Trump oo sheegay in Iiraan ay "baryayso in heshiis la gaaro", halka Tehran ay xaqiijisay in "cadaadisku uusan waxba tari doonin"

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Maraykanka ayaa sii xoojiyay cadaadiska uu ku hayo Iran, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu beeniyay in labada dal ay wada-hadallo u socdaan, halka Washington ay diyaar u tahay inay taageero ka raadsato dalalka G20 si ay cadaadis dheeraad ah ugu saarto Tehran. Dhanka kale, Iran ayaa dib u furista Marin-biyoodka Hormuz ku xirtay in la soo afjaro dagaallada ka socda Lubnaan, Gaza iyo Suuriya.

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ee Truth Social ku tilmaamay Iran inay tahay "dal fashilmay", isagoo sheegay in Tehran ay "baryayso" in heshiis la gaaro. Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuusan doonayn inuu kulan la yeesho mas'uuliyiinta Iran.

Trump ayaa sidoo kale weriyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay in Washington aysan wax wada-hadallo ah la yeelan Iran, isla markaana ay hadda diiradda saarayaan cadaadis dhaqaale oo lagu saaro Tehran. Wuxuu ku hanjabay in cunaqabatayn lagu soo rogi doono dalalka iyo dhinacyada sii wada ganacsiga ay la leeyihiin Iran.

Madaxweynaha Maraykanka kama uusan reebin suurtagalnimada ah in cunaqabatayn lagu soo rogo bangiyada Shiinaha sababo la xiriira macaamiladooda ganacsi ee Iran. Dhanka kale, wuxuu sheegay in Ruushku ilaa hadda "si wanaagsan" ula dhaqmay arrinta Marin-biyoodka Hormuz.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa xaqiijisay in aysan hadda jirin wax wada-hadallo ah oo lagu soo afjarayo dagaalka. Waxay sheegtay in go'doominta badda ay weli taagan tahay, isla markaana dhammaan xulashooyinka ay "miiska saaran yihiin".

Washington waxay abaabulaysaa dalalka G20 si loo sii xoojiyo cadaadiska lagu saarayo Iran

Iyada oo qayb ka ah adkeynta cadaadiska dhaqaale, Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa qorsheynaya inuu dhiggiisa dalalka G20 ku boorriyo inay ku biiraan dadaallada lagu wajahayo Iran, inta lagu guda jiro shirar ka dhacaya magaalada Asheville ee gobolka North Carolina, Isniinta iyo Talaadada.

Mas'uul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegay in Bessent uu farriintan si xooggan u carrabka ku adkeyn doono kulamada laba-geesoodka ah ee uu la yeelanayo wasiirrada maaliyadda iyo guddoomiyeyaasha bangiyada dhexe ee dalalka dhaqaalahoodu ugu weyn yahay caalamka.

Bessent ayaa horey uga digay dalalka sii wada ganacsiga Iran in ay wajihi karaan in laga saaro nidaamka maaliyadeed ee reer Galbeedka. Shiinaha, oo xubin ka ah G20 isla markaana ka mid ah iibsadayaasha ugu waaweyn ee shidaalka Iran, ayaa dhankiisa sheegay inuu si "adag" u difaaci doono xuquuqdiisa iyo danihiisa.

"Isku-daygii lagu qasbay rabitaanka sharci-darrada ah"

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in dhammaan dalalku ay waajib ku tahay inay ka fogaadaan dhaqan-gelinta cunaqabataynta Maraykanka ee ka dhanka ah Tehran. Waxay ka digtay in ka qaybqaadashada cunaqabatayntaas loo qaadan karo inay tahay "gacan ka geysanaysa in rabitaanka sharci-darrada ah ee dal gaar ah lagu khasbo dalal madax-bannaan."

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in Maraykanku fahmo "xaqiiqo fudud, taas oo ah in cadaadisku uusan waxba tari doonin."

Si kastaba ha ahaatee, Araqchi ayaa sheegay in "dib ugu soo noqoshada diblomaasiyadda waddadeeda aysan ahayn wax aan suurtagal ahayn."

Dhanka dadaallada xooggan ee dhexdhexaadiyeyaashu ugu jiraan dib u furista Marin-biyoodka Hormuz, booqashadii Ra'iisul Wasaaraha Qadar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani uu ku tagay Tehran ayaa keentay in Iran ay oggolaato inay dejiso liis shuruudo ah oo ku saabsan dib u furista marin-biyoodka.

Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, Mohsen Rezaei, ayaa sheegay in Tehran ay diyaarisay liiska shuruudaheeda ku aaddan dib u furista buuxda ee Marin-biyoodka Hormuz. Shuruudaha waxaa ka mid ah in la joojiyo dagaallada Gaza iyo Lubnaan, in Israa'iil ay ka baxdo dhulka Lubnaan ee ay gacanta ku dhigtay, iyo in la joojiyo weerarrada Israa'iil ay ku hayso Suuriya.

Rezaei ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Al-Manar ku sheegay in Iran ay Cumaan ku heshiisay in la sameeyo marin-badeed ku-meelgaar ah oo mara Marin-biyoodka Hormuz, kaas oo qayb ka mid ahi ku yaallo biyaha Cumaan, qaybta kalena ay ku taallo biyaha Iran. Wuxuu sheegay in mustaqbalka isu-socodka maraakiibtu uu ku xiran yahay sida Washington uga jawaabto shuruudaha Iran.

Dhanka kale, Mohsen Rezaei, Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa beeniyay jiritaanka qorshe Iran ay ku doonaysay inay ku disho Barron Trump, oo ah wiilka madaxweynaha Maraykanka. Wuxuu arrinta ku tilmaamay "war been-abuur ah oo dacaayad ah" oo looga gol leeyahay in lagu saameeyo go'aannada Trump.

Hay'adda Sirdoonka iyo Ilaalinta Madaxda Maraykanka ayaa horay u sheegtay inay ka warqabto muuqaal uu baahiyay telefishinka dowladda Iran, kaas oo looga hadlayay qorshe suuragal ah oo lagu beegsanayo Barron Trump. Hay'addu waxay xaqiijisay inay baarayso arrin kasta oo loo arki karo inay khatar ku tahay dadka ay mas'uuliyadda ilaalintooda hayso.

"Socod gaaban"

Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Boodh xayaysiis ah oo ku yaalla fagaaraha Azadi ee caasimadda Iran, Tehran

Jimcahan maanta ayaa ku beegan lix bilood tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iran, kaas oo billowday 28-kii Febraayo.

Bilowgii dagaalka, Trump wuxuu dadka Maraykanka u ballanqaaday in dagaalku noqon doono "socod gaaban" oo ku dhammaan doona muddo toddobaadyo ah.

Hase yeeshee, labada dhinac ayaa weli is-weydaarsanaya duqeymo, iyadoo dagaalka uu tan iyo markii uu billowday ku dhintay in ka badan 8,000 qof oo ku kala nool Bariga Dhexe, sida ay muujinayaan tirakoobyo maxalli ah.

Dowladda Iran ayaa sheegtay in ilaa bartamihii Abriil ay dagaalka ku dhinteen 3,468 muwaadiniin Iranian ah.

Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa iyaduna sheegtay in dagaalkan ay ku dhinteen 18 askari oo Maraykan ah, halka 818 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, isu-socodkii maraakiibta ayaa istaagay Marin-biyoodka Hormuz ee muhiimka ah, iyadoo aan weli muuqan xal dhow. Qiimaha shidaalka ayaa weli qiyaastii 25 boqolkiiba ka sarreeya heerkii uu joogay ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.

Maanta oo Jimce ah, qiimaha shidaalka ayaa xoogaa xasilloon kadib markii uu hoos u dhacay bilowgii ganacsiga, taas oo timid kaddib hadal uu jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Iran oo sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Iran iyo Maraykanka ay weli suurtagal yihiin.

Saliidda cayriin ee Brent ayaa lagu kala iibsaday 89.7 doollar foostadii, taas oo ah celceliska heerka ganacsi ee ay ku jirtay tan iyo bartamihii Juun.

"Nadiifinta marinnada maraakiibta ee Hormuz"

Dhanka kale, taliyaha Taliska Dhexe ee Maraykanka, Admiral Brad Cooper, ayaa ku dhawaaqay in miinooyinka badda ee Iran laga saaray marinnada maraakiibta ee caalamku aqoonsan yahay ee ku yaalla Marin-biyoodka Hormuz, isagoo sheegay in marinnadaasi hadda ay maraakiibtu isticmaali karaan.

Cooper ayaa intaa ku daray in howlgalka ay ka qaybqaateen quusayaal, ciidamada gaarka ah iyo diyaarado Maraykan ah. Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in go'doominta lagu soo rogay Iran ay weli socoto, isla markaana maraakiibta laga mamnuucay inay galaan ama ka baxaan dekedaha Iran iyaga oo aan haysan oggolaansho Maraykan, marka laga reebo xaaladaha bani'aadannimo.