Ma dhabbaa in cunista yaanyada badan ay sababi karto dhagaxaanta kelyaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, شنمُگ پریا سیلوا راج
- Role, بی بی سی تمل
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Dad badan ayaa aaminsan fikrado khaldan oo ay ka mid yihiin in cunista yaanyadu ay keento dhagxaanta kelyaha, halka qaar kalena ay rumaysan yihiin in cabitaanka baabi'iyo dhagaxaanta kelyaha.
Labada kelyood ee ku jira jidhka bini'aadamka waxay ku yaallaan labada dhinac ee laf-dhabarta, qaybta dambe ee caloosha.
Inkasta oo kelyuhu ay yar yihiin, haddana waxay door muhiim ah ka ciyaaraan sifaynta iyo ka saarista qashinka iyo walxaha aan loo baahnayn ee jidhka.
Shaqada ugu weyn ee kelyuhu waa inay sifeeyaan qashinka iyo sunta ku ururta jidhka, kadibna ay ka saaraan iyaga oo kaadida ku dhex saaraya.
Warbixintan waxaan ku ogaan doonnaa sababta ay dhagaxaanta kelyuhu u samaysmaan, calaamadaha lagu garto, iyo sida looga hortagi karo.
Maxaa sababa in dhexgaan kelyaha ku sameysmaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka walxaha jidhku ka saaro kaadida, sida kaalshiyam-oksalaatka iyo aashitada uric acid, ay ku bataan kaadida ama aan si fiican looga saarin jidhka, waxay isu beddeli karaan qururux. Qururuxyadaas ayaa si tartiib ah isugu dhega, ugu dambayntiina waxay noqdaan wax adag oo u eg dhagax.
Tan ayaa loo yaqaannaa dhagaxaanta kelyaha. Mararka qaarkood, inkasta oo ay dhif tahay, waxaa kelyaha ku samaysmi kara dhagaxyo ka samaysan ammonium magnesium phosphate.
Sababta ugu weyn ee samaysanka dhagaxaantu waxay noqon kartaa in macdanta ku jirta kaadidu ay badato. Sidoo kale, hoos u dhaca xaddiga kaadida uu jidhku soo saaro ayaa ah sabab weyn oo keenta samaysanka dhagaxaanta.
Sida uu sheegay khabiirka cudurrada kelyaha, Dr. Gopal Krishnan, marka xaddiga kaadidu yaraado, isku-urursanaanta macdanta ku jirta kaadidu way kordhaysaa, taasina waxay sare u qaadaysaa fursadda ay kiristaalo ama dhagaxyo ku samaysmi karaan.
Sida laga soo xigtay Xarunta Qaranka Maraykanka ee Macluumaadka Bayolojiyada (NCBI), dhagaxaanta kelyuhu waa cudur ku sii badanaya hab-dhiska kaadi-mareenka, waxaana lagu qiyaasaa inay saameeyaan ku dhowaad 12% dadka adduunka.
Haddii aan ladaaweyn, cudurkani wuxuu kordhin karaa khatarta ah in shaqada kelyuhu si weyn u dhaawacanto ama xitaa gebi ahaanba istaagto.
Sida ay sheegtay hay'addu, dhagaxaanta ka samaysan kaalshiyam-oksalaatka ayaa ah kuwa ugu badan. Waxay badanaa ka samaysmaan meel ka mid ah kelyaha oo loo yaqaan renal plaque.
Renal plaque waa kayd yar oo cusbada kaalshiyamku ku samaysanto gudaha kelyaha, waxaana inta badan lala xiriiriyaa samaysanka dhagaxaanta kelyaha.
Calaamadaha lagu garto in Kelyaha Dhagxaan leeyihiin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Calaamada lagu garto in kelyaha uu qofka ku leeyahay dhagaxaan waxaa kamid ah;
Xanuun daran oo si lama filaan ah ugu soo booda agagaarka feeraha, matag, Qandho IWM.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Gopal Krishnan wuxuu sheegay in calaamadaha dhagaxaanta kelyuhu ay qofba qofka kale ka duwanaan karaan, isla markaana dadka qaarkood ay yeelan karaan dhagaxyo iyaga oo aan wax calaamado ah muujin.
Sida lagu sheegay daraasad NCBI ah oo la daabacay 2018, calaamaduhu waxay ku xiran yihiin halka uu dhagaxu kaga yaallo kelyaha, tuubada kaadida (ureter) ama kaadi-haysta.
Calaamadaha waxaa ka mid noqon kara:
Xanuun daran.
Xanuun ka agagaarka feeraha.
Dhiig kaadida ku jira.
Xannibaad ama dhaawac ku yimaadda marinnada kaadida.
Caabuqa kaadi-mareenka.
Kaadida oo ku adkaata.
Kelyaha oo barara.
"Darnaanta calaamaduhu waxay inta badan ku xiran tahay meesha uu dhagaxu yaallo, tiradiisa, cabbirkiisa iyo haddii uu dhaqaaqi karo ama uu meel ku dheggan yahay," ayuu yiri Dr. Gopal Krishnan.
Wuxuu intaas ku daray: "Dhagax dhaqaaqaya wuxuu dhaawici karaa xuubka gudaha ee marinka kaadida, taas oo keenta xanuun daran. Dhagaxyada ka yar shan millimitir waxay guud ahaan u badan tahay inay si dabiici ah uga soo baxaan jidhka. Dhagaxyada waaweynse fursadda ay iskood uga soo baxayaan way yar tahay."
Sida uu sheegay Dr. Gopal Krishnan, dhibaatadani waxay aad ugu badan tahay bilaha Abriil, May iyo Juun, sababtoo ah marka heerkulku kordho, jidhku wuxuu dhidid ahaan u lumiyaa biyo badan. Dadka aan cabbin biyo ku filan ayaa sidaas darteed halis dheeraad ah ugu jira inay yeeshaan dhagaxaanta kelyaha.
Sidee loo daaweeyaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida uu sheegay Dr. Gopal Krishnan, dhagaxyada yaryar ee kelyaha ee aan xanuunka keenin uma baahna in si degdeg ah loo daweeyo.
Cabitaanka biyo badan iyo la socodka xaaladda qofka ayaa mararka qaarkood ku filnaan kara.
Hase yeeshee, dhagaxyada waaweyn ee xanuunka keena waxaa loo isticmaali karaa hababkan daaweynta ah:
Lithotripsy-ga hirarka jugta (Shockwave lithotripsy):
Waa hab dhagaxaanta lagu jebiyo iyada oo la adeegsanayo hirar jug ah.
Daaweynta leysarka:
Waa hab dhagaxa ku xanniban marinka kaadida si toos ah loogu gaaro qalab baaritaan oo gudaha ah (endoscope), kadibna leysar lagu jebiyo.
Gelinta stent-ka:
Haddii caabuq jiro, marka hore waxaa la geliyaa tuubbo yar oo ka caawisa in kaadida ururtay ay dibadda usoo baxdo Dhagaxa waxaa la saaraa marka caabuqa la daweeyo.
Cab biyo badan:
Cab biyo kugu filan si aad maalin kasta u soo saarto ugu yaraan 2.5 ilaa 3 litir oo kaadi ah. Xaddiga loo baahan yahay wuu kala duwanaan karaa iyadoo ku xiran xilliga iyo nooca shaqada ama deegaanka uu qofku ku nool yahay.
Cusbada oo la yareeyo
Isticmaalka sodium-ka badan wuxuu kordhin karaa halista samaysanka dhagaxaanta.
Yaree borotiinka xoolaha:
Beerka, maskaxda iyo xubnaha kale ee gudaha xoolaha waxaa ku badan oksalaat iyo aashitada uric acid, sidaas darteed waa in la yareeyo cunista cuntooyinka xoolaha laga helo.
Borotiinka xoolaha waxaa loola jeedaa borotiinka laga helo hilibka, digaagga, kalluunka, ukunta, caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo caanaha.
Cayilka oo la iska yareeyo
Cayilka xad-dhaaf ah wuxuu la xiriiraa kororka halista dhagaxaanta kelyaha.
Ka fogow cabitaannada sonkorta leh:
Fructose-ka ku jira cabitaannada qaarkood wuxuu kordhin karaa heerka aashitada uric acid ee jidhka.
Yaree cuntooyinka oksalaatka ku badan yahay:
Qaar ka mid ah khudaarta caleenta cagaaran iyo miraha la qalajiyey ayaa oksalaatku ku badan yahay, sidaas darteed waa in si dhexdhexaad ah loo isticmaalo.
Qoysaska qaarkood, dhagaxaanta kelyaha waxaa sidoo kale sababi kara cillado dheef-shiid kiimikaad oo la iska dhaxlo. Sidaas darteed, dadka qaarkood waxay u baahan karaan baaritaanno caafimaad oo faahfaahsan.
Yaanyada ma keentaa dhagaxaanta kelyaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida uu sheegay Dr. Gopal Krishnan, waa aaminaad caadi ah balse aan sax ahayn in cunista yaanyadu ay keento dhagaxaanta kelyaha.
Wuxuu sheegay in cunto kasta ay muhiim tahay in si dheelitiran loo isticmaalo, isla markaana xaddiga oksalaatka ku jira yaanyadu aanu ahayn mid aad u sarreeya oo keeni kara dhagaxaanta kelyaha.
Dr. Gopal Krishnan wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax caddayn ah oo xaqiijinaysa sheegashada ah in cabitaanka casiirka jirridda moosku uu ka caawinayo dhagaxaanta kelyaha inay jidhka ka soo baxaan.
Sida uu sheegay, ma jiro caddayn cilmiyeed oo muujinaysa in cabitaanka casiirka jirridda moosku uu ka hortagi karo samaysanka dhagaxaanta kelyaha ama uu si fudud uga saari karo dhagaxyada hore u samaysmay.
Dr. Gopal Krishnan wuxuu intaas ku daray: "Marka dhagaxa la keydiyo, haddii uu qalliin ahaan ama si dabiici ah uga soo baxay qofka, waxaa la baari karaa qaab-dhismeedka kiimikaad ee dhagaxa. Tani waxay si sax ah u caawin kartaa in la ogaado cuntooyinka qofkaasi ay tahay inuu ka fogaado iyo isbeddellada hab-nololeed ee uu u baahan yahay inuu sameeyo".















