Madaxweyne xil haya oo ku dhawaaqay in doorasho dambe aysan dalkiisa ka dhici doonin

Daniel Ortega iyo xaaskiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha muddada dheer ka talinaayay Nicaragua, Daniel Ortega, ayaa sheegay in dalkaasi aanu mar dambe qaban doonin doorashooyin, taasoo meesha ka saaraysa suurtagalnimada in lagula tartamo doorasho marka uu xilkiisu dhammaado sanadka soo socda, isla markaana sii xoojinaysa awoodda uu la wadaago xaaskiisa sida ay tabisay wakaalada wararka ee Reuters.

Ortega, oo si joogto ah talada u hayay tan iyo sannadkii 2007 kadib markii uu sidoo kale madaxweyne ahaa sannadihii 1980-meeyadii, ayaa sheegay in tallaabadan ay si buuxda u xidhayso waddo kasta oo mucaaradku ku gaadhi karaan talada dalka, inkasta oo aanu faahfaahin ka bixin sida mamnuucidda doorashooyinka loo dhaqangelin doono.

"Mar dambe doorasho kama jiri doonto halkan si ay ugu adeegsadaan inay ku qabsadaan dowladda iyo awoodda dalka," ayuu Ortega ku sheegay khudbad uu fiidnimadii Axadda jeediyay, taas oo lagu xusayay sannad-guuradii Kacaankii Sandinista ee 1979-kii, kaas oo Ortega uu kaalin weyn ku lahaa ridistii taliskii Anastasio Somoza ee uu Maraykanku taageeri jiray.

"Wakhtigii ay xisbiyada ay taageeraan Maraykanka iyo taageerayaashii Somoza dib ugu soo noqon lahaayeen talada dalka waa dhammaatay,mar dambe maya," ayuu raaciyay Ortega oo 80 jir ah, taas oo ahayd markii ugu horraysay ee uu si fagaare ah uga soo muuqdo muddo laba bilood ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi faallo looga dalbaday arrintan. Maamulka Donald Trump ayaa hore ugu tilmaamay dowladda Ortega inay mid kelitalis, wuxuuna cunaqabatayn ku soo rogay in ka badan 2,350 mas'uul oo u dhashay Nicaragua ah iyo xubno ka tirsan qoysaskooda.

Doorashadii ugu dambaysay ee Nicaragua ka dhacday sannadkii 2021 ayaa si weyn loogu murmay, kadib markii Ortega uu xidhay siyaasiyiin mucaarad ah, hoggaamiyeyaal ganacsi, isla markaana uu sharci-darro ka dhigay mucaaradnimada iyo fikirka ka soo horjeeda dowladdiisa.

Ortega

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Daniel Ortega

Sannadkii hore, Ortega ayaa sii xoojiyay awooddiisa isaga oo sameeyay wax-ka-beddello dastuurka ah, kuwaas oo ay ka mid ahayd inuu xaaskiisa, Rosario Murillo, u magacaabo "madaxweyne-wadaag" oo ah in labadoodaba ay dalka madaxweynenimadiisa wadaagaan, isla markaana muddada xilka madaxweynaha laga dhigo lix sano. Ortega iyo xaaskiisu waxay si buuxda gacanta ugu hayaan inta badan hay'adaha dowladda, oo ay ku jiraan ciidamada qalabka sida iyo garsoorka.

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay dowladda Ortega iyo Murillo inay Nicaragua u beddeleen "dowlad kelitalis ah" oo si nidaamsan ugu xadgudubta xuquuqda aadanaha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sannadkii 2018, Ortega ayaa si adag uga jawaabay dibadbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeeday dowladdiisa, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 300 qof.

Falanqeeyayaal siyaasadeed iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo dibad-joog ah ayaa sheegay in hadallada Ortega ay si cad u muujinayaan xaqiiqada ah in dalka ay maamulaan laba qof oo kala ah Ortega iyo xaaskiisa, isla markaana ay ka tarjumayaan cabsida ay ka qabaan in mucaarad xooggan uu dalka ka hanaqaado.

"Ortega iyo Murillo waxay si muuqata uga baqayaan in furitaan siyaasadeed oo xitaa yar uu abuuri karo xaalad ay dadku si xor ah ugu muujiyaan mucaaradnimadooda, taas oo khatar gelin karta awoodda ay haystaan," ayuu yidhi Tiziano Breda, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan hay'adda Armed Conflict Location & Event Data, oo dabagal ku samaysa rabshadaha siyaasadeed.

"Halkii ay qaban lahaayeen doorasho la musuqmaasuqay, waxay doorteen inay gebi ahaanba meesha ka saaraan tartanka doorashada," ayuu intaas ku daray.

Wuxuu sheegay in Nicaragua ay hadda isu beddeshay "kelitalisnimo buuxda oo qoys keliya maamulo."

Felix Maradiaga, oo ahaa musharrax madaxweyne oo mucaarad ah, laguna xidhay Nicaragua intii u dhexaysay 2021 illaa 2023 ka hor inta aan loo musaafurin Maraykanka, ayaa sheegay inuusan hadallada Ortega u arkin muujin awood, balse uu u arko "qirasho cabsi."

"Ortega wuxuu si cad u qirtay waxa uu mar walba damacsanaa, taas oo ah inuu ka hortago in mashruuciisa kelitalisnimo lagu tartamo hannaan dimuqraadi ah oo kasta," ayuu Maradiaga u sheegay Reuters.

Sida uu sheegay Salvador Marenco, oo ah isku-duwaha ururka xuquuqda aadanaha ee Nicaragua Nunca Más ee xaruntiisu tahay Costa Rica, Ortega wuxuu horeba u wiiqay tartankii siyaasadeed doorashooyinkii dib loogu doortay ee 2011, 2016 iyo 2021.

Wax-ka-beddelladii dastuuriga ahaa ee la sameeyay sannadkii hore ayaa sidoo kale si rasmi ah u dhidibada u taagay nidaam hal xisbi ku dhisan, xilli hoggaamiyeyaashii mucaaradka dalka laga masaafuriyay, taas oo meesha ka saartay jiritaankoodii siyaasadeed ee gudaha dalka.

Marenco wuxuu sheegay in Ortega uu isku dayayo inuu "ka fogaado khatarta guuldarro doorasho, maadaama uu og yahay in shacabka Nicaragua ay diiddan yihiin."