Dhaqaalaha Maraykanka uga baxay dagaalka Iran oo kor u dhaafay $37 bilyan iyo weerarada ee wali socda

Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka ayaa ilaa hadda ku qiyaasay kharashka dagaalka Iiraan inuu gaarayo $37.5 bilyan, halka militariga Mareykanka uu ku dhawaaqay dhammaystirka maalintii kow iyo tobnaad ee isku xigta ee duqeymaha Iiraan.
Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaasi ay bartilmaameedsadeen xarumaha howlgallada militariga Iiraan, awoodaha ciidamada badda, hangar-yada diyaaradaha, xarumaha kaydinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo kaabayaasha sahayda militariga.
Waxay intaas ku dareen in duqeymahaasi loogu talagalay "in la sii wiiqo" awoodda Iiraan ee ay ugu hanjabto maraakiibta ganacsiga ee ku sugan marin biyoodka Hormuz.
Warbaahinta Urdun ayaa sheegtay in ay dhawaqa siiriga ay ka maqleen magaalada Aqaba ee Urdun, oo u dhow magaalada Eilat ee Israa'iil.
Ciidanka Urdun ayaa ku dhawaaqay inay ogaadeen lix gantaal oo "ka imanaya dhulka Iiraan oo bartilmaameedsanaya dhulka Boqortooyada." Difaaca cirka ayaa qabtay oo soo riday afar gantaal, halka labada gantaal ee kale ay ku dhaceen laba meelood oo fog oo aan la degganayn, iyagoon geysan wax khasaare ah oo bini'aadam ama waxyeello kale.
Ciidanka Urdun ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qabashada iyo soo dejinta afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ka yimid Iiraan kuwaas oo bartilmaameedsaday dhulka Urdun, iyo in "hawlgalka qabashada iyo soo dejinta aysan keenin wax khasaare ah oo bini'aadam ama waxyeello kale."
Ciidanka Kuwait ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in difaacooda cirka ay ka jawaabayaan weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka imanaya Iiraan, Baxrayn-na waxay Talaadadii sheegtay inay qabatay gantaalaha Iiraan iyadoo ay soo dhawaqa siirigu soo noq-noqonayay.
Milatariga Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay bartilmaameedsadeen waxa ay sheegeen inay ahaayeen bartilmaameedyo Mareykan ah oo ku yaal Kuwait iyo Baxrayn, oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca cirka, rakibaadda radar-ka iyo dhismayaasha maamulka.
Kharashka dagaalka ee ku baxay Mareykanka ayaa ka badan 35 bilyan oo doollar.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa ku qiyaasay kharashka dagaalka lala galayo Iran lacag dhan 37.5 bilyan oo doollar ilaa hadda, taas oo ka badan qiyaastii hore oo ahayd 29 bilyan oo doollar bartamihii bishii Maajo.
"Qiyaasta aan maanta hayno waa 37.5 bilyan oo doollar," ayuu yiri Hegseth intii lagu guda jiray kulan ay yeesheen Guddiga Qoondaynta Miisaaniyadda ee Senate-ka, halkaas oo uu ku difaacayay codsi ku saabsan lacag dheeraad ah oo gaaraysa qiyaastii 67 bilyan oo doollar oo loogu talagalay Pentagon-ka.
Hegseth iyo Jeneraal Dan Keane, oo ah guddoomiyaha Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada, ayaa u sheegay Koongareeska in codsiga lacagtaas uu ahaa mid "degdeg ah" isla markaana "lagama maarmaan" u ah daboolidda kharashyada Pentagon-ka ee la xiriira dagaalka Iran ilaa dhammaadka bisha Sebtembar.

Xigashada Sawirka, Reuters
Rubio: Konotoroolka Iiraan ee Marinka Hormuz waaa khatar.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taliska ayaa sheegay in Iran ay weerartay in ka badan 30 markab oo ganacsi xilli ay marayeen marinka biyaha, iyagoo intaas ku daray in "weerarradan aan loo meelydayin ay khatar galiyeen boqolaal badmaaxayaal aan waxba galabsan, isla markaana ay wiiqeen xorriyadda isu-socodka maraakiibta."
Warkan ayaa soo baxaya xilli Aqalka Cad uu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka qayb-geli doono xaflad rasmi ah maalinta Arbacada, taas oo lagu wareejinayo haraaga meydadka askar Mareykan ah oo lagu dilay weerarro ay Iran ka geysatay Bariga Dhexe.
Trump ayaa sheegay in dalkiisu uusan weli soo gabagabeyn hawlgallada milateri ee ka dhanka ah Iran, isagoo qiyaasaya in Tehran ay u baahan doonto inta u dhaxaysa 20 ilaa 25 sano si ay dib ugu dhisto waxyaabihii ugu burburay dagaalka ilaa hadda.
Intii lagu guda jiray kulan uu la yeeshay Madaxa Lubnaan Joseph Aoun oo ka dhacay Aqalka Cad, Trump ayaa raaciyay: "Haddii aan hadda baxno, Iran waxay u baahan doontaa 20 ama 25 sano si ay dib ugu dhisto burburka, laakiin weli ma aannu dhammayn howsha... Haddana kama baxayno."
Mar labaad maalmo gudahood, madaxweynaha Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu weerar ku qaadi doono aagga Buurta Peaks — oo sidoo kale loo yaqaan Buurta Axe (Axe Mountain) — taas oo ku taal meel u dhow xarunta Iran ee bacriminta uranium-ka ee Natanz.
"Buurta Axe" waa goob nukliyeer oo dhulka hoostiisa ku taal, una dhow Natanz, halkaas oo hay'adaha sirdoonka reer galbeedka ay ka shakisan yihiin in Iran ay ka dhisayso xarun aan la shaacin oo lagu sameeyo hodan-gelinta uranium-ka.
Goobtan ayaa xiriir la leh barnaamijka nukliyeerka Iran, waxayna ku taal meel u dhow xarunta Natanz, taas oo uu gaaray burbur baaxad leh intii lagu jiray weerarro dhawaan dhacay.
Xogta maraakiibta ayaa muujisay in tirada maraakiibta maraya marinka Hormuz ay sii yaraatay maalintii Talaadada, iyadoo ay jiraan walaac dhanka amniga ah oo ka dhashay xiisadda iyo weerarrada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
Xogta laga helay shirkadda Kpler ayaa muujisay in saddex markab oo xamuul ah ay mareen marinka maalintii Talaadada, taas oo hoos u dhac ku ah afar markab oo maray maalintii Isniinta.
Xogta Kpler ayaa muujisay in markabka xamuulka guud ee Kaiser uu ka baxay marinka isagoo xamuul sida, halka markabka qaada xamuulka qallalan ee H7 SMB 8 uu marinka soo galay isagoo maran, taas oo ka dhigan inuu xamuul ka qaadan doono Gacanka.
Kpler ayaa sheegtay in markabka Hsin Ocean uu marinka soo galay maalintii Talaadada isagoo sida saliidda (palm oil) ee la safeeyey.
Lama arkin wax maraakiib waaweyn oo shidaal qaada (supertankers) ama maraakiibta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) oo maraya marinka maalintii Talaadada.
Dab ayaa ka kacay koonfurta Iran maalintii Talaadada, gaar ahaan buur ku taal meel laga arki karo magaalada Shiraz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee IRNA, iyadoo aan la sheegin sababaha keenay dabkaas.
Wakaaladda ayaa warisay in "dab weyn uu ka kacay fiidnimadii Talaadada buuraha Derak iyo buuraha u dhow ee Bab al-Quran ee magaalada Shiraz," iyadoo raacisay in "qiiq culus iyo olol laga arki karay xaafado dhowr ah oo magaalada ka tirsan."
Mahmoud Farmani, oo ah agaasimaha xiriirka dadweynaha ee adeegyada dab-damiska iyo amniga ee deegaanka, ayaa sharraxay in qiyaastii boqol ka mid ah shaqaalaha dab-damiska loo diray goobta si ay isugu dayaan inay xakameeyaan dabka oo ay ka hortagaan inuu sii faafo, iyadoo aan la cayimin baaxadda uu dabku ku fidayo.














