Haweenkii kaalinta wayn ka qaatay aasaaskii qarankaMarayknaka; kumay ahaayeen 'hooyooyinkii wax ka aasaasay'?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweenku waxay door firfircoon ka ciyaareen Kacaankii Mareykanka, doorkanina daruuri ma ahayn inay dhinacsocdeeen raggoodii qabay.
Laakiin doorkooda lalama simin guulaha ay raggu gaareen oo lagu diiwaan geliyay buugaagta taariikhda.
Sidoo kale ma jiro liis rasmi ah ama tiro gaar ah oo haweenah - "hooyooyinka aasaasay" taa oo uu soo saarin siyaasi ama shakhsi caan ah.
"Ereygan waxaa isticmaalay taariikhyahannada dumarka si ay uga soocaan kaalintooda ragga iyo si loo hubiyo inaan ogaano in haweenku ay sidoo kale joogeen markii dalka la aasaasay," ayay sharraxday Mary Beth Norton.
BBC Mundo waxay la hadashay afar ka mid ah taariikhyahannada ugu caansan kuwaas oo bartay doorka haweenka ee Kacaankii Mareykanka iyo aasaaskii Mareykanka qarnigii 18aad iyo 19aad.
Waxay bixiyeen macluumaad, sheekooyin, iyo sababaha magacyada haweenka qaarkood loogu dari karo liiskan muujinaya haweenka door muhiim ah ka ciyaaray dhismaha dalka.
Waxa la soo xulay magacyo ay taariikhyahannadani dhammaantood aaminsan yihiin inay mudan yihiin in la xaso.

Xigashada Sawirka, Stock Montage/Getty Images
Martha Washington
Martha Washington (1731–1802) waa magaca ugu fudud ee lagu daro liiska "Hooyooyinka Aasaasay Mareykanka."
Sababtu ma aha in taariikhdu u diiwaan galisay geesiyad ama kacaan yahan, laakiin sababtoo ah waxay ahayd Marwada Koowaad ee ugu horreysay ee Mareykanka, xaaska madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka, George Washington, oo xilkaas soo qabtay laga bilaabo 1789 ilaa 1797.
Martha waxay joogi kartay guriga intii George uu ka dagaallamayay Dagaalkii Toddobada Sano (1756-1763) ka dibna Dagaalkii Kacaanka Mareykanka (1775-1783). Laakiin bilaha jiilaalka, markii dagaalku istaagay, waxay u safartay xeryaha militariga si ay ula joogto ninkeeda oo ay u ilaaliso niyadda askarta.
Markii dambe, markii ay noqotay Marwada Koowaad, Martha Washington waxay noqotay qof tusaale u ah dadka kale.

Xigashada Sawirka, Heritage Images via Getty Images
Abigail Adams
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Abigail Adams (1744–1818) waa magac kale oo muhiim ah oo ku jira liiskan.
Waxay ahayd Marwada Koowaad ee labaad ee Mareykanka waxayna garab joogtay John Adams intii uu xilka hayay laga bilaabo 1797 ilaa 1801.
"Waxay ahayd qof aad u caan ah," ayay tiri Mary Beth Norton. "Waxay ahayd waddani xamaasad leh, siyaabo badan xitaa ka xamaasad badan ninkeeda. Waxay ahayd taageere xooggan oo madaxbannaanida Mareykanka ah."
Warqado badan oo ay is dhaafsadeen labadoodu wali way yaalaan, taasoo muujineysa xiriirkooda jacaylka iyo sidoo kale dalabaadka Abigail ee ninkeeda.
Malaha mid ka mid ah waraaqahan ugu caansan waa tii la qoray Maarso 31, 1776, kaas oo cutubkani aad caan uga noqday:
"Waxaan si aad ah u sugayaa inaan maqlo inaad ku dhawaaqday madaxbannaani, runtiina, sharciga cusub ee aan u malaynayo inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo, waxaan rajeynayaa inaadan iloobi doonin dumarka, oo aad u deeqsinimo badan oo caddaalad ah u yeelan doontaan marka loo eego awowayaashiin. Ha ku dhaafin awooddaas aan xadidnayn gacanta ragga. Xusuusnow in ragga oo dhami ay noqon doonaan kuwa xukun adag haddii ay awoodaan. Haddii aan si gaar ah loo siinin dareenka iyo daryeelka dumarka, waxaan go'aansannay inaan caasino, oo aanan tixgelin doonin inaan ku xirannahay sharci kasta oo aan cod ama matalaad aanan ku lahayn."

Xigashada Sawirka, Kean Collection/Getty Images
Mercy Otis Warren
Taariikhyahannadu waxay u arkaan Mercy Otis Warren (1728–1814) inay tahay mid ka mid ah "Hooyooyink Aasaasay" Mareykanka, maadaama ay ahayd mid ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee wax ka qoray maalmihii Kacaanka Mareykanka waxayna ahayd waddani daacad ah.
"Waxay ahayd mid ka mid ah taariikhyahannadii ugu horreeyay ee Kacaanka," ayay tiri Mary Beth Norton. "Intii uu socday dagaalka, waxay qortay riwaayado iyo gabayo lagu taageerayo qaddiyadda madaxbannaanida Mareykanka, kuwaas oo la daabacay."
Intii lagu jiray dooddii ku saabsanayd Dastuurka Mareykanka sannadkii 1788, waxay daabacday qoraal cinwaankiisu ahaa "Dulmar ku saabsan Dastuurka Cusub iyo Heshiisyada Federaalka iyo Gobolka," kaas oo uuay ku qortay magaca "Waddani."
Qoraalkan, wuxuu ka soo horjeeday ansixinta Dastuurka wuxuuna ku dooday in lagu daro Sharciga Xuquuqda.

Xigashada Sawirka, John Singleton Copley / Dominio público
Judith Sargent Murray
Mary Beth Norton waxay sheegtay in Judith Sargent Murray (1751–1820) ay ahayd "dhinacyo badan oo ka mid ah haweenka ugu horreeya ee Mareykanka."
Waxay ahayd haweeney kale oo ka dhalatay qoys hodan ah oo heshay waxbarasho habboon.
"Waxay qortay maqaallo badan oo mala awaal ah," ayay tiri Mary Beth Norton, "taas oo aad ugu badnayd daabacadaha Mareykanka waqtigaas. Qoraalladani waxay ka mid ahaayeen doodihii ugu horreeyay ee lagu taageerayo haweenka, waxbarashada siman, xuquuqda haweenka ay u leeyihiin inay maamulaan qoysaskooda iyo hantidooda, iyo in laga hortago in hantidooda ay u gudubto raggooda."
Mid ka mid ah qoraalladan waxa uu ahaa midd "Ku saabsan Sinnaanta Jinsiga," oo la qoray 1790-meeyadii, taas oo Judith Sargent Murray ay ku doodaysay sinnaanta ruuxiga ah iyo garaadka ee haweenka iyo ragga.

Xigashada Sawirka, Mount Vernon Ladies' Association
Elizabeth Powell
Elizabeth Powell (1743–1830) waxay ahayd haweeney caan ka ah bulshada Philadelphia oo taqaanay sida loola xiriiro kuwa awoodda leh.
Taariikhyahannadu waxay u arkaan mid ka mid ah "Hooyooyinka Aasaasay" Maraykanka sababtoo ah xiriir dhow oo ay la leedahay iyo saameynta ay ku leedahay shakhsiyaadka ugu caansan waqtigeeda.
Waxay ahayd xaaska Samuel Powell, duqa magaalada Philadelphia, waxayna saaxiib la ahayd George Washington. Waxay warqad u qortay George Washington oo ay u sheegtay in uusan xilka ka degin hal xilli oo uu madaxweyne yahay, uuna u tartamo dib u doorashada.
Cassandra Goode waxay tiri: "Waxaa sidoo kale la sheegaa in markii Shirweynihii Dastuurka uu dhammaaday, ay weydiisay Benjamin Franklin nooca dawladnimo ee ugu dambeyntii aan helnay. Franklin ayaa ku jawaabay: 'Jamhuuriyad, haddii aan awoodno inaan ilaashanno.'"
Flora Fraser ayaa arrintan ku raacsan. "Waxaan u arkaa inay ka mid ahayd Hooyooyinkii Aasaasay Qaranka," ayay tiri. "Waxay xiriir qoraal ah la lahayd Washington, waxaana warqadaheeda ka cad inay u aragtay nafteeda inay la heer ahayd isaga."
Flora Fraser ayaa intaas ku dartay: "Elizabeth Powell waxay astaan u ahayd xorriyadda, codkeedana waxaa laga maqlayay bartamaha kacdoonka."

Xigashada Sawirka, Stock Montage/Getty Images
Phyllis Wheatley
Magaca Phillis Wheatley (1753–1784) ayaa laga yaabaa inuu maskaxda ku soo dhaco si ka yar inta ay ku jiraan kuwa kale ee ku jira liiska "Hooyooyinka Aasaaska dalka," gaar ahaan bulsho ay ku badan yihiin dadka caddaanka ah ee hodanka ah waqtigaas.
Phyllis Wheatley waxay ku dhalatay Galbeedka Afrika, waxaana loo iibiyay addoonsi iyadoo toddoba jir ah, waxaana loo qaaday Waqooyiga Ameerika.
Waxaa addoonsaday qoyska Wheatley ee Boston waxayna bareen akhriska iyo qorista isla qoyskaas.
Laakiin Phyllis Wheatley waxay awooday inay horumariso hibooyinkeeda waxayna noqotay qoraagii ugu horreeyay ee Afrikaan-Mareykan ah ee daabacda gabayo iyo buug.
"Runtii waxay noqotay mid ka mid ah gabyaagii ugu muhiimsanaa Kacaankii Mareykanka," ayay tiri Carol Birkin. "George Washington wuxuu akhriyay dhammaan gabayadeedii wuxuuna isku dayay inuu ku daabaco wargeysyada Virginia."












