisay weerarka iyo eedeymaha la xiriira hufnaan la'aanta, sarkaal ka tirsan Pentagon-ka wuxuu sheegay in "dhacdadan wali baaritaan ku socodo," isagoo intaas ku daray in faahfaahin dheeraad ah la bixin doono marka ay diyaar noqdaan warbixinnada la soo aruuriyo.
BBC-du waxay sidoo kale dib u eegis ku samaysay saddex kiis oo hore oo rayid lagu dilay hawlgallo militari oo Mareykan ah, waxaana kiis kasta Pentagon-ku si degdeg ah uga sii daayay faahfaahin ka badan tan hadda, taasoo badanaa ka yar hal bil gudahood.
"Habka hadda la raacayo si muuqata ayuu uga leexday jawaabtii caadiga ahayd," ayay tiri Lt Col Rachel E. VanLandingham, oo ah qareen milatari oo hore kana tirsanaan jirtay Ciidanka Cirka Mareykanka, isla markaana ahayd la-taliye sare oo sharci ee Taliska Dhexe ee Mareykanka xilligii dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan.
"Maamuladii hore ugu yaraan waxay muujiyeen daacadnimo iyo ka go'naan xagga sharciga dagaalka," ayay tiri VanLandingham. Waxay sidoo kale ku doodday in waxa "ka maqan" hadallada maamulka hadda jira ay yihiin ballanqaad la xiriira isla xisaabtan iyo, in si gaar ah, "la hubiyo in arrintan oo kale aysan mar kale dhicin."
BBC-du waxay dib u eegis ku samaysay saddex kiis oo taariikhi ahaa oo ay ku dhinteen rayid, si ay u barbar dhigto jawaabta maamulka Trump ee weerarka Minab.
Duqeyn drone ah oo ka dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul ee Afghanistan bishii Ogosto 2021: Pentagon-ku markii hore wuxuu sheegay in uu beegsaday gaari looga shakiyay in khatar degdeg ay ka Imana kartay isla markaana Daacish ay adeegsanaysay gaarigaas. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ogaaday in weerarka lagu dilay qoys ka kooban 10 qof, oo ay ku jireen 7 carruur ah, taasoo si degdeg ah uga soo muuqatay warbixinnada warbaahinta. Wax ka yar saddex toddobaad kadib duqeynta, Pentagon-ku wuxuu qirtay mas'uuliyadda isla markaana raalli gelin ayuu bixiyay.
Duqeyntii isbitaal ku yaalla Kunduz, Afghanistan, bishii Oktoobar 2015: Weerarkaas oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay oo sumadeedu ahayd (AC-130) ayaalagu dilay ugu yaraan 42 qof, oo ay ku jireen 24 bukaan iyo 14 shaqaale caafimaad oo ka socday hay'adda caafimaadka MSF.
Shan maalmood kadib, taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan wuxuu si faahfaahsan uga hor sheegay Aqalka Congress-ka, in weerarku ahaa "go'aan Mareykan ka soo baxay" Isla maalintaas, ayaana Aqalka Cad wuxuu qirtay khaladka isla markaana waxaa uu bixiyay raalli gelin .
Weerar lagu qaaday hoyga al-Amiriyah magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, bishii Febraayo 1991, waxaa fuliyay Ciidanka Cirka ee Maraykanka waxayna dileen 408 qof oo rayid ahaa. Maamulka Maraykanku wuxuu sheegay in dhismahaasi ahaa xarun talis milatari, sidaas darteedna uu ahaa bartilmaameed sharci ah. Si kastaba, BBC iyo saxafiyiin kale oo goobta booqday wax yar kadib duqeynta waxay sheegeen xilligaas in aysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya inuu ahaa xarun militari.
Maamulka Maraykanku bilowgii hore wuxuu qiray in ay jirtay dhimasho rayid ah iyo in weerarku ahaa mid uu fuliyay Maraykanku.
Kiisaskan taariikhiga ahaa ee kala duwan, waxey ahaayen kuwa ka hoos dhacay maamullo Dimuqraadi ah iyo Jamhuuri ah labadaba, waxaana ku lug lahaa saraakiil sare oo milatari oo Maraykan ah oo bixiyay faallooyin dadweyne oo aad uga faahfaahsan marka loo eego waxa ilaa hadda laga sheegay weerarka Minab.