Maxaan ka ognahay Bank-ga Türkiga leeyahay ee Maraykanku Iiraan darteyd cunaqabataynta u saaray?

Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka

Xigashada Sawirka, Kevin Carter/ Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay bangi laga leeyahay Türkiga, iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan. Safiirka Maraykanka u fadhiya Ankara, Tom Barrack, ayaa bayaan uu soo saaray ku adkeeyay in go'aanku aanu ku wajahnayn nidaamka bangiyada Türkiga, balse uu khuseeyo hay'ad gaar ah oo keliya.

Lix bilood kaddib markii uu dagaalku billowday, Washington ayaa weli wada dadaalladeeda ku aaddan in Iraan dhaqaale ahaan la go'doomiyo.

Tallaabadii ugu dambaysay ee Maraykanku qaaday ayaa lagu bartilmaameedsaday Golden Global Bank iyo shirkadaha xiriirka la leh. Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa sheegtay inay liiskeeda cunaqabataynta ku dartay Golden Global Bank oo fadhigiisu yahay Istanbul, Golden Global Asset Management Company, iyo Golden Global Financial Intermediary Company.

Wasaaraddu waxay sheegtay in hay'adahan ay fududeeyeen isu gudbinta lacago badan oo qiimahoodu gaarayo "tobannaan milyan oo doollar", kuwaas oo ay ku qornaayeen magaca Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iraan.

Waxa kale oo la sheegay in hay'adahan ay Iraan siiyeen "fursad muhiim ah oo ay ku heli karto adeegyada dhexdhexaadinta bangiyada", taas oo u saamaxday dalkaas inuu kheyraadkiisa maaliyadeed u kala gudbiyo dalal kale.

Jawaabta Bankiga ka bixiyey eedeymaha

Golden Global Bank ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay, wuxuuna sheegay inuusan samayn wax adeegyo bangiyeed ah oo muujinaya eedeymaha ay soo jeedisay dowladda Maraykanka.

Bangigu wuxuu sheegay inuu u hoggaansamo "dhammaan xeerarka, habraacyada iyo shuruudaha u hoggaansanaanta bangiyada ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee khuseeya."

Bandkigu waxay isku tilmaantaa inuu yahay "bangigii ugu horreeyay ee maalgashi ee Türki ah oo dhammaan hawlihiisa u fuliya si waafaqsan mabaadi'da maalgelinta aan dulsaarka lahayn."

Sida ay Reuters uga heshay xogta kaydka xogta ee Debanks.eu, hantida guud ee Golden Global Investment Bank waxay sannadkii 2025 ahayd ku dhowaad 25 bilyan oo liro oo lacagta Turkiga ah.

Barrack: "Nidaamka maaliyadeed ee Türkiye su'aal kama taagna"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Safiirka Maraykanka u fadhiya Ankara, Tom Barrack, ayaa go'aankaas kaga hadlay bartiisa X, isagoo yiri: "Cunaqabatayntani maaha mid ku socota dal, nidaam bangiyeed ama waddan xulafo ah, balse waxay ku wajahan tahay oo keliya hawlaha hay'ad gaar ah."

Tom Barrack ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka iyo dhinacyada Türkiga ay arrintan ka yeesheyn wada hadallo toos ka hor inta aan la soo rogin cunaqabateynta.

Wuxuu intaas ku daray in gudaha Maraykanka iyo Ankara labadaba ay noqon lahayd "khalad weyn" haddii tallaabadan xaddidan loo fasirto inay tahay xukun guud oo lagu riday Türkiga.

"Danta Türkiga lafteeda ayaa ku jirtaa inay yeelato nidaam bangiyeed nadiif ah, lagu kalsoonaan karo, oo aan si khaldan loo adeegsan", ayuu yiri Barrack.

Sida uu sheegay safiirka Maraykanka, ma jiro dal si ka weyn Türkiga u danaynaya in laga hortago in hay'adihiisa loo adeegsado ujeeddooyin aysan dowladdu marnaba oggolaan lahayn, waxa uuna carrabka ku adkeeyay "Caafimaadka iyo xasilloonida nidaamka maaliyadeed ee Türkiga su'aal kama taagna; waxa keliya ee la su'aal gelinayo waa hawlaha hay'ad gaar ah."

.

Xigashada Sawirka, Kayla Bartkowski/ Getty Images

Qoraalka sawirka, تام باراک

Bayaan uu soo saaray, Tom Barrack wuxuu sidoo kale ku ammaanay mas'uuliyiinta dowladda Turkiga "tallaabadooda wax-ku-oolka ah ee lagu xallinayo madmadowga ku xeeran arrintan iyo bilaabidda hannaan lagu xoojinayo hufnaanta mustaqbalka", waxa uuna intaas ku daray "Tani ma aha falcelinta dowlad wax qarinaysa, balse waa hab-dhaqanka saaxiib bisil oo doonaya in nidaamkiisu noqdo mid hagaagsan, isla markaana u muuqda mid toosam".

Washington ayaa sidoo kale qaaday tallaabo ay ku doonayso in laga jaro nidaamka maaliyadeed ee Maraykanka adeegyada bangi weyn oo laga leeyahay Masar, kaas oo ka hawlgala Imaaraadka Carabta.

"Hay'adaha maaliyadeed waxay si adag u baranayaan sida ay nooga go'an tahay hawlgalkayaga lagu doonayo in Iran dhaqaale ahaan lagu go'doomiyo," ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent, sida lagu sheegay bayaan qoraal ah.

"Waxaan rajaynaynaa inaan loo baahnayn in bangiyo kale la cunaqabatayn saaro," balse wuxuu intaas ku daray in arrintaasi ay ku xirnaan doonto sida ay beesha caalamku ugu degdegto inay joojiso taageerada ay siiso Iraan.

Bessent ayaa dhowaan ku dhawaaqay in Maraykanku bilaabay cunaqabatayn dhaqaale oo ka dhan ah Iraan, wuxuuna uga digay dalalka aan ku biirin ololahaas inay la kulmi doonaan cawaaqib culus.