Warsame: "Marka ay walaalahey iskuulka aadayaan, aniga guriga ayaa leygu heyn jiray xitaa dadka gurigeenna yimaada waa leyga qarin jiray"

Warsame

Xigashada Sawirka, Warsame

    • Author, Fardowsa Sheekh cabdiraxmaan
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Warsame Cabdiqaadir Axmed oo baraha bulshada looga yaqaanno King Short Warsame, waxa uu kamid yahay dadka aadka u isticmaala aaladaha TikTok iyo Facebook, isaga oo u adeegsada wacyi-gelin iyo madadaalinta dadka halkaa hakaga xiran, isaga la wadaaga nolol maalmeedkiisa, fikirradiisa iyo waaya-aragnimadiisa.

Warsame oo ku dhashay, kuna koray xerada qaxootiga ee Kaakuma ee dalka Kenya ayaa hadda ku nool dalka Canada, halkaas oo markiisii hore uu ku tagay fursad waxbarasho.

Warsame oo dhawaan sheekadiisa la wadaagay BBC Somali ayaa sheegay in baraha bulshada uu usoo galay inuu ku dhiso kalsoonidiisa nafeed, bulshada uu la wadaago in xaaladda ay la nool yihiin dadka isaga la midka aysan ahayn mid qofka ka dhigeysa mid aan waxba qabsan karin.

"Ka duwanaanshaha aan dadka ka duwanahay saameyn weyn ayey igu yeelatay, dadka waa ay kusoo fiirinayaan, waxbay kaa sheegayaan halkaasna waxaa ku lumeysa kalsoonidaadii, marka baraha bulshada waxa ay iga caawisay inaan kalsoonideydii dib u helo, inaan aqbalo in wax la ii sheego, iyo in aysan i dhibin in wax la iga sheego".

Muxuu Warsame kaga duwan yahay dadka kale?

Warsame

Xigashada Sawirka, Warsame

Qoraalka sawirka, Warsame ayaa sheegay inuu kalsooni badan ka helay baraha bulshada

Warsame Cabdiqaadir dherarkiisu waa 114 cm, isaga oo da' soddomeeyada ah, hadana uma muuqdo da'daas, taas ayaana ka dhigtay mid uu kaga duwan bulshada uu ka dhashay, ayna kula kulmaan isaga iyo dad badan oo lamid ah faquuq fara badan.

Inkasta oo hadda uu yahay qof caan ka ah barahiisa online-ka, halkaas oo uu muuqaallada uu ku baahiyo baraha bulshada, waxay noqdeen dariiq uu kula xiriiro kumannaan qof oo ku kala nool dalal badan. Waxa uu la wadaagaa dhacdooyinka maalinlaha ah, waayo-aragnimadiisa iyo fariimo dhiirrigelin leh oo ku saabsan isku-kalsoonaanta iyo in qofku aqbalo naftiisa.

Warsame waxa uu la nool yahay xaalad caafimaad oo afka khalaad lagu dhaho Dwarfism, taas oo ah xaalad oo uu qofka qaangaarka ah dhererkiisu aad uga gaaban yahay celceliska dadka.

Badanaa waxaa sababa isbeddello ku dhaca hidde-sidaha qofka, inkastoo mararka qaarkood ay sababi karaan cudurro ama dhibaatooyin saameeya koritaanka xubnaha aadanaha.

Aragtida laga aaminsan yahay dadka gaagaaban iyo culeyska ay la kulmaan

Warsame waxa uu tilmaamay in ay adagtahya in lagu dhex noolaado bulsho sida Soomaalida oo kale ah, isaga oo sheegay in dadku aysan u arkaynin in uu yahay qof la mid ah.

Wuxuu tusaale usoo qaatay waqtigii carruurnimada in lagu hayn jiray guriga, marka ay carruurta la dhalatay iyo kuwa ay isku da'da yihiin ay tagayaan goobaha waxbarashada, xitaa mararka qaar ay dhici jirtay in laga qariyo dadka guriga salaanta u imaanaya.

"Qofka marka uu bulshada ka duwan waxaa laga aaminsa yahy inuusan waxba qabsan karin, waxaa nahay dad aan loo oggoleyn in la maqlo ama la arko', xitaa mararka qaar waxaa laga yabaa in marka xitaa guriga aad joogto lagaa qariyo dadka xaafadda imaanaya oo qataar qolka laguugu soo xiro", ayuu yiri.

Maxay tahay xaaladda caafimaad ee Dwarfism?

Warsame

Xigashada Sawirka, Warsame

Qoraalka sawirka, Warsame waxa uu tilmaamay in ay adagtahya in lagu dhex noolaado bulsho sida Soomaalida oo kale ah
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dwarfism oo af-Soomaali ahaan lagu tilmaami karo gaabnaanta aan caadiga ahayn, waa xaalad caafimaad oo qofka ka dhigta inuu aad uga gaaban yahay celceliska dhererka dadka kale ee ku da'da ah, ma aha hal cudur oo keliya, balse waa qoys xaalado caafimaad ah oo saameeya koritaanka lafaha iyo jirka.

Dadka qaba dwarfism badankoodu waxay leeyihiin caqli ahaan garaad caadi ah, waxayna awood u leeyihiin inay wax bartaan, shaqeeyaan, qoys dhistaan, isla markaana ku noolaadaan nolol caadi ah.

Nooca ugu caansan Dwarfism waa Achondroplasia kaas oo sababa in gacmaha iyo lugaha ay noqdaan kuwo gaagaaban, halka jirridda jirku ay u dhowdahay cabbir caadi ah, waana nooca uu la nool yahay Warsame Cabdiqaadir mar uu sharaxayey waxa uu yiri "aniga ahaan waxaa qabaa oo markii aan inta imaaday aan ogaaday Achondroplasia, Achondroplasia laftiisa ayaa kala duwan, qaar waxaa jira qofka lafaha ay nooc kale noqdaan, marka waxaa muhiim ah in la ogaado nooca uu qofka qabo xilli hore".

Saameynta ugu badan ee dwarfism waa isbeddel ku dhaca hidde-sideyaasha, kaas oo saameeya sida lafaha iyo carjawdu u koraan. Mararka qaarkood xaaladdan waxaa laga dhaxlaa waalidka, halka mararka kale isbeddelka hidde-sideed uu si kedis ah ugu dhaco ilmaha, iyadoo aan waalidku qabin xaaladda.

Sababo kale waxaa ka mid noqon kara yaraanta hormoonka koritaanka ama cudurro kale oo saameeya koritaanka carruurta.

Dhakhaatiirtu waxay ku ogaadaan dwarfism iyagoo cabbira dhererka iyo miisaanka ilmaha, sameeya raajooyin si ay u eegaan lafaha, baaritaanno dhiig, iyo mararka qaarkood baaritaanno hidde-sideed si loo ogaado sababta saxda ah ee xaaladda.

Warsame

Xigashada Sawirka, Warsame

Qoraalka sawirka, Warsame waxa uu la nool yahay xaalad caafimaad oo afka khalaad lagu dhaho Dwarfism

Sida uu sharaxay Dr Faarax Cawaale oo bartay caafimaadka guud, Dwarfism noocyadiisa badankood daawo lagu bogsiiyo ma laha, laakiin waxaa jira daaweyn iyo daryeel lagu yareeyo dhibaatooyinka la socda. Carruurta qaar waxaa la siiyaa hormoonka koritaanka haddii ay sababtu tahay yaraanta hormoonkaas. Qaar kale waxay u baahan karaan qalliin lagu saxo lafaha ama laf-dhabarta, jimicsi caafimaad (physical therapy), iyo kormeer joogto ah oo uu sameeyo dhakhtar.

"Qaar ka mid ah dadka qaba dwarfism waxay la kulmi karaan dhibaatooyin caafimaad sida xanuunka dhabarka, qallooca laf-dhabarta, dhegaha oo caabuq ku soo noqnoqda, neefsashada oo dhib noqota, ama cadaadis ku dhaca neerfayaasha laf-dhabarta. Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinkan kuma dhacaan qof kasta", ayuu yiri Dr. Faarax.

Guud ahaan, dadka qaba dwarfism waxay ku noolaan karaan nolol caafimaad leh oo firfircoon haddii ay helaan daryeel caafimaad oo ku habboon. Ogaanshaha xaaladda xilli hore iyo la socodka caafimaadku waxay door muhiim ah ka ciyaaraan yareynta dhibaatooyinka iyo hagaajinta caafimaadka qofka, inkasta oo Soomaalida aysan aad ugu baraarugsaneyn arrintaas sida uu Warsame qabo, "carruurta qabo xaaladeeda oo kale waxa ay u baahan yihiin fursado badan haba ugu horreyso midda qoyska ka bilaabata oo ah canugga in la tuso inuu yahay qof reerka ka tirsan aanan lagu faquuqin xaaladda uu markaas la nool yahay, ayuu yiri Warsame.

Waxa uuna intaas ku daray sida ay muhiim u tahay la socodka caafimaadka ilmaha, "qofka waxa uu u baahan yahay daryeel caafimaad, aniga markii ugu horreeysay ee aan ogaaday inaa sidan ahay waxa ay ahayd markii aan soo caqliyeeystay oo waxaan qabaa nooc kamid ah Dwarfirms, bulshadeenna nin gaaban ayaad u tahay waxba kama galin nooca aad qabto, marka waxaa jeclaan lahaa dowladda ama hay'adaha caafimaadka in lasameeyo goob lagu baaro xanuunka si qofka u ama waalidku u ogaado xillia hore".

Mustaqbalka, Warsame wuxuu rajaynayaa inuu sii ballaariyo shaqadiisa warbaahinta bulshada, isla markaana uu sii wato waxbarashadiisa. Wuxuu doonayaa inuu noqdo qof saamayn togan ku yeesha bulshada, isla markaana dhiirrigeliya dadka kale inay ka gudbaan caqabadaha nolosha.